Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Qarax Xooggan oo Ka Dhacay Goor Dhawayd Muqdisho

Muqdisho, Okt. 01, 2016 (WDN)- Wararka aan ka helayno magaalda Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaiya ayaa sheegaya in goor dhawayd weerrar ismiidaamin ah lala beegsaday makhaayadd ku taal agagaarka taallada Xaawo Taako oo aan wax badan ka durugsanyn xarrunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Weerrarka oo loo adeegsaday gaadhi laga soo buuxiyay walxaha qarxa  ayaa la sheegayaa in uu geystay khasaare naf iyo maalba leh inkastoonaan weli heli tirada dadka ku waxyeelloobay qaraxaas.

Warka ayaa waxa uu intaas ku darayaa in goobta uu qaraxu ka dhacay laga maqlayay rasaas goosgoos ah iyadoo ay halkaasi gaadheen ciiddamada dawladda iyo gaadiidka gurmadka degdegga ah ee caafimaadka.

Soomaaliya oo xilligan maraysa marxalad xasaasi oo kala-guur ah, lana filayo in dhawaan laga qabto doorashooyin kala duwan oo xilligoodii dib uga dhacay, ayaa ammaandarro ku sii siyaadaa ay keeni kartaa dib u dhac kale oo ku yimaadda doorashooyinkaas.

Urrurka argagixisada ah ee al Shabab ayaa isagu dhawaan ku dhawaaqay in uu sii kordhin doono dagaallada uu kaga soo horjeeddo dawladda iyo ciidamamada AMISOM ee taageera si uu u fashiliyo qabsoomidda doorshooyinkaas..

Wixii warar ah ee ku soo kordha arrintan gadaal ayaan idiinka soo gudbin doonaa.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.