Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Natiijadii ka soo baxday baaritaan lagu sameeyey Qaraxii diyaaradda Daallo

Muqdisho,–Baaritaano lagu sameeyey diyaaradii Daallo Airlines AIRBUS 321 flight nambarkeeduna ahaa 3159 una socotay Djibouti, ayna saarnaayeen 74 qof oo rakaab ah iyo 7 shaqaale ah, ayaa 20 daqiiqo oo ay hawada ku jirtay kadib si deg deg ah dib ugu soo laabatay garoonka Aadan Cabdulle kadib markii uu ka dhex dhacay Qarax.

Baaritaano dheeraad ah oo ay sameeyeen khubaro Soomaali iyo kuwo caalami ah, waxay xaqiijinayaan in Qaraxii ka dhex dhacay diyaaradii Daallo Airlines uusan aheyn mid ka dhashay cilad farsamo, ee uu ahaa mid loogu tala galay in lagu waxyeeleeyo diyaaradda iyo rakaabkii saarnaa.

Ciidamada Amniga waxay gacanta ku dhigeen dadkii lagu tuhunsanaa inay ku lug lahaayeen qaraxii ka dhacay gudaha diyaaraddaasi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay la socodsiineysaa dadweynaha ka dhoofa, kana soo dega garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle lagu soo kordhin doono tallaabooyin cusub oo lagu adkeynayo amniga. Waxaana laga codsanayaa dadweynaha Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan hay’addaha ammaanka ee u heelan sugida amnigooda.

——DHAMMAAD—–

Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.