Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Ra’iisul Wasaare Khayre, Xog-haya Guud ee Qaramada Midoobay iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Norway oo Wadajir u Furay Shirka Madasha Oslo

Oslo, —-.. Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyo Wasiirka arrimaha dibadda Norway Ine Marie Eriksen Søreide, ayaa si wadajir ah uga furay magaalada Oslo Shirka Madasha Oslo oo looga hadlayo dejinta Xasaradaha caalamka.

Wasiirka Arimaha Dibadda Norway, Xoghayaha Guud ee QM iyo RW Kheyre

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khare oo kulanka khudbad ka jeediay ayaa aad ugu nuux-nuuxdsay sida ay muhiim u tahay in xasaradaha la dejiyo oo nabad loogu wada noolaado dunida oo dhan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyo Wasiirka arrimaha dibadda Norway Ine Marie Eriksen Søreide, ayaa inta uusan shirku furmin waxa ay si warbaahinta kula hadleen afaafka hore ee xarunta uu shirku ka socdo, iyada oo Ra’iisul Wasaare Khaye uu uga mahadceliyay dawladda Nowray casuumaadda shirkaan muhiimka ah.

António Guterres iyo Ine Marie Eriksen Søreide ayaa ku ammaanay Dawladda Soomaaliya shaqada wanaagsan ee ay hayso iyo sidoo kale barnaamijka xukuumadda ee ku dhisan isla xisaabtanka, daah-furnaanta iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa.

Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb gashay Madasha Oslo ee dalka Norway.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Somalia 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.