Xukuumada  Soomaaliya oo maanta heshiisyo la gashay dowladaha Itoobiya iyo Kenya  
Muqdisho, Nov 29, 2005 (WDN) - Dowlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya ayaa maanta heshiisyo taariikhi ah oo rasmi ah, la saxiixatay wadamada Kenya iyo Itoobiya oo Soomaaliya daris la ah.
Heshiis DKMG iyo Itoobiya, Jowhar

 
Heshiiska maanta Soomaaliya ay la saxiixatay Itoobiya ayaa waxa uu ahaa mid gunaanad u ah heshiis horey labada dhinac ay ugu gaareen magaalada Jowhar.
 
Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya C/laahi Sheekh Ismaaciil ayaa dhanka Soomaaliya u saxiixay heshiiska, halka Itoobiyana uu u saxiixay wasiiru dowlaha arimaha dibada.
 
Heshiis DKMG iyo Itoobiya, Jowhar
Heshiiska labada dhinac ay gaareen ayaa waxa uu dhigayaa in labada wadan ay iska kaashadaan amaanka, ganacsiga, isgaarsiinta, maaliyada iyo ciidamada. Waxaa qodobada lagu heshiiyey ka mid ah in dowlada Itobiya ay wax kala soo dagto degadaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa ku yaalla magaalooyinka Kismayo iyo Muqdisho.
 
Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa sheegay in uu si aad ah ugu farax sanyahay in labada dhinac maanta ay heshiis noocan oo kale ay kala saxiixdaan .
 
Dhanka kale xukuumada kmg ah ee Soomaaliya heshiiska ay la saxiixatay Kenya waxa uu dhigayaa in labada wadan ay iska kaashadaan amniga xeebaha iyo safiiro labada dhinac ay isdhaafsadaan.
 
Heshiiskan maanta labada dhinac ay gaareen waa Kenya iyo Sooomaaliya waxaa u saxiixay dhanka Soomaaliya wasiirka arimaha dibada C/laahi Sheekh Ismaaciil halka kenya uu u saxiixay sarkaal lagu magacaabo Suwan Muwange.
 
Heshiiskan maanta Soomaaliya ay la gaartay Itoobiya iyo kenya ayaa lagu tilmaamay mid taariiqi ah oo dhinacyo badn taabanaya

Maxamed Cumar Aden,
WardheerNews, Muqdisho

Copyright © 2005 Wardheernews.com