Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

R.W Cumar oo ka biyo diiday go’aankii Guddiga Doorashada Dadban

War Saxafadeed

Muqdisho, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdi Cali Sharmaarke ayaa sheegay in Go’aan kagaaaridda goobta lagu qabanayo Doorashada Xildhibaanadda Goboladda Hiiraan iyo Sh,Dhexe ay tahay mid u talla Dowladda Federaalka , Guddiga Doorashadda dad-banna looga bahan yahay uun in ay wada tashi la yeeshaan Isimada ugu jira 2da Gobol Hiiraan iyo Shebellaha dhexe Odayaasha 135, dabadeedna dib ugu soo celiyaan Dowladda Federaalka natijada ka soo baxda wadatashiga ay la sameeyeen odayaasha dhaqanka ee goballadaaar.

“Go’aan ka gaaridda goobta lagu qabanayo Doorashadda Xildhibaanadda Goboladda Hiiraan iyo Sh, Dhexe waa mid u talla Dowladda federaalka Soomaaliya “.

“ Waxaan u mahadcelinaya oo aan Bogaadinayaa howsha wanaagsan ee ay wadaan Guddiga Doorashadda 2016 , hayeeshee waxaan rabaa inan faro oo an u cadeeyo Guddiga in ay ilaaliyaan Go’anadii lagu gaaray Madasha hogaamiyaasha Qaranka ,oo lagu cadeyey in Go’aan ka gaaridda goobta lagu qabanayo Doorashadda Xildhibaanadda Goboladda Hiiraan iyo Sh, Dhexe oo ahayd mid u taalla Dowladda federaalka Soomaaliya “ ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa ku booriyey Guddiga doorashadda in ay wada tashi la yeshaan dhammaan odayaasha dhaqanka ee ugu jira ggoboladda Hiiran iyo Sh. Dhexe 135 oday uguna tagaan goob kasta oo ay jogaan , isla markaana ay Dowladda Federaalka u soo gudbiyaan natiijadda ka soo baxda wada tashigaas sidii horay loogu heshiiyey.

Dhammaad


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.