Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Radio Wardheer
  • Slideshow
  • Warar

Mooshin xilka loogaga tuurayo Madaxweyne Xasan oo Baarlamaanka la hor keenay

Muqdishu (WDN) – Waxa maanta Baarlamaanka Federaalka loo gudbiyay mooshinkii xilka lagaga xayuubinayo Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud. Waxa mooshinka ku saxiixan xildhibaanno gaaraya illaa 140, iyada oo uu maanta mooshinka guddoomay shirguddoonku. Marka waxa dhawaan lagu wadaa in ay billaabanto dooddii xilka qaadista Xasan Sheekh.

hassan_ JawariEedaha loo soo jeediyay Madaxweyne Xasan waxaa ka mid ah:

1. in uu ku xadgudbay dastuurka:

a) Arrimaha qodobkan ay ka tilmaameen waxa ka mid ah awood maroorsi. Taas oo ay tusaale u soo qaateen dhammaan ra’iisal wasaareyaashii soo maray illaa kan hadda jooga oo uu masuuliyaddoodii si sharci darro ah ugala wareegay.

b). Isaga oo dagaal ka dhan ah ku haya maamul goboleedyada.

c). Wareegtooyin sharciga baal marsan oo uu amray iyada oo aan baarlamaanka la soo marin. Tusaale waxa uu sannad ka hor soo saaray dikreeto uu maxkamadaha ku amrayo in ay dil ku xukumaan dadka looga shakiyo Al shabaabka oo kale. Dikreeatadaas oo ay ku tilmaameen mid sharciga aan waafaqsanayn.

d) Heshiisyo uu galay oo aan baarlamaanka la soo marin

2. Musumaasuq xad dhaaf ah, sida heshiiska shirkada Soma Oil & Gas, dhulkii dawladda iyo hantidii ma guurtada ahayd oo uu xaraashayo iyo lunsaho xoolo  ama hanti dadweyne,

Mooshinka waxa shirguddoonku uu aqbalay maanta. Waxaana xusid mudan in madaxweynaha si xil ka xayuubin loogu sameeyo loo baahan 184 cod.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.