Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Qaraxyo ka dhacay Muqdishu

Muqdishu (WDN)- Qaraxyo  ayaa ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Wararka  na soo goodhaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay Iridda dhanka degmada Wadajir ee ka timaadda galbeedka Garoonka, gaar ahaan qaybta dadka lagu baaro marka ay galayaan garoonka ee loo yaqaano Madiina Geed.

Muqdishu_qarax_garoonkaQaraxyada ayaa mid ka mid ah  ahaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala beegtay albaabka, waxaana sidoo kale  xigay  qarax kale, iyada oo dad ka ag dhawaa deegaanka garoonku ay sheegayaan in ay rasaas ka dhaceyso aagaasi. Dad lagu qiyaasay 13 qof ayaa la sheegay in ay halkaai ku dhinteen.

Gaadiidka gurmadka deg deg  ah ayaa ku sii qul qulaya goobta, iyada oo ciidamada dowladda ay xireen aagga uu qaraxu ka dhacay. Waxa kale oo wararku sheegayaan in goobta ay gaareen ciidan ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Amisom.

Maleeshiyo Al Shabaab ah ayaa loo maleynaa in ay gudaha u galeen goobta sida  wararka soo gaadhaya wardheerNews Sheegayaan.

Wixii warar ah ee soo kordha waanu idinla socodsiin doonaa In sha Allah.

Maxamed Nuur Amiin

Wardheernews Muqdisho

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.