Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Murugo (Gabay Tahriibka Ka Hadlaya)

W.T. Cabdiraxmaan Maxamuud Yuusuf ( Xiiray )

Gabaygan la magacbaxay Murugo wuxuu soo baxay 17/04/2016, waxaanu ka hadlayaa masiibadii badda ku heleeshay dhalinyarada tirada badan ee Soomaaliyeed iyo sida aanay u muuqan cid wax ka qabanaysa dhibaatada tahriibka oo sannad walba Soomaali badani naftooda ku waayaan.

1. Musiibada adduun way dhacdaa maalin iyo layle
2. Muragada hayeeshee waxaan maanta ula ooyay
3. Een marada sida roob ilmada maandhow ugu qooyay
4. Ama muusanowga u cuskaday midhaha suugaanta
5. Ummad uu masiirkoodu lumay meelna wax u oollin
6. Oon mas’uuliyiinteeda iyo maamul hananaynin
7. Shacabkiina mudutuul noqdeen moogan danahooda
8. Oon cidina meel ugu maqnayn muumin iyo gaalba
9. Oon muhindisayn baynu nahay maare nololeede
10. Mooraalka daalani xaquu mahadin doonaaye
11. Allahayow miciinkooda noqo magaca Soomaali
12. Afartaa dad meeshooda gabay muqadinkoodii dhe
13. Afarkalena muudsada qadhaadh baan idiin marine
14. Musiibada tahriibtani waxay marisay qoomkeene
15. Ubaxa iyo maatida go’diyo maydka tiro beelay
16. Magafuhu markuu waxay siteen maalka ka idleystay
17. Inta doonyo mood wada noqdoo daalay lagu miisay
18. Ee badaha moolkooda wayn lagu muquursiiyay
19. Ee mowjadduhu ku halligeen malagu soo riixay
20. Geerida markay wada dhinteen tiro yar mooyaane
21. Inta gabadh muraayada baxdiyo geesi laga maago
22. Maydkiina cidi raadinayn sida mayeedhaanka
23. Markay maqasho hooyada iyana halis muquuraysa
24. Ama aabbo mooraal jabiyo maxastu ooyayso
25. Een cidina maaraynahayn maanta kuwa jooga
26. Murigiyo naxdini way jirtaa maanka dhibaysaaye
27. Malaayiin horaa laga sabroo maray dariiqaase
28. Muslimnimo allahayow intuu mowdku ku haleelay
29. MIdhihii Firdawsiyo Jannada geli maqaamkeeda
30. Ehelkana rabbow samir mug wayn kaga sug maankooda

Aamiin

W.T. Cabdiraxmaan Maxamuud Yuusuf ( Xiiray )
EMAil; [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.