Wednesday, June 20, 2018
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Midnimada Soomaaliya waxay ku xiran tahay maamul u samaynta Sool, Sanaag, Iyo Cayn

By Axmed Bashiir

Qoraalkan wuxuu taabanayaa arrimo la xiriira sababta Madaxweyne Farmaajo iyo maamulkiisu uga gaabiyeen sugidda midnimada Soomaaliya oo Dawladda Dhexe maamul ugu samayn wayday gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn oo dadkoodu aad u taageeraan midnimada Soomaaliya. Waxaan In badan maqaalkan ka soo xigtay qoraallo dhowr ah oo uu Cismaan Xasan (Osman Hassan) ku qoray English (Alterantive approauch to end the secession and hello-hargeisa-here-comes-galaydh-goodbye-union). Kuwaas oo badanaa uu ku daabaco www.wardheernews.com.

Ma adag tahay In dib loo soo celiyo midnamadii Soomaaliya? Muxuuse yahay xiriirka ka dhexeeya Soomaaliland, Al-shabaab, iyo xasilloni darrada Ka Jjrta koonfurta Soomaaliya?

Madaxweyne Muuse Biixi

Dad badan oo Soomaali iyo shisheeyaba leh ayaa aamminsan inay adag tahay in dib loo soo celiyo midnimada Soomaaliya, iyagoo tusaale u soo qaata siday u adag tahay qaabkii loola macaamiltami lahaa maamulka Waqooyi Galbeed Soomaaliya (former British Somaliland).

Maamulka Soomaaliland oo dadaal wayn ku bixiyay siday uga go’i lahaayeen Soomaaliya, isla markaana si ay ictiraaf u helaan kaalin wayn ka qaata waarinta dagaalka sokeeya ee ka jira goballada Koonfurta Somaliya, iyo sidii dawlad macne leh aysan marna uga dhalateen Muqdisho.

Dadka siyaasadda Soomaaliya u kuur gala waxay og yihiin in maamulka Soomaaliland uu lug wayn ku leeyahay abaabulka xoogagga mucaaradka ku ah Dawladda Dhexe, gaar ahaan hoggaaminta iyo taakulaynta Al-shabaab, iyagoo adeegsanaya kooxo reer Soomaaliland ah oo xagjir ku ah qadiyadda go’itaanka, iyo dawlado shisheeye, Al-shabaab, iyo qaar ka mid ah masuuliyiin iyo qaba’il ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya oo u arka inay dan wadaag yihiin Soomaaliland.

Soomaaliland waxay aamminsan tahay haddii Koonfurta Soomaaliya nabad noqoto, in halgankooda ah inay Soomaaliya ka go’aan dhaawac wayn soo gaarayo oo uu baaba’ayo, sidaa awgeed ay naf iyo maalba u huraan inaan Koonfurta Soomaaliya marna nabad ka dhalan ilaa iyo inta ay ka go’ayaan oo ka helayaan ictiraaf.

Sidaa awgeed baa dad badani ugu arkaan dib u midaynta Soomzaliya arrin culus, oo dhib ah oo wax xal ah aan laga gaari karin, gaar ahaan, maadama maamulka Soomaaliland ay u muuqato mid aan geli karin waan-waan aysan ka dhalanayn wax aan ahayn go’itaan ay ka go’aan Soomaalia. Halka xukuumadda Federalku iyaduna aysan siyaasad ahaan qaadan karin kala go’a ku yimaada midnimada Soomaaliya, inkastoo marar badan tallaabooyinka iyo go’aannada qaar ka mid madaxda iyo siyaasiyiinta Dawladda Dhexe aad moodayso inay si toos ah u taageerayaan go’itaanka Somaliland Sida halkaan uu ku qoray Cismaan Xasan. Inkasta oo siyaasad ahaan aysan Dawladda Dhexe qaadan karin kala go’a Soomaaliya, haddana ma muujin dadaal iyo dhiiranaan ay ku doonayso inay ku midaynayso dadka iyo dalka Soomaaliya.

Laakiin dib u midaynta Soomaaliya run ahaantii sida loo adkaynayo ma aha, oo way ka fududdahay haddii Madaxwaynaha DFS la imaan karo dhiirranaan, mawqif cadna ka qaadan karo inaan midnimada Soomaaliya geli karin gor-gortan, uuna u caddayn karo in maamulka Soomaaliland uu yahay maamul matala dad iyo goballo ka mid ah Soomzaliya. Gobolladaas (Awdal, Sool, Sanaag, Cayn) oo inta badan dadkoodu doonayan inay ka mid ahaadaan Somaliya.

Sidaa oo arriintu tahay, haddana dadka dega Waqooyiga Soomaaliya uma dhamma go’itaanka. Waxa tusaale noogu filan Niciima Abwaan Qorane (Gabayga Dood Qaran), Abwaan, Hal-Abuur, Suxufi, Nageeye Cali Khaliif (Gabayga Waan Diiday Reernimo),  iyo dad kale oo badan oo iyadoo kale ah oo aan xor u ahayn inay muujiyaan codkooda iyo fikirkooda ku aaddan midnimada Soomaaliya, oo ka baqaya in xabsi lagu tuuro haddii ay yiraahdaan waxan aamminsannahay midnimada Soomaaliya. Abwaannadan reer Waqooyiga waa kuwa Dhallin yar oo nool xilligan hadda aan joogno oo Soomaali la is nacsiiyay oo la kala dilay laakin ilaahay siiyay abwaanimo, indheer garadnimo, xeeldheeri caqli, iyo faham ay fahmeen wada dhalashada iyo kala maaran la’aanta ummada Soomzaliyeed, iyo xoogga ku jira midnimada.

Samaynta maamulka Khaatumo waa furaha midnimada Soomaaliya

Dadka degga Sool, Sanaag, iyo Cayan waa dad taageero wayn u haya Dawladda Dhexe ee Soomaaliya, aadna ay ugu wayn tahay midnimada Soomaaliya, laakiin ilaa iyo hadda wax tageero ama ictiraaf kama helin Dawladda Dhexe ee Soomaaliya. Sidaas oo ay tahay mawqifkooda ku aaddan midnimada Soomaaliya kama galaan gor-gortan inkasta oo gobolladooda ay xoog ku haystaan Maamulka Soomaaliland.

Dawaladda Dhexe ma waxay ka baqaysaa in dhiig iyo dhaqaale badan ku lumaan maamul u samaynta Sool, Sanaag, iyo Cayn? Jawaabta Su’aashaas waa maya.

Waxaan leenanahay waa suurogal iyadoo aan dhiig la daadin, dhaqaale badanna la lumin in la soo celiyo midnimada Soomsaliya. Sida ugu sahlan ee aan dhiigna ugu daadan, dhaqaalana ugu lumin isla markaana Madaxwayne Farmaajo uu u soo de-dejin karo dib u midaynta dadka iyo dalka Soomaaliya wa isagoo qaata go’aan kama dambays ah oo uusan dawlado shisheeye iyo cid kale toona uga gabbanayn oo uu maamul ugu sameeyo gobaallada Sool, Sanaag, iyo Cayn. Ka dibna uu xal u raadiyo midnima doonka jecel Soomaaliya ee reer Awdal, Burco, iyo degaannada kaleba.

Haddii Madaxwaynuhu go’aankaas qaato, iyadoo aan dagaal dhicin oo hal xabbad ah aan la ridin ayaa waxa xallismaya waxyaabe kale oo badan oo hadda caqabad ku ah Dawladda Dhexe.

Tusaale ahaan, haddii Sool, Sanaag, iyo Cayn maamul loo sameeyo, maamulka Hargeysa wuxu lumninyaa dhul badan oo uu hadda xoog ku haysto, shacabkooduna aaminsan yahay midnimada ummadda Soomaaliyeed. Ka dib waxa Soomaaliland u so haraya dhul ka yar afar-meelood-oo-meel dhulka hadda ay haysato, Dawladda Dhexena waxa ka fududaanaya culayaska iyo shuruudaha Somaliland la timaaddo miiska wada hadalka, loomana baahanayo wax waan-waan ah oo macna wayn leh in lala galo maamulka Somaliland, waayo mar haddii Sool, Sanaag , iyo Cayn ay ka baxaan Soomaaliland oo maamul gaar iyaga u ah ay yeeshaan waxaa wiiqmaya jiritaanka Somaliland, iyo moodsiiska ah inay dal gaar ah yihiin. Taasina waxay keenaysaa in Somaliland markaa ka dib iyadu hormuud u noqoto in la wada hadlo oo la heshiiyo. Haddii wada hadal lala galo Soomaaliland ka dib markii maamul loo sameeyo goballadaas, Dawladda Dhexe ayaa yeelanaysa gacanta sare. 

Cidna xaqeeda lama Duudsiin karo

Waxa muhiim ah in Dawladda Dhexe caddayso mawqifkeed, go’aan adagna ka qaadato in dadka dega Sool, Sanaag, iyo Cayn ay xaq ugu leeyiin inay aayahooda ka tashadaan sida maamulka Somaliland-ba uu ugu doodo inuu xaq ugu leeyahay inay aayahooda ka tashadaan.

Macquul ma aha in Somaliland ku dooddo inay xaq u leedahay inay aayaheeda ka tashato, isla markaana aysan u oggolaan daka reer Awdal, Sool, Sanaag, iyo Cayn inay iyaguna xaq u yeeshaan inay aayahooda ka tashadaan.

Caqliga saliimka ah wuxu is waydinayaa, sidee xaq adiguba aad rabtid inaad heshid aad ugu diidi kartaa dadka ku nool goballada Sool, Sanaag, iyo Cayn oo iyaguna xuquuqdaas oo kale doonaya, laakiin raba midnima Somaliya.

Sidoo kale, markii maamul loo sameeyo Sool, Sanaag, iyo Cayn waxa Dawladda dhexe ka haraya mu’aamaradaha curyaaminta ah ee ka so wajaha Cabdiweli Gaas oo ah ninka ka dambeeya shiddada maamul goboleedyadu ku hayaan Dawladda dhexe, isagoo ku fashilmay inuu si wanaagsan u maamulo Puntland (for a good analysis on this read gaas-and-the-floundered-presidency by Faisal Rooble) oo bur-buriyay dhaqaalihii, iyo nidaamkii dawladnimo ee Puntland, soona dhacsan kari waayay dhul badan oo uu sheegto inuu maamulkiisa  hoos yimaado laakiin Somaliland xoog ku haysato (Aabbow ninka yar iga celi, kan wayn baan iska celin e).

Waxa kaloo dawladda dhexe u suuroobaya markay dhisaan maamul ay leeyihiin Sool, Sanaag, iyo Cayn in hal mar ay wiiqdo awoodda maqaar saarka ah ee ay is bidaan labada maamul ee Somaliland iyo Puntland oo iyagu ah kuwa hor taagan samaynta Khaatumo.

Maxa dhacaya haddii maamul loo saymayn waayo Sool, Sanaag, iyo Cayn?

Haddii Madaxweyne Farmaajo maamul u samayn waayo Sool, Sanaag, iyo Cayn waxa soo gaarindoona fashilka ugu wayn iyo taariikhda ugu xun oo soo gaari kara Madaxweyne Soomaaliyeed. Taas oo ah wax ka qabad la’aanta midnimada dalka xilli isagu madaxwayne yahay, iyadoo shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba (gaar ahaan shacabka Awdal, Sool, Sanaag, iyo Cayn) ay u harraadan yihiin dawladnimo, midnimo, horuman, ammaan.

Waxa shaki la’aan ah in ilaa iyo hadda aan la helin Madaxwayne leh karti hogaamiye waddani ah oo ka dhabeeya rabitaanka shacabkiisa.

Gumaysigii reer Yurub ka hor degaannada Soomaalida ma Xuduudda U dhexeeyay?

Ka hor 1880s-kii (the scramble for Africa), ma jirin wax la oran yiraahdo British Somaliland, Italian Somaliand, French Somaliland, Ogaden, or NFD, ama xudduudo u dhexeeya dadka iyo degaanada Soomzaliya. Waddanka Somaliya waligii wu jiray waxana degganaa oo iska lahaa Somali ku wada nool nabad iyo dhaqan wanaagsan, isuna ah xidid, xigaal, iyo xigto.

Fikradda ku salaysan xuduuddihii gumaystuhu sameeyay oo iyagu ay ku qaybsadeen Somaliya in laga dhigto bar tilmaameed (reference point,) wax walbana looga cabbir qaato oo magac dawladnimo laga raadiyo soohdimo gumaysi dhoo-dhoobay waa fikrad aan caafimaad qabin (rotten logic).

Qofkii raba inuu ogaado ciddii lahayd ama degganayd dhulka Soomsaliya iyo in xuduudo dadka u dhexeeya inay ka jireen iyo in kale ha akhriyo (The first footstep in East Africa, By Sir Richard Francis Burton, published in 1856).

Ma loo wada hadli karaa sidii labo Dawladood oo kala matalaya Waqooyig iyo Koonfurta Soomaaliya oo Madaxwaynuhu marba mid ka soo baxo?

Qof kasta oo Soomaali ah wuxu xaq u leeyahay inuu meeshuu rabo ka deggo, kaga noolaado, kagana shaqaysto waddanka, isla markaana uu shaqa kasta oo uu qalmo waddanka ka qaban karo, jaga kastana u tartami karo iyadoo aan lagu xirayn gobalka uu ka soo jeedo. Sidaa awgeed, wada hadal noocaas ah lama aqbali karo, waayo Waqooyiga Soomaaliya (former British Somaliland) waligeedba waxay ka mid ahayd Soomaaliya. Haddii la yeelo sida Soomaaliland rabtana waxa lagu tumanayaa xuquuqda dadka Waqooyiga Soomaalia degga badankiisa, oo iyagu taageersan midnimada Soomaaliya. Waxaa kale oo dhacaysa in maamul goboleedyada kale ay iyana dalbadaan tixgalin noocaas oo kale ah.

Maxaa la gudboon Madaxwaynaha?

Madaxweyne Farmaajo

Madaxwaynuhu waa inuu ogaado in ay maaweelo waqti lumis ah tahay inu wada hadal la galo maamulka Soomaaliland, haddii wax go’itaan ka yar aysan rabin inay ka hadlaan.

Waxa iyaduna is waydiin muddan sidee wada hadal miro fiican ka dhashaan u dhex mari karaa labo dhinac oo sidaas u kala fog? Isla markaa maamulka Soomaaliland oo raba inuu ka go’o Soomaaliya uu isu arko mid la siman dawladda Soomaaliya. Iyagoo raba in wadahadalka lagu saleeyo labo maamul oo isu dhigma oo siman u wada hadlaya.

Wuxuu muddan yahay Madaxwaynuhu inuu u muujiyo ummadda Soomaaliyeed in jileeca lagu xanto waxba ka jirin, gaar ahaan markay arrintu taagan tahay midnimada Soomzaliya, isla markaana uu qaadan karo go’aan kasta oo sugaya midnimada waddanka.

Madaxwaynuhu waa inuu ogaado in haddii uusan mawqif iyo tallaabo cad ka qaadan arrinta midnimada Soomzaliyo uu isagu sabab u noqon doono bur-burka iyo kala go’a Soomaaliya, xilli isagu madaxwayne yahay.

Madaxwaynuhu wa inuu ogaado in haddii uu maamul u samayn waayo Sool, Sanaag, iyo Cayn uu  geli doono waan-waan iyo wada hadal aan dhamaad lahayn, natiijo wanaagsan dhali doonin, miro wanaagsanna ka soo bixi doonin.

Madaxwaynuhu waa inuu ogaado inay ku fiican tahay in wada xaajood lala galo cid waxna oggol waxna ka tagi karta, laakin maamul tiisa uun u caddahay uu khaatumada ku seegi doono, fashilna kala kulmi doono.

Sidaa awgeed baanu waxaan leenahay, Khaatumada Madaxweyne Farmaajo waxay ku xiran tahay guusha uu ka soo hoyo midnimada Soomaaliya. Isla markaana uusan isagu noqon madaxwaynaha xilka haya marka Soomaaliya burburto. Taasina waxay dhici kartaa oo keliya haddii uu maamul u sameeyo dadka dega goballada taageersan dawladda dhexe iyo midnimada Somaliyaba.

Halkee Madaxwayne Farmaajo Ka geli doonaa Taariikhda Soomaaliya?

Hadda waxa dhamaaday sannad aan Dawladda Madaxwayne Farmaajo wax badan ka qaban midnimada Soomaaliya, dadka Soomaaliyeedna meel ay joogaanba ay jeclaan lahaayen in Madaxwaynuhu ka soo baxo buulka Madaxdooyada oo uu bilaabo halgan iyo dadaal uu ku midaynayo dalka iyo dadka.

Waxay shacabka Soomaalidu is waydiinayan muxu Madaxwaynuhu u naban yahay sannad dhan oo uu qaadi la’a tallaabooyin midaynaya dalka. Wax qabad la’aantiisu waxay la mid tahay taageeridda go’itaanka Soomzaliland iyo bur-burka Soomaaliya.

Haddii uu waqtiga isaga lumiyo wada hadal aan miro wanaagsan dhalayn oo ay ka dambeeyaan dawlado shisheeye, shaki la’an baal madow ayuu ka gali doona taariikhda Soomaaliya.

Madaxwaynaha isaga gacantiisa ayay ku jirtaa baalka uu rabo inuu taariikhda Soomazliya ka galo. Wuxu noqon karaa mid la mahadiyo ama, wuxu noqon dhaxal sugaha bur-burka Somaliya oo cid waliba habaarto.

Isagoo oo qura ayaa is gelin kara baal madow ama mid dahabi ah.

Midnimo, Ammaan, Guul, iyo Horumar baan u Rajaynayaa Dalka iyo Dawladda Somaliya

Axmed Bashir
Email: bashir1631@gmail.com

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2018 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.