Baaq ay soo Saareen Hogaamiye Dhaqameedyada Deegaanka Soomaalida Itoobiya

Jigjiga, June 11, 2005 (WDN) - Wararka naga soo gaadhaya xarunta Maamulka Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga ayaa sheegaya in hogaamiye dhaqameedyo tiradoodu dhan tahay 33 ay maanta ka soo saareen baaq ay ku muujinayaan xaaladda uu hadda ku sugan yahay Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya iyo mawqifkooda ku wajahan arrintaas .

Madax dhaqamedyadan ayaa waxay qoraalkooda ku sheegeen in aanay ku faraxsanayn xaaladda uu maanta Deegaankaasi ku suganayahay iyagoo islamarkaana ku baaqay isbedel degdeg ah.

Odayada ayaa baaqoodan oo ay u jeediyeen xukuumadda dhexe ku caddeeyay in shacabka Deegeenka Soomaalida laga duudsiyay xaquuqihii asaasiga ahaa ee uu dastuurku federaalku siiyay.

Madax dhaqameedyada ayaa sidoo kale sheegay in maanta la isla qirsanyahay in wax Xisbi iyo dawlad toona lagu tilmaami karaa aanay ka jirin Deegaanka Soomaalida oo loo baahanyahay in wax laga qabto. Waxa ay intaa ku dareen in ay mawqifkooda hore u gaadhsiiyeen xafiiska Ra'iisal Wasaare Males Zenaawi af iyo qoraalba, iyadoo dawladduna u balanqaaday inay arrintaas wax ka qaban doonto ka dib doorashada guud ee Itoobiya, waftina u soo diri doonto.

Madax dhaqameedyada ayaa waxaa ay ku eeddeeyeen in dawladdu ay hadda soo dirtay wafti ka socda Wasaaradda Arimaha Federaalka, hase yeeshee ay uga caddaatay tallaabooyinka uu hadda waftigaasi ku dhaqaaqay in aanay dawladdu waxba ka bedelin siyaasaddii ay shacabka ku khiyaameynaysay.

Odayada ayaa qoraalkooda waxa ay ku sheegeen in shacabkooda aan loo ogolayn in ay doortaan hadba ciddii ay iyagu rabaan ee lagu khasbayo dushana lagaga keenayo dad ay wataan Xisbiga talada Deegaanka Soomaalida haya.

Waxaa kaloo ay odayadu qoraalkooda kaga cawdeen dad tiradoodu ka badan tahay kun qof oo shaqada dawladda laga eryay, laguna bedelay dad aan Deegaanka Soomaalida u dhalan.

Madax dhaqameedyadan ayaa waxay u soo jeediyeen dawladda in ay si dhakhso ah wax uga qabato guud ahaanba dhibaatooyinka ka jira Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyagoo si gaarana u xusay in ay dawladdu bedesho habkii ay u mamulaysay Deegaanka Soomaalida dibna loo saxo habka awood qaybsiga Xisbiga iyo Xukuumaddaba.

Sidoo kale waxay odayadu u soo jeediyeen dawladda dhexe in shacabka Soomaaliyeed ee Itoobiya loo ogolaado in ay iyagu doortaan dadka ay u arkaan in ay ka saari karaan dhibaatada iyo dib u dhaca ay hadda ku suganyihiin.

Ugu dambaystiina waxay odayadu ugu baaqeen shacabka Deegaanka Soomaalida Itoobiyo in ay si xor ah oo aanay ku jirin cabsi galin iyo caga juglayn u dhiibtaan codkooda doorashooyinka soo socda ee la qaban doono bisha Ogost 21keeda, isla markaana aanay dooran dad loo soo magacaabay oo aan ka meteli karin madasha Baarlamaanka.

Xaaladda maamulka Deegaanka Soomaalida ayaa sanadihii ugu dambeeyay ahayd mid fadhiid ah, iyadoo wax qabad kale iska daaye la gaadhay heer lagu wareejiyo qaybo ka mid ah dhulkii Soomaalida qawmiyadda Oromada.

Baaqan ayaa la sheegayaa in shacabka Deegaanka Soomaalidu ay aad ugu diirsadeen una soo dhaweeyeen, iyagoo dawladda Dhexena ka rajaynaya in ay dhegaha u raaricin doonto codsiyada odoyada oo ay cabashooyinkooda wax ka qaban doonto.

WardheerNews

jigjiga

Copyright © 2005 Wardheernews.com