Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Qarax xooggan oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (WDN)- Qaraxa ayaa la sheegayaa in goor dhawayd uu ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga Isgoyska Zoobe ee KM5. Wararka aan helayno a ayaa sheegayay in uu qaraxani geystay khasaara kala duwan oo soo gaaray dad Shacab ah iyo gooba ganacsi, waxaana sidoo kale uu burbur soo gaaray goobo ganacsi oo ay ka mid yihiin Hotelo goobtaas ku yaalay.

Sida muuqatay qarxa ayaa ahaa mid aad u weyn, waxaana cirka isku Shareeray  qiic fara badan iyadoo loo adeegsaday gaari xamuul ah,, waxaana uu gilgilay magaalada oo dhan.

Qaraxa ayaa lagu beegay  Xilli  ay goobta aheyd mid mashquul oo ay dad badani ku sugnaayeen, waxaana burbur xooggan soo gaaray dhismayaal ka ag dhow halka qaraxa ka dhacay oo u badnaa kuwo ganacsi.

Wararka hor dhaca ah ee ay heleyso wardheernews ayaa sheegaya in lala eegtay qaraxa Hotelka Safaari oo ku dhaw isgoyska Zoobe.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha, inta uu gaarsiisan yahay balse wararka laga helaayo goobaha caafimaad ayaa sheegaya in ay qadiidka Caafimaadka halkaasi geeyeen dadkii ugu badnaa ee muddooyinka danbe qarax ku wax yelooba iyadoo dhimashada lagu qiyaasay ilaa 20 qof halka tiro kale oo badanina ay ku dhaawacmeen.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Maxamed Nuur amiin

WardheerNews, Muqdisho.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.