Thursday, April 18, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Qarax miino oo ka dhacay deegaanka Lafoole

Muqdishu (WDN)- Wararka naga soo gaadhaya deegaanka Lafoole ee dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye,  ayaa sheegaya in qarax miino kuwa dhulka lagu aaso uu qabsaday gaari kuwa dadweynaha ee loo yaqaano BL-ka, kaasoo gebi ahaanba bur buray.

Wararka qaraxa ayaa waxa ay sheegayaan in uu qaraxaasi ka yimd Miino lagu aasay wadada .

Lafoole_Qarax
Qarax, Lafoole.

Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegtay in ay ku dhinteen qaraxaasi dad gaaraya ilaa iyo 12 ruux, halka tira kalana ay ku dhaawacmeen. Dadka ku dhintay qaraxa waxaa ka mid ahaa Aabe iyo labo caruur oo uu dhalay, kuwaasoo ku jiray rakaabkii saarnaa gaariga sida ay ilo wareedyo u sheegeen Wardheernews.

Ciidanka Amanka ee dowlada Soomaaliya ayaa gaaray halka ay mashaqada ka dhacday, waxaana la sheegay in muda kooban ay sameeyeen Howl galo in kastoo aan la shaacin in dad lagu soo qabqabtay iyo in kale.

Goobta qaraxa ka dhacay oo aheyd bartanka Laamiga ayaa noqotay mid aad u qodantay, waxaana qaraxa uu ahaa mid aad u cuslaa ama u xoogganaa.

Majirto cid sheegatay ilaa hadda musuuliyada weerarkaas in kastoo saraakiisha Amaanka ay ku edeyeen in ay ka danbeyso weerarka kooxda Al-Shabaab.

Maxamed Nuur Amiin

Wardheernews Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.