Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Nin u Dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Aadanaha oo Lagu Xidhay Magaalada Hargeysa

guuleed
Guuleed Axmed jaamac

Hargeysa, Abriil 18, 2015 (WDN)- Guddoomiyihii Xarrunta Xuquuqul Insaanka ee Somaliland Md. Guuleed Axmed jaamac,  ayaa subaxnimadii maanta xabsiga la dhigay sida lagu sheegay qoraal ay soosaartay xarrunta Xuquuqul insaanka ee Somaliland. Qoraalka oo lagu cambaareeyay xadhiga guddoomiyuhu ma caddayn sababta ka dambeysa xadhigiisa inkastoo uu eedda xadhiga dusha ugatuuray guddoomiyaha maxkamdda gobolka Hargeysa oo la sheegay inuu bixiyay amarla lagu xidhay Md. Guuleed Axmed Jaamac.

Sidoo kale ma jiro wax wara ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka Somaliland oo lagaga hadlay dhacdadan.

Iyadoo muddooyinkan dambe ay sii badanayeen eeddaha dhinaca xadgudubyada xuquuqul insaanka ee  loo jeediyo xukuumadda Somaliland ee uu madaxda ka yahay Md. Axmed  Siilaanyo, ayaa Guuleed Axmed Jaamac iyo Xarruntiisu waxay ahaayeen kuwo iyagu mar walba ka hadla xadgudubyadaas.

Inkasoo aanay jirin warar rasmi ah oo ka hadlaya sababta xadhiga Guuleed Axmed jaamac, ayaa haddana tibaaxaha aan helaynaa ay sheegayaan in xadhigiisa lala xidhiidhinayo isagoo dhawaan ka hadlay xukun qisaas ahaa oo lagu fuliyay lix qof oo maxkamadi hore dil ugu xukuntay.

Xukunkan qisaasta ah,  ayaa la sheegay in ay dhaleeceeyeen Midawga Yurub iyo hay’adaha xuquuqda dadka u doodda.

WardheerNews

 

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.