Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku soo dhoweeyay Guddoonka Gollaha Shacabka ee BFS

Muqdisho, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa kusoo dhoweeyey Guddoonka Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan,Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Sheikh Muudeey iyo Guddoomiye ku-xigeenka Labaad Mahad Cabdalla Cawad waxay ku balameen in la dardar geliyo wada shaqaynta Xukuumadda iyo Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

“Xafiiskeyga ayaan kusoo dhaweeyey guddoonka Golaha shacabka. Waxaan ku ballanay in la dardar geliyo wada shaqaynta Xukuumadda iyo Golaha shacabka,” ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

30-ka bishii April ee aan ka soo gudubnay ayay ahayd markii Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya loo doortay Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ka dib doorasho ka dhacday xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Xigasho: SONNA


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.