Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Qarax Maanta Ka Dhacay Maqaaxi Ku Taal Bartamaha Muqdisho

qarax1
Qarax ka dhacay maqaaxida banooda ee Muqdisho

Muqdisho, Abriil 21, 2015 (WDN)- Inta la xaqiijiyay 12 ruux, ayaa ku dhimatay ku dhawad 18 kalena way ku dhaawacantay qarax maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee xarrurnta Soomaaliya.

Qaraxan oo ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa lala eegtay maqaaxi ku taal bartamaha magaalada Muqdisho , iyadoo ay halkaasna ku geeriyoodeen dad u badan  shacabkii ka cunteynaayay iyo kuwo kale oo goobta ka agdhawaa sida ay sheegeen Goobjoogayaal ku sugnaa goobta.

Ciiddamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, ayaa soo gaaray goobta ay wax ka dhaceen, kuwaasi oo dadka u diidaayay in ay soo galaan, waxaana sidoo kale ciiddanka ay ridayeen rasaas xooggan si dadka loo xakameeyo.

Magaaxida maanta la weeraray, ayaa lagu magacabaa Banooda, waxa ayna ku taallaa degmada Xamar Weyne, walina lama oga sababta ka danbeysa weerrarka lagu qaaday iyo cidda loola dan lahaa.

Weerrarka ayaa ku soo aaday xili saakay meela ka mid ah magaalada Muqdisho ay ka dhaceen hawlgallo ammaanka wax looga qabanayay, k waasi oo ay iska kaashanayeen ciidanka ammaanka ee dowladda iyo kuwa AMISOM.

Urrurka Alshabaab ayaa isagu bilihii ugu dambeeyay kordhiyay qaraxyada ay ka fulinayaan magaalada Muqdisho, iyadoo dhanka kalena ay hay’adaha ammaanku ku guuldarraysteen in ay ka hortagaan weerrada noocan ah.

Maxamed Nuur Amiin
WardheerNews, Muqdisho.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.