|
|
Dadkaas oo tiradooda lagu qiyaasay boqolaal qof ayaa mudaaharaad ku hor sameeyay safaaradda boqortooyada sacuudigu ku leedahay magaalada London. Dadka mudaharaadayay oo sitay boodhadh ay ku qornaayeen hal ku dhegyo muujinaya sida ay uga xun yihiin dilkii sharcidarrada ahaa ee ay dhawaan ku fulisay dawladda sucuudigu lixdii dhalinyarada ahaa ee Soomaaliyeed.
Dadka usugu soo baxay mudahaaraadkaas ayaa ay wajiyadooda ka muuqatay cadho, iyagoo ku dhawaaqayay erayo ay ka mid ahaayeen sacuudigu ha dhaco iwm. Xarunta safaaradda oo ay ku gadaamnaayeen ciidamada nabadgelyada ee ka hortaga rabshadaha oo aad u badan ayaa dadkii Soomaaliyeed ee mudaharaaday aanay samayn ama gaysan wax dhibaato ah, bannaan baxaasina waxa uu ku dhammaaday si nabad gelyo ah. Magacyada marxuumiinta la dilay ayaa lagu sheegay inay kala ahaayeen:- 1-Cabdillaahi Aadan 2-Cabdifataax Cali xasan 3-Xuseen Haaruun Maxamuud 4-Cali Sheekh Yuusuf 5-Cabdinuur Maxamed Weheliye 6-Cabdillaahi Xasan Cabdi Dilka ay sacuudigu ku fuliyeen lixdaas dhalinyarada ah ee Soomaaliyeed ayay hore u canbaareeyeen ururada u dooda xaquuqda bani'aadamku caalamku iyadoo lagu tilmaamay mid bani'aadanimada ka baxsan. Ismacil C. Xasan ( Khalil) WardheerNews, London, U.K. Copyright © 2005 Wardheernews.com |