Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

PUNTLAND: HADIMOOYINKA HADOODILMEY

W. Q: Maxamed Cabdiwahab Axmed

SIddeed  sano oo Soomaaliya ku hafatay dagaallo sokeeye iyo jah-wareer siyaasaddeed oo sahayday naf iyo hanti badan ka dib ayay shacabaka Puntland sannadkii 1998ki dhidibada u taageen maamul gabolleedka Puntland . Ujeedooyinka iyo Falsafadaha lagu dhisay Puntland waxaa udub-dhexaad u ahaa 2 ujeeddo oo kala sidaan:-

a) In la dhiso maamul gobolleed ku meel gaar ah, kana shaqeeya danaha iyo nabad-galyada bulshada.

b) In la raadiyo dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan caddaalad iyo hanaanka Faderaaliga ah.

Haddaba marka laga yimaado labdaas ujeeddo, Puntland ma laheyn ujeeddooyin kale oo siyaasadeed iyo hormarineed oo intaas ka baxsan. Hase ahaatee, Puntland intay jirtay waxey gaartay guulo waawayn, gaar ahaan dhanka arrimaha bulshada, waxbarashada, caafimaadka, biyaha, dhaqaalaha, tayada nolasha dadka, matalaada bulshada, hormarinta magaalooyinka, xariirka dibadda, nabad-galyada, raadinta dowlad Soomaaliyeed oo la wadaleeyahey, dhismaha hay’adaha dowladda, ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo meelo kale oo badan. Dhammaan dowladihii soo marey Puntland iyo tan hadda talada haysaba waxey qabteen shaqo badan oo wanaagsan, basle markastana waxaa jiray caqabado iyo gaabis aad u wayn meelaha qaarkood.

Markaan si buuxda u baarno waxaan ogaaneynaa in nabadda iyo hormarka Puntland ay sal-dhig u ahaayeen dhowr arrimood oo isugu jira kuwo laga shaqeeyay iyo kuwo dabiici ah oo duruufaha iyo gooruhu sameyeen. Balse markaad aad ugu fiirsato waxaa kuu muuqanaya in dhammaan arrimihii tiir-dhexaadka u ahaa nabadda, hormarka iyo wada-jirka Puntland aysan aheyn sidii hore, waxaana gaaray dhaawac aad u wayn, mana muuqato dammaanad-qaad iyo rajo wanaag sii jiritaanka nabadda iyo wadajirka Puntland haddii aan arrimaha qaarkood si dhab ah wax looga qaban isla markaasna aan wax laga badalin sidii hore ee lagu waday intey jirtay Puntland.

Maxaa sal-dhig u ahaa Nabadda, hormarka iyo wada-jirka Puntland?

  1. Bulshada oo rajo ka qabtey helitaanka dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan caddaalad iyo wada-lahaansho. isla markaasna u arkayay Puntland maamul ku meel gaar ah, wixii dhexdooda ku kala maqan isu tanaasulayay inta laga helayo dowlad Soomaaliyeed. Rajo wanaagii iyo dulqaadkii bulshada dhex-yaaley hadda waa yaraadey.
  1. Hoggaanka dhaqanka oo tiir-dhexaad u ahaa nabadda iyo wadajirka Puntland. Waxa Puntland ka jirey Isimo ka madaxbannaan siyaasadda, kooxeysiga, dadkuna u simanyahey, aadna loo xurmeyn jiray. Balse Arrintaas hadda sidii hore ma ahan, waxaana muuqata saadaal ah in hoggaankii dhaqanku ku milmay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasadda.
  1. Puntland waxaa ka jiray kobac dhaqaale, dhanka badda iyo xoolahana, waxaa ka soo galijiray dhaqaale aad u badan, shaqo la’aantuna waa yareyd dadkuna intaan waa ka yaraa. Basle hadda waxaa jira dhaqaale la’aan iyo shaqo xumo baahsan. Haddii baahi timaadana waxa meesha ka baxa wax badan oo la xeeriyo ama laga xishoonjiray.
  1. Hidde-raaca abtirsiga oo isku hayey inta badan beelihii wada-dhistay Puntland. Muddoyinkii hore waxaa ka jiray Soomaaliya dagaal beeleedyo iyo isriix-riix qabiil. Arrintaasi waxey ku khasbeysay bulshada Puntland in ay iska kaashadaan culeyska uga imaan karay beelaha kale ee Soomaaliya. Balse dagaalkii sookeye ee qabiilka ku dhisnaa maanta waa dhammaadey waxaana socda dagaal siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid diineed oo aan xad iyo qabiil midna laheyn.
  1. Puntland waxey aheyd maamul beeleed bulshadu dhisatey kana madax-bannaan fara-galin shisheeye. Balse muddo ka dib Puntland waxey noqotey Dowlad door wayn ka cayaarta siyaasadda Soomaaliya iyo tan Geeska Afrika, arrintaasina waxey keentay in Puntland yeelato saaxiibbo iyo cadow shisheeye, kuwaas oo leh fara-galintooda. Tusaale ahaan, 2dii doorasho ee hore waxa goob joog ka ahaa bulshada reer Puntland, halka 2dii doorasho ee danbe ay joogeen ku dhawaad 20 Safiir, ururro iyo wakaladaha calamiga ah ee wararka fidiya. Taas waxey muujineysaa in aan Puntland ka madax-banaaneyn fara-galin shisheeye markii loo baahdo.

Hadimooyinka u baahan dibufiirin, xaluhelid iyo dhammeystir?

Haddaba si looga hor-tago jahwareer siyaasadeed iyo mid bulsho, waxaa muhiim ah in la qabto shirwayne aad u sal ballaran, una dhigma kii Puntland lagu dhisay oo kale. Shirkaas waa in la isugu keeno dhammaan dadkii wada dhistay Puntland, loona yeero dadka wax-tabanaya ee maqan isla markaasna si dhab ah looga wada xaajoodo arrimaha siyaasadda, aminga, bulshada iyo dhaqaalaha si loo gaaro xal-waara loona xaqiijiyo wada-lahaansho dhab ah. Arrimahaan hoos ku qoran waa kuwa sal-dhig u ah wada jirka, nabadda iyo jiritaanka Puntland, una baahan in la wada garwaaqsado si looga baaqsado jah-wareer siyaasadeed iyo mid bulsho oo ka imaan kara gudaha iyo debaddaba.

  1. Sool, Sanaag iyo Cayn: Waa lagama maarmaan in dolwadda iyo dadka Puntland la yimaadaan siyaasad iyo qorshe cad oo lagu qanci karo si xal waara looga gaaro jahwareerka siyaasadeed, dhanqan iyo kan amni ee ka jiray goboladdaas muddada dheer. Arrintaan waa in loo galo hab dhaqan, mid siyaasadeed iyo mid ciidan oo isku xiran, haba kala horreeyaane si dhab ahna looga wada hadlo ka dibna lala yimaado Istiraatijiyad lagu gaari karo xal waara. Waana muhiim in la helo qorshe cad oo ku wajahan siyaasadda Somaliland ee gobolladaas.
  1. Waxlawadaagga dowladd Faderaalka ah ee Soomaaliya: Raadinta dowlada Somaliyeed oo ku dhisan caddaalad iyo wada-lahaansho waxey ka mid aheyd ujeeddooyinki Puntland loo dhisay. Inkasta oo dadka iyo dowladda Puntland gasheen waqti iyo dhaqaale badan arrintaas, haddana ma muuqato saadaal fiican oo arrintaas lagu gaari karo. Marka waa in dowladda iyo dadka Puntland la yimaadaan Siyaasad iyo Qorshe cad oo ku wajahan sidii Puntland iyo dowladda faderaalka Soomaaliya u wada jaanqaadi lahaayeen, waana muhiim in Puntland la timaado Istiraatijiyad ku aadan waxlawadaagga siyaasadda Mugadisho iyo sidii lagu gaari lahaa dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan caddaalad, wada-lahaansho iyo hanaanka Faderaal ah.
  1. Aminga iyo Gar-soorka: Inkasta oo hadda isbadal fiican lagu wado ciiddanka Booliska, hadana waxaa xaqiiq ah in hay’adaha Aminga iyo Gar-soorku aysan gaarsiisneyn heerkii laga filayey tan iyo maalintii la dhisay Puntland. Waa muhiim in si dhab ah loogu sameeyo isbadal buuxa dhammaan hay’adaha aminga iyo gar-soorka lana gaarsiiyo heer bulshada Puntland isku halleyn karto. Waa in la helaa qorshe iyo Istiraatijiyad cad oo beelaha hubka looga dhigo, waana in la dhiso ciiddamo tayo leh, isu dheelitiran, bulshaduna ku kalsontahey oo hanan kara guud ahaanba  nabadgalyada Puntland.
  1. Caddaaladda iyo wadaagga khayraadka: Muddadii ay jirtay Puntland waxaa isa-sootarayay dareen guud oo ah in aan loo sinnayn wadaagga khayraadka waddanka iyo caddaalad darro baahsan. Bulsho waxaa isku haya caddaalad haddii la waayana waxaa luma wada lahaanshaha iyo danta guud. Waxaa lagamamaar-maan ah in hannaanka caddaaladda la hagaajiyo, waddankana laga hir-galiyo qaab lagu wadaagayo khayraadka iyo fursadaha dowladda, waana in sharcigu qof walba ka sarreeyo, loona wada sinnaado sharciga hortiisa.
  1. In laga guuro qaabkii hore ee doorashooyinka: Waa in bulshada iyo dowladduba garwaaqsadaan in aan mar 5aad Puntland doorasho ku gali karin sidii hore, mana muuqato dammaanad ah in lagu kala badbaadi karo mar danbe haddii doorsho lagu galo sidii hore. Waa in la taageero lana xoojiyo sidii guddiga doorashooyinka iyo Dimuqraadiyeyntu ku gaarsiin lahaayeen waddanka doorasho xallaal ah oo huffan. waana in laga wada qayb qaato shacab iyo dowladba dhammeystirka hannaanka xisbiyada badan iyo ka qayb galka bulshada.
  1. Dhaqaale iyo Shaqo abuur: Dadku waxey ku tiirsanaayeen dhaqaalaha xoolaha iyo badda, balse waxa gaarey dhaawac wayn. Waa in dowladda iyo ganacsataduba raadiyaan sidii dhaqaale iyo shaqo abuur lagu sameyn lahaa, gaar ahaan dhanka kalluumeysiga, warshadaha yaryar iyo maal-gashi caalami ah. Waxaa muhiim ah in la helo qorshe kaabaya sidii dadka dhulka loogu hayn lahaa loogana hortagi lahaa tahriibka, xagjirnimada iyo hayaanka ku socda dhalinyaradii mustaqbalka waddanka.

W.Q: Maxamed Cabdiwahab Axmed
Email: [email protected]

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

2 Responses to “PUNTLAND: HADIMOOYINKA HADOODILMEY”


    Fatal error: Uncaught Error: Class 'Roots_Walker_Comment' not found in /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/templates/comments.php:11 Stack trace: #0 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/comment-template.php(1554): require() #1 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/templates/content-single.php(46): comments_template('/templates/comm...') #2 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/template.php(772): require('/home/forge/war...') #3 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/template.php(716): load_template('/home/forge/war...', false, Array) #4 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/general-template.php(204): locate_template(Array, true, false, Array) #5 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/single.php(1): get_template_part('templates/conte...', 'single') #6 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/base.php(23): include('/home/forge/war...') #7 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/template-loade in /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/templates/comments.php on line 11
    WordPress › Error

    There has been a critical error on this website.

    Learn more about troubleshooting WordPress.