Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Ninkii Heesaha Jeclaa!

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

Wakhtiga iyo waayaha lagu sugnaa waxa uu ahaa mid aad uga geddisan xilligan aan joogno. Xaalad adag iyo duruufo qallafsan ayaa waddanka ka jiray. Dawladdii oo burburtay iyo dagaal sokeeye oo beelaha Soomaaliyeed isku gumaadayaan ayaa carrada saameeyay. Taasina waxay sababtay qax iyo barakac uu qof weliba u dhaqaaqay dhankii uu is lahaa naftiisu way ku nabadgeli kartaa.

Waxa uu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee nasiibka u yeeshay inay cagaha soo dhigaan, kana billaabaan nolol cusub waddamada reer Galbeedka siiba Yurub. Nolol cusub oo uu kaga nabadgalay cabsidii iyo dhibaatadii ka taagnayd dalkiisa hooyo, haseyeeshee Iyana dhibteeda iyo duruufaheeda leh.

Waa nin dhallinyaro ah oo da’diisu soddomeeyada ku sii siqayso. Qoyskoodii keligii ayaa dibadda u soo dhoofay. Waxa uu ku soo dhex dhacay bulsho midab, diin, dhaqan, af iyo isir toona aanay wadaagin. Sidaadarteed la qabsashdeeda iyo dhexgalkeeduba ay aad ugu adagtahay.

Kuma guulaysan in markiiba loo aqoonsado qaxooti oo sharci la siiyo uu ku shaqaysan karo, niyadduna ugu degto oo uu aamino in mustaqbalka hoygiisu uu halkan ahaan doono. Salka muu dhigin, socodna muu qorshaysan.

Aad bay u adkayd xilligaas sidii aad ula xidhiidhi lahayd, ugana heli lahayd war dadkaagii iyo xaaladda cakiran ee dalkaba. Isgaarsiintii Telefoonada ee waddanka ka jirtay dawladdii ayay la burburtay, oo haddii xataa aad ogatahay meesha ay reerkaagu ku suganyihiin lamaad xidhiidhi karayn, meel aad wax ugu xawishana haba sheegin.

Marar dhif ah ayuu wararka telefishinada waddankan oo aanu afkiisa fahmayn ka arki jiray Soomaali isdilaysa oo marba dhinac isku eryanaysa. Xataa BBC-da Af Soomaaliga oo ahayd xilligaa idaacad ay Soomaalidu aad u dhegeysato lagama maqli jirin waddankan uu joogo.

Wuxuu u buseelay waddankii. Waxaa ku dhacay boholyow iyo daltebyo saamaysay noloshiisii. Waxa uu naruuro ka deyay heesihii qaraamiga ahaa iyo fannaaniintii codka macaanaa ee uu aadka u dhegeysan jiray markii uu dalka joogay. Codadka kala geddisan ee rag iyo dumarba leh iyo murtida jacayka xambaarsan ee heesahaas ayuu weheshan jiray. Waxay xusuusin jireen waayihii wacnaa iyo wakhtigii uu dalkiisa joogay.

Wuxuu guriga soo dhigtay Rikoodh weyn oo laba meelood oo cajaladaha(cassettes) laga geliyo oo lagu kala duubi karo leh. Haddii uu keligii yahay iyo haddii cidi wehlisaba heesahaas ayuun baa u daaran. Xataa marka uu bannaanka u baxo Rikoodh yar (Walkman) ayuu jeebaddda ugu jiri jiray iyadoo sameecaduhu dhegiisa ka lushaan. Maalmaha qaadka la keeno Iyana heesaha ayuu aad ugu mirqaami jiray isagoo welibana la jiibinaya.

Wuxuu ku dadaali jiray sidii cajaladdii kasta ee Soomaali ah ee uu arko gacanta ugu dhigi lahaa. Waxa uu codsan jiray in la yara aamanaysiiyo si uu u dhegeysto haseyeeshee dib dambe loogama soo saari jirin. Qofkii uu ka furfuri waayo waa ka duuban jiray.

Waxa uu samaystay kaydka heesaha Soomaaliga oo nooc walba isugu jira una badan qaraamiga. Heesihii Maxamed saleebaan, Maxamed Axmed, Magool, Maandeeq, Maxamed Mooge, Hibo Nuura, Cumar Dhuulle, Cigaal, Samatar, Khadra Daahir, Sahra Axmed iyo fannaaniin kale oo badan ayuu kiish ku ururiyay oo uu marba mid kala soo baxaa.

Waxa uu ahaa nin sheeko badan, gurigiisuna waxa uu noqday meel dhalinyaradu ku kulanto siiba maalmaha jaadka la keeno. Marmar baan u sheeko doonan jiray oo aan ku booqan jiray gurigiisa.

Weli ma arag isagoo iska fadhiya oo aanay hees u shidnayn. Wuu ku seexdaa oo ku soo toosaa. Maalin anigoo la jooga oo cajaladi daarantahay ayuun baa sidii aan heesihii u dhegeysanaynay mar keliya Quraan ka soo booday cajaladdii. Yaab. Haa Quraanka Kariimka ah. Waa nin heerka uu ka gaadhay heeso jacayka Quraankii Alleh ku dul duubay. Subxana’Allah Waar ninku heeso jecelaa.

Ugu dambeystii aan idinku dhaafo hees ka mid ah heesaha aan duugoobin ee uu qaado fannaankii weynaa Maxamed Saleebaan Tubeec (AHUN) oo uu aad u dhegeysan jiray ninkaa heesaha jeceli. Waa heesta alla may ii dadaasho oo i daryeesho.

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.