Tuesday, March 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Opinion
  • Slideshow
  • Women Corner

Mindidii Raawista Ahayd!

W.Q. Yuusuf Xuseen Ismaaciil (Yuusuf-Xusni)

Tan iyo waagii la abuuray, goor iyo ayaanba, aadamuhu wuxuu ku jiraa halgan uu tayada noloshiisa ku hagaajinaayo. Qalab horleh, ayuu falkiyaa, maskaxdiisa ayuuna kala feeraarinayaa. Xag gaadiid iyo xag hoyba wuxu u tafoxaydanyahay noloshiisa iyo u gabbood samaynteeda in taba. Marwalba wuxuu maamiyaa tabo cusub iyo xeelado uu kaga sayid caleeyo dhibaha dabeecadda iyo dhalandhoolka waayaha, isla markaana uu dheefteeda kaga faa’idaysan karo uumanuhu.

Waxa is bedela hababka wax loo qoro, loo maansoodo, loo cayaaro amaba loo heeso. Taasi markii ay dhacdana waxa ay saamaysaa qaar ka mid ah hiddihii lawada yiqiin, markaas oo ay bulshadu laba u qaybsanto. Waayeel dhaqamadii uu arki jiray ku dhegganaada oo wax yaabaha soo kordha ka hor yimaada iyo dhallinyaro wixii cusub ee unkama u bogta soona dhawaysa oo dhab u hirgelisa kuna xarragoota. Si kastaba ha ahaatee ugu dambaynta dhallinyarada ayay guushu raacdaa kolka bulshada dhexdeeda ay ku faafaan dhaqamaddii dhawaan soo galka ahaa inta muddada ahna lagu murunsanaa.

Haddaba Soomaalidu waxa ay ku jirtaa isbedelka dhaqamadu ummadaha uu saameeyay marka laga reebo hal dhaqan oo wali loo maaro waayay dib u sixiddiisa. Waxaana jira dhaqan dhadhanka cadaabta leh, oo wali soo kambadhuudha halkii kumaan kun sannadood lagu ogaa.! Waxa wali duluca “Ijo-Fooldheer’ ku jira makiinaddii raawista ahayd iyo sayntii qoddobkan baas. Waxa wali kiishka islaanta gabawday ku jira irbaddii jidh dilka iyo gundhiskii dunta qallafsan ka soohnaa iyo dhir kaloo siifadoodu ay u sillantahay si aan dareenku jeclaysanaynin oo lala dawakhaayo urta ka soo kamkamaysa.

Haddaba maskaxda waxa aan ku hayaa qaniinyadaas miciyaheedu ay hurgumada kaga tageen kubabkaygii cuddoonaa welina maan illaawin sida maxaadhkani u turqay tagoogaha jidhkaygii giigsanaan jiray . ‘‘Waan ooyay, waan ooyay, oo waan ooyay, ilaa ilmadu ay iga gudhay oo indhahaygii galacda badnaa gabbal baas u dhacay. Waxa aan ahaa 12 jir. Wuxu ahaa jidhdilka adduunka ka dhaca midkii ugu kaarka badnaa ee jiidhkaygii casaa madawga u dooriyay , Waxay ahayd dhimbiil dab ah, waxaanan xanuunkeeda u xasuusanahay sidii wax shalayto ku joogsaday dhamacdaas kulaylka badnayd. Ilaa waagii dhibtan la ii geystay, waxa iga lumay rajadii iyo hiigsigii aayaha nolosha. Waxa lumay difaaca xoogga jidhkayga oo u habay sidii weel dalooshamay,

Waxaan isku deyay inaan naftayda qudha ka gooyo marar badan. Waxa gangan isku taagay dubka sare ee diirkayga, waxaana jidhiidhico darteed la istaagay timahayga sidii diig bulbushii laga rifay. Sahal maaha in aan ka hadlaa balse waa markii koowaad ee aan u soo hankaabsaday soo gudbinta dhacdadaas hurgumadeedu ay wali kashkayga soo kuududdo. Ayaamo dhawr ah, ayaan maqlay ayeeyo oo hooyo ku leh , ‘‘ Naa maxaad ka damacday qofkan ee aad ka eeganaysaa, yay kula dhaafin inantaadu inta ay xooluhu caanaha leeyihiin.’’ ‘‘ Hooyo waxa aan u farriin dirtay ‘‘Ijo Fooldheer’’ oo waxa ay ku maqantahay beesha hawd oo ay farsamooyin keedii ka soo fulinaysaa.” Sidaas markay hooyo tidhi waxa xigay, ‘‘ Naa magacaa jirye mar uun inantaa walbahaarkeeda aan ka raysto, yay kula dhaafin gu’ ga badhtankiisa”, ayay haddana ayeeyo hooyo u sheegtay. ’’ Taana daayoo aniga oo dhinta mooyaane wallee inantaas yar alaabta waan ka jari,” ayay hooyadayna ugu jawaabtay.

Maxaan sameeyay tolow, ee ay hooyo iyo ayeeyo iigu tashanayaan? Waa maxay tolow alaabta layga jarayo ee aan sitaa? Ma anigaa sitaba wax aan ka ahayn Ushii aan maqasha ku celinayay. Maxaa layga jarayaa. Ma timaha ayaa tolow layga xiirayaa? Maya ee waa tii kal hore xagaanimmadkii laguu dhukuray ee timaha lagaa jaray oo imika ayuunbay soo fiilayaan iyaga oo cusub’e, tolow xaalku waa sidee? Mooyiye tolow waa maxay waxan layga jarayaa ?

Su’aalahaas hadddii maskaxdayda aan waayo’aragnimo hore lahayni ay iswaydiisay , fahan iska daaye wax iiga biniinixa jaritaankii alaabtan baadi goobkii maskaxdaydu natiijo kamay soo saarin. Sheekadu waxa ay ahayd mid fahankeedu uu maskaxdayda ka qaro buurraaday, waxa ay hooyo igu tidhi naa sara joogso oo maqashii kambalka kama muuqatee orod soo dabbaal. Sidaas, ayaan ku istaagay anigaoo yaabban oo haddana madluunsan. Xoogaa dabayl ah, ayaa dhacaysay dharaartaas oo waan iska dibin jabsanaa. Kolkii aan baraarka dhextegay waxa aan fadhiistay geed hadhac ah oo kaynta nayluhu daaqayeen ku dhexyaalay. Ul diirato ah oon haystay, ayaan cabbaar dhulka ku xarxariiiqay, waxaanan wali ka fikirayay, arrintii aan fahmiwaayay ee ay ayeeyo iyo hooyo ka wada hadlayeen.

Casar gaabad baylahda xoolaha iyo xaabo- gurasho loo ambabaxay oo ay foodhida iyo uubatada dhawaaqa carruuraha xoolaha la joogaa ay kambalka reeraha ka aloosantay, ayaa bidhaan ruux dumar ihi ka soo muuqatay, suriyo is bannaysay meel laba geed kala dhexdood ah. Waa islaan gabawday, gabawday oo soo godatay isla markaana xanbaarsan xoogaa xamaan ah oo kiish yar ku cabbaysan. Qolqolka guriga markii ay soo gaadhay bariido ay cod gaaban ku tidhi maxaa la sheegay, ka dib dhulka ayay rash ku tidhi oo ay hawaarsatay meel habaas badan. Hooyaday oo ay wejigeeda ka muuqata sida ay ugu faraxsantahay imaanshiiyaha iyo aragtida islaanta, ayaa ku tidhi ‘‘ eeyahe Ijo, iska warran oo sidee lagu ahaa dhulkii aad ka timid iyo dadkii joogayba saw may nabdoonayn? ” ‘‘ Haah, waa la iska nabad qabay ee igu qabta biyo cad maanta waxa aan soo maray dhul cidlo ciirsilo ah oo laga hayaamay, kadab aan afka geliyana kii saaka ayaa iigu dambeeyay waataan luufluufaaye wax ila gaadha.’’

Koob shaaha oo xawaash leh markii ay fuuqsatay, ayay galaas ciira ka daba gaysay , ka dibna waxa ay ku dhaashatay labeentii galaaska qarqaradiisa ku hadhay oo ay cududaheeda aad moodid in ay u jactadeen sidii shaadh la barkaday iyo lugaheeda mardafka ah ku dhamuuqday. Anigu waxa aan daawanayay oo aan diiradda indhahayga dhinac walba ula raacay ‘‘Ijo Fooldheer’’ foolka ka maqan ka sokow, indhaheeda dhalaadka aad mooddo kuwa Riyaha ee aan caddaan, casaan iyo cawliin midna. Wajigu wuxuu u coodh-coodhay sidii xadhig la soohay oo isku marmay. Jidhkeeda ay dhaxanta iyo awaaruhu ka madalufiyeen astaamihii quruxda waxa aad garanaysaa in ay u dheertahay inkaarta dunuubta ay faraha kula jirto goor iyo ayaanba ee gaadmada ah. Mar ay duco akhriyaysayna waxa ay tidhi, “illaahay iyo shaadali cawaaloow, balaayada naga dabbaala idinka oo iskaashanaya.’’

Gabbalkii ayaa madoobaaday, xoolihii ayaana xerada lagu hubsaday. Aqalka ayaannu gudihiisa soo galnay, waannu cashaynay. Anigu wali waxba maan ogaanin, sidaas ayaan ku gataati dhacay. Habeenku wuxuu ahaa mid dheer oo cabsiyo ay ka buuxaan, waxa aan ku riyooday masas qoorta igaga duuban. Waxa aan haddana ku riyooday ‘‘Ijo Fooldheer’’oo qaawan oo carrabkeeda igu leefleefaysa. Waxa aan haddana ku riyooday iyada oo xambaar inta ay xansheerka igu giijisatay, iila jaqaafisay dhul jiq iy juf ah.

Waxa ay ahayd riyo ay hurdadu keentay ee hooyo, ayaan legga kaga jiray, waanan qarway,oo taahay. Ka dib  hooyo, ayaa ganacta dhabanka iga saartay, oo shaydaanka iga naartay iyadoo qarawgayga ka yaabbanna tidhi, “naa tolow caawa miyay xanuunsanaysaa!” Waaga ayaa walalac yidhi, meesiyada kala duwan ayaa dhacanta laga tiiriyay, aniga oo iska baraad la’ ayaana la i kaxeeyay, Kaaha ayaa gacanta tudh i siisay, Shamis ayaana indhaha i qabatay.

‘‘Ijo-Fooldheer” ayaa soo tukubtay, dhulka ayayna hambash ku tidhi. Labadayda Lugood meel ku beegan, ayay kolkan hawaarsatay. Faro gaboobay oo jidhfaystay oo gargariiraya ayay ku qabsatay Makiinad, wayna igu sartay. Xannuunkii i rooray maskaxda ayaa i deryaantay. Irbad ayay nush haddana igu siisay, dhiig baanan hunqaacay. Makiinaddii ayay haddana igu jeexday oo hafeefadkii iyo jidhdilkii adduunka ugu xumaa, ayaa i gaadhay. Cadaabtii ifka ayaan maalintaas dhadhamiyay aniga oo aan waxba galabsan. Laf iyo lugba waxa igu arooray xanuun oomanaa oo harraad u qabay meel cadaw wareemay in laga soo waraabiyo.

Intii tabartay ahayd waan girifgirif idhi, laakiin gacmo aanan ka baxsan karin iyo Mindidii Raawista ahayd ayaa cadaabta iga soo waraabiyay biyo bayl ah oo is laba rogaya. Sakaraadku wuxuu dhex xulay dhammaan xubnaha jidhka. Sidaas waxa aan ku noqday naafo kala dhantaalan laakiin muuqaal ahaan la moodo in ay dhammays tahay .

W.Q. Yuusuf Xuseen Ismaaciil (Yuusuf-Xusni)
Email: [email protected]

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.