Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Muuse Biixi oo la sheegay in uu ku guuleystay Madaxtinimada Soomaaliland

Hargeysa (WDN)  Warar lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay WardheerNews, ayaa sheegaya in
Md. Muuse  Biixi, oo ka tirsan xisbiga talada hadda haya ee Kulmiye, uu ku guuleystay doorashadii Madaxtinimada Soomaaliland ee bishan Noofenber 13-dii ka dhacday Soomaaliland.

Md. Muuse Biixi

Murashaxa xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ciro, ayaa isagu sheegay in doorashada lagu shubtay, islamarkaana ay soo gaadhay 1,200 oo cabasho ka timid taageerayaasha xisbiga Waddani. Kuwaasi oo lagula kacay shacbiweynihii codkooda sida xorta ah la rabay in ay u dhiibtaan, khaasatan xisbiisa Waddani.

Sidoo kale Md. Ciro waxa uu sheegayi in dad badani ay si sharci daro ah u codeeyeen, oo ay ka mid yihiin dad da’ yar iyo kuwo dhintay oo magacyadooda la been abuuray. Iyadoo mas’uuliyiin iyo taageerayaal ka tirsan xisbiga Wadani xabsiga la dhigay.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliland Md. Muuse Biixi, ayaa horey uga tirsanaaa Jabhadii SNM iyo ciidankii Cirka ee dowladdii Siyaad Barre.

Md. Biixi  ayaa lagu sheegaa in uu yahay qof mayal adag, oo aan  u dhegga nugleyn talada dadka ku dhow iyo mid guudba, islamarkaana xidhiidhka uu la leeyahay dadka ka baxsan beeshiisa ay liidato, isaga oo ay aad ugu dheertahay gooni isu taaga  Soomaaliland.

Natiijada doorashada oo markii hore lagu waday in la soo saaro maalintii Jimcaha ee bishan Noofember 17-dii, ayaa dib loo dhigay si markaasi cabashooyinka xisbiga Waddani loo eego.

Wali ma cadda in dib u eegistaasi ay keentay in ay ku qanceen murashax Ciro iyo taageerayaashiisa, iyada oo wararka soo gaadhay WardheerNews ay sheegayaan in natiijada lagu dhawaaqi doon maalinta berri ah hadii Eebe idmo.

Wixii warar ah ee soo kordha waxaanu idnkula socodsiin doonaa wararkayaga dambe Insha Allah.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.