Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Qarax dhimasho keenay oo saaka ka dhacay dugsiga Booliska ee Gen. Kaahiye

Muqdishu (WDN)- Wararka naga soo gaadhaya  weerarkii  ismiidaaminta ah oo saaka lagu qaaday dugsiga Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in qof  labisnaa dharka ciidanka Booliska, oo xirnaa jaakadaha qarxa, uu isku qarxiyay goob ay ku sugnaayeen Ciidamada Booliska, gaar ahaan barxada Ciidanka ku gaardiyaan.

Waxaa xilliga qaraxu dhacay ciidamada Boolisku ay isku diyaarinayeen maalinta Ciidanka Booliska Soomaaliya oo ku beegan 20 bishan.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in dhimashada ay gaadahyso 18 ruux, halka dhaawacuna uu gaarayo 20 ruux. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qofka qaraxa ismiidaaminta fuliyay uu ka mid ahaa Ciidan dhawaan la qoray in ay ka mid noqdaan Booliska Soomaaliya.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka is qarxinta oo lala beegsaday ciidanka Booliska ee isku diyaarinayay Damaashaadka maalinta Booliska .

Afhayeenka howl galada Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab, ayaa sheegay in weerarkaas uu fuliyay qof xirnaa jaakadaha qarxa isaga oo la hadlayay wakaalada wararka ee Reuters ayuu sheegay in weerarkaas ku dileen illaa 27  ruux oo isugu jiray askar iyo saraakiil.

Wararka soo gaadahaya Wardheernews ayaa waxa ay sheegayaan in dhimashada ay tahay mid aad u badan, in kasta oo aan la helin tirada rasmiga ah ee waxyeelada soo gaartay.

Maxamed Nuur Amiin

WardheerNews Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.