Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xaflad San Diego Lagu qabtay ka Sheegay in Qorshaha Mucaaradka ee Muqdisho aanu Qabsoomi Karin
|
 |
Duqa Muqdisho - Maxamud Xasan Cali Cadde
Photo: Courtesy of Somali Unity Council
|
San Diego, December 27, 2005 (WDN) - Xaflad si weyn loo agaasimay oo lagu soo dhawaynayay guddoomiyaha gobolka Banaadir islamarkaana ah duqa magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay magaalada San Diego bishan 24 keedii. Xafladdan oo ay soo qabanqaabiyeen Golaha Midnimada Somaliyeed ee Koonfurta Kalifornia, ayaa waxa lagu qabtay goob ku taalla waqooyi bari ee magaalada San Diego. Halkaas oo u dhow xaafadda ee degen yihiin badi jaaliyadda Soomalida ee San Diego oo tiradooda lagu qaddaray in ka badan illaa 6000.
Xafalddan oo bilaabantay saacaddu markay ahayd 4:00 tii galabnimo waxa ugu horayn halkaas hadallo soo dhaweyn ah ka jeediyay qaar ka tirsan odayaasha Soomaalida ee San Diego iyo madaxda Golaha Midnimada Soomaaliyeed.
 |
Dadweynihii ka soo qayb galay xafaldii soo dhaweynta Duq Magalada Muqdisho
photo: Courtesy of Somali Unity Council |
Hadaladaa soo dhaweynta ah ka dib waxa mikrifoonka lagu soo dhaweeyay guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamud Xasan Cali Cadde. Ugu horayn waxa uu guddoomiyuhu mahad celin usoo jeediyay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan San Diego iyo Golaha Midnimada Soomaaliyeed. Kuwaas oo uu uga mahad celiyay soo dhaweynta iyo sida quruxda badan ee loo agaasimay xafladdan lagu martiqaaday.
Waxa uu mudane Cadde uga warramay dadkii ka soo qayb galay xafaladdaas xaaladda uu maanta dalka Soomaaliyeed ku sugan yahay. Kaas oo ku tilmaamay in uu u baahan yahay taageeradooda. Waxa uu mudane Cadde yidhi: “waxa ay dalkiinii iyo dadkiinuba idiinka baahan yihiin in la badabaadiyo. Waxa uu duqa magaalada Muqdisho tilmaamay baaba’a iyo dhibaatada uu ku sugan yahay dalku guud ahaan iyo magaalada Muqdisho gaar ahaan. Waxa uu xusay in maanta magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin in ka badan 15,000 oo da'doodu u dhaxayso 15 illa 25 jir hubaysan. Kuwaas oo loo baahan yahay in hubka laga dhigo.
Waxa duqa magaalada Muqdisho uu aad ugu dheeraaday baahida loo qabo xoojinta midnimada ummadda Soomaaliyeed. Taas oo uu kula dardaarmay in Soomaalida reer San Diego ku dadaalaan, iskana ilaaliyaan wixii keeni kara kala jabkooda. Waxa uu sheegay guddoomiyuhu in aanay dheg u dhigin kuwa uu ku tilmaamay in ay hortaagnaayeen soo celinta qarankii Soomaaliyeed 15 kii sano ee la soo dhaafay..
 |
Duqa Magaalada oo salamaya qaar ka mid ah dadkii ka soo qayb galay xafladda.
Photo: Courtesy of Somali Unity Council
|
Ka dib markii uu guddoomiyuhu dhamaystay hadalkii uu halkaa ka soo jeediyay waxa su’aalo weydiiyay qaar ka mid ah dadweynihii halkaa ka soo qayb galay. Mar uu guddoomiyuhu ka jawaabayay su’aal ku saabsanayd maamulka ay rabaan in ay gobolka badanaadir ka sameeyaan wasiirada mucaaradka ah ee ku hubaysan Muqdisho, waxa uu ku tilmaamay mid aanay waxba ka suuro galayn. Waxa uu mudane Cadde Sheegay in wasiiradaasi yihiin kuwa khilaafka ka shaqaynaya, ayna habboonayd in ay qabsadaan shaqadooda ku aadan wasaaradihii loo soo xilsaaray. Waxa uu sheegay guddomiyuhu in isaga iyo wasiiradaasba uu magacaabay Ra’iisal Wasaare Geeddi. Halkii ay kaga mashquuli lahaayeen dhismaha wasaaradahoogana ay faraha kula jiraan wax aan shaqadooda ahayn.
Waxa uu mudane Cadde ku tilmaamay maamulkaas in uu yahay mid aan waxba ka jirin, kuwa wadana ay yihiin kuwo aan garanayn shaqadooda.
Ugu dambayntii waxa hadallo dardaaran iyo farriin isugu jira halkaa ka soo jeediyay Maxamed Xirsi Cali "Indho Caad" oo ka mid ah Golaha Midnimada Somaaliyeed ee Koonfurta Kalifornia, isaga oo sheegay in ay taageersan yihiin xukuumadda kmg ah ee Soomaaliya. Waxa uu duqa magaalada faray in uu ka gaadhsiiyo madaxda xukuumadda in wixii khilaaf ah ee jira lagu dhammeyyo wada hadal. Waxa ay jaaliyadda San Diego ballan qaaday in ay taageeraan soo celinta qaranimada Soomaaliya.
Ahmed A. Hassan
WardheerNews, San Diego
Xog:
Dulucda Golaha Midnimada Soomaaliyeed
Dulucda Goluhu waa abaabulka, ururinta iyo mideynta dadka Soomaiyeed ee Maraykanka ah ee nabadda jecel una jiheeyo bulsho fayow oo qadarisa ujeeddooyinka wanaagsan ee Ummadda Maraykanka. Goluhu waxa uu u taagan yahay midnimada Soomaaliya, waxana uu u dooddaa, hormariyaana Dibisutaagga Qarankii Soomaaliyeed iyadoo lala kaashanayo dalkeena kale ee USA.
Copyright © 2005 Wardheernews.com |