Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Mucaarad iyo Muxaafid

W/Q Dr. Cabduraxmaan Baadiyow

Waxaa muuqata in dadka Soomaaliyeed intooda badan ay ka khaldantahay fahamka siyaasadda, taas oo halis ku ah soo celinta dawlad Soomaaliyeed oo dadka ka dhaxeysa. Dawlad jriitaankeeda waxa aasaas u ah oo ay ka kooban tahay dhul xududiisa la yaqaan, shacab ah muwaadiniin, maamul ka kooban hay’adaha dawlada oo dhan. Caalamka oo dhan wuxuu ka koobanyahay dawlado is-aqoonsan, si ay heshiisyo qaanuuni ah ugeli karaan.  Xukumadda Soomaaliya oo ah qaybta fulinta waxey ka bilaanbaa Ra’isulwasaaraha iyo Goloha wasiirada iyo hay’adaha fulinta ee ka hoos shaqeeya.  Hay’adaha fulinta waxey ka koobanyihiin, kuwaa isbedela marka siyaasadu isbedesho sida wasiirada iyo ku-xigeennadooda, iyo kuwa maamul ah (bureaucracy) oo loo fiiriyo aqoon iyo waayo aragnimo ahna shaqaale joogto ah.

Haddii xukuumaddu isbedesho, lama bedelo madaxda shaqaalaha joogtada ah. Micnaheedu waa inaan la siyaasadayn maamulka iyo shaqaalaha dawladda. Maxaayeelay, shaqada dalka waa u simayihiin muwaadiniinta oo dhan, mana laha muxaafird iyo mucaarad.  Waxaa lagu maamulaa shaqaalaha qaanuun gaar ah oo dalacsiintooda iyo shaqo ka qaaddda intaba loo fiiriyo.  Waa inaan lagu maamulin shaqaalaha jaceylka iyo naceebka madaxda siyaasadda ee lagu maamulo qaanuunka shaqo siinta iyo shaqo ka qaadidda.

Waxaan mar kasta la yaabaa in haddii ruux isku dayo inuu sheego khaladaadka xukuumad markaas talada dalka haysa, la arko dad afka goosanaya inta ka hadasha waxa khaldan. Dadkaas oo difaacaya xukuumadda ayaga oo ku difaacaya madaxda qabyaalad, iyo dano siyaayasadeed ama dhaqaale oo gaar ah. Kooxdan waxaa la dhihi jiray markii dawladii militiriga dalka ka talin jirtay “Guulwadayaal”.

Kooxdaan, waxba kama khaldamaan, khaladna ma maqli karaan. Wax kasta oo madaxdu sheegto ama sameyso waa sax, waana in sacabka loo tumo. Sidoo kale, waxaan mar kasta arkaa siyaasiyiin aan fikrado cusub oo dalka iyo dadka udaneynaya aan soo bandhigeyn, laakiin, markii ay jago waayaan, danahooda ujeedi waayaan, afka furta oo wax kasta oo xukuumadda markaas talada  haysa ka arka dhanka “madaw.” Kooxdaan, wax kasta uu madaxda dalku sheegaan, ama sameyaan waxey ka arkaan dhanka xun. Kooxdaan markii xukuumadda militiga ah dalka ka talin jirtay waxaa la dhihi jiray waa “Sama-diid” iyo “Qarandumis.” In la isku magacaabo “guulwadeyn iyo qaran-dumisnimo” waxey noqotay dhaqan siyaasadeed guracan oo sabab u noqday kala qaybsanaanta shacabka, soo nooleynta qabyaaladda iyo sameysanka jabhadihii burbiriyay dawladii militeriga aheed 1991.

Hadaba, ma waxaan ku celicelinaa dhaqan siyaasadeedkii  burburiyay qarannimadeena oo ah dhaqanka dadka waalan, mise waddo kale ayaan qaadnaa? Aniga waxey ila tahay, inaan waddadii hore ka leexanno oo aan waddo cusub qaadno, taas oo nagaarsiineysa dawladnimo dadku wada leeyahay, wada difaacdo, danahoodana ka shaqeysa. Sidaas darteed, si aan isbedel ku sameyno hab dhaqankaas siyaasadeed oo soo jiraynka ah, welina dadka Soomaaiyeed ku celicelinayaan oo loo kala baxayo “guulwadeyn iyo qaran-dunisnimo”, waxaan soo bandhigaya si kooban aragtiga Islaamku ka qabo mucaaradinimada iyo muxaafidnimada. Waxaa kale, oo aan si gaaban usoo bandhigayaa sida dawladaha casriga ah looga dhaqmo arinkaas.

Diinta Islaamku waxey ficil kasta oo aadamigu sameeyo u qaybisaa mid fiican oo ay waajib tahay la dhiirigeliyo, lana taageero (macruuf) iyo mid khaldan oo ay waajibtahay in laga horyimaado oo la mucaarado (Munkar). Waxa la taageerayo iyo waxa la mucaaradayo ma aha qofka ama xukuumadda ee waa ficilkooda. Arinkaasu waa asaaska Islaamka oo haddii xumaanta la reebi waayo ama wanaagga la taageri waayo, umaduhu waa dumaan, bulshaduna waa fasahaadaa, waana burburtaa sida ku dhacday Soomaalida oo kale. Islaamka kuma jirto taageero joogto ah iyo mucaarado joogto ah ee waxaa ku jira in wixii fiican la taageero wixii xunna laga horyimaado oo la mucaarado.

Nabigayna Muxammad (NNK) ayaa arinkaas si waafi ah noogu sheegay, sida xadiiska uu sheegayo Ruuxii arka wax munkar ah, haku bedelo gacantiisa, hadii uu kari waayo, haku bedelo carabkiisa (hadal), haddii uu kari waayo, qabligiisa haka diido, kaas oo ah heerka ugu hooseeya (tabarta daran) Iimaanka”. Micnuhu waa haddii aad aragtaan wax khaldan haka aamusina ee la imaada ficil aad ku bedeshaan, haddii aad cabsataan sabab jirta aawigeed, qalbigiina ka diida. Ficilkaas wuxuu noqon karaa mid si hoose loo sheego (naseexo), gaar ahaan hadii uu khuseeyo qof iyo mid si kore loo sheego, gaar ahaan wixii caam ah sida arimaha dawladda. Maadaama, aadamigu uu marna khaldamo, marna wax sax ah sameeyo, waa in saxda iyo khaladka oo kaliyah miisaanku noqdo. Hadaba, marka xukuumaddu sameyso waxyaabo sax ah, waxaa la rabaa in lagu taageero, marka ay khaldantahayna lagu mucaarado, loona arko iney tahay waajib, haddii laga gaabiyo la dambaabayo.

Su’aasha u baahan in la isla fahmo waa sideey loo kala soocayaa khaladka iyo saxda marka laga hadlayo dawladnimada? Cabirka dhabta ah oo la rabo in lagu qiineeyo xukuumadda waa sida ay xukumaddaas iyo madaxdeedu u hirgeliyaan Dastuurka iyo qawaaniinta dalka, iyo barnaamijka baarlamaanku u ansixiyay xukuumadda. Waa in laga cabir qaataa wixii la isku ogaa iney qabatay xukuumaddu iyo ineysan qaban. Waa in laga cabir-qaataa sida ay u ilaaliso cadaaladda, muwaadinnimada, midnimada qaranka, dhawrida hantiga qaranka iwm.

Si loola xisaabtamo xukuumadda, waa in waddo sax ah loo maraa oo wixii khaldamay farta lagu fiiqi karo. Dawladaha dimoqaraadiga ah, waxaa la dhiirigeliyaa mucaaradka, waxaana loo arkaa in ay lagama maarmaan uyihiin la xisaabtanka xukuumadda iyo abuuritaanka fursado shacabku ku dooran karo madax kale, haddi kuwa hadda joogaa ay u arkaan kuwa aan fulin karin ama buuxin karin baahidooda. Sidaas ayaa xisbiyadu ugu tartamaan codka dadweynaha, taageradooda, xukumadduhuna isku bedelaan. Sidaas ayaa mucaradka iyo muxaafidka waxaa ka dhexeeya tartan, waxa lagu tartamayaa waa codka iyo taageerada shacabka.

Gunaanadkii, dadkeenu waa iney bartaan ineysan wax ku taageerin ama ku mucaaradin dano shakhsi ah oo magac qabiil ku daaban ee waa iney ka fikiraan mustaqbalka caruurtooda iyo dalka ay rabaan iney dhaxalsiiyaan. Ama sheego muxaafid and sheego mucaarad, dalka ayaa shirko lagu yahay, in la kala xigsado waa khalad hore uburburiyay dawladnimadeynna, waana in dhaqankaas gebi ahaantiis la bedelaa.  Waa in la ogaadaa in muxaadifka maanta inuu noqon doonno mucaaradka berri. Sidoo kale, waa in loo arkaa in mucaaradka maanta inuu noqon doono  madaxda berri. Waa isbedel joogto ah, waa tartan joogto ah, waa toostan, naceyb iyo jaceel kuma dhisna, beelnimo iyo goboleysina kuma dhisna. Waa sidaas, haddii la rabo inaan noqono qaran la mid ah kuwa dunida ka dhisan!!! Haddii kale, waa jug-jug meeshaada jog, darandoori weligaa!!! Waa iska daba-wareeg, haan hoosta ka daloosha biyo ka buuxi oo aan la dareemeyn, oo aan laga daalleyn sida lagu yaqaan dadka waalaan.

Dr. Cabduraxmaan Baadiyow
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.