Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • News
  • Slideshow
  • Warar

RW. Cumar: “ Codsiga 10 maalmood wuxuu ahaa mid ka turjumaya tixgalinta talooyinka Baarlamaanka iyo dhamaystirka Xukuumadda”

Muqdisho, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, oo caawa saxaafadda la hadlay ayaa uga mahadceliyey xubnaha golaha Shacabka J.F.S in ay ka aqbaleen codsigiisii ahaa in 10 maalmood loogu daro waqtiga, si loo soo dhameystiro dhismaha Xukuumadda.

Cumar CabdirashidRa’iisul Wasaare Cumar ayaa sheegay waqtiga kooban ee la siiyay in uu ku dhaqaaqi doono wadatashi uu la yeelanayo Xildhibaanada Baarlamaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Sidoo kalana uu usoo bandhigi doono Golaha Shacabka Barnaamijkii Xukuumadda oo kooban marka la horkeeno Baarlamanka.

“Runtii go’aankii codsiga waqti kordhintu wuxuu ahaa mid ka tarjumayay tixgelinta talooyinkii Xildhibaanada oo ahaa in la soo dhameystiro Xukuumadda. Muddadaa kooban waxaan ka shaqeyndoonaa ballaaarinta wadatashiga, abuuridda kalsoonida iyo baadi goobka aan ugu jiro in la helo xasilooni siyaasadeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Sharmaarke oo intaas raaciyay.

“Waxaa xusid mudan iney dalka ka luntay ku dhawaad afar bilood oo waxqabadkii Xukuumadda dib-u-dhac ku yimid. Waxaa hoos u dhac ku yimid hawlihii adeegga qaranka, sida gurmadkii abaaraha, dhisiddii maamullada gobollada, dib u heshiisintii, xasilintii dalka, meel-marintii shuruucda iyo guddiyada madax-bannaan kuwaasoo fududeyn lahaa ka mira-dhalinta Hiigsiga 2016”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa tilmaamay si looga gudbo caqabadahaas in muhiim ah ay tahay in soo dhameystiro xubnaha ka dhimman Xukuumadda, iyadoo la soo xuli doono xubno ku sifoobay wadaninimo, daacadnimo, karti iyo hufnaan, wuxuuna ka codsaday Baarlamaankana in ay kalsoonidooda siiyaan marka la horkeeno Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday iney sii laba jibbaaraan taageerada ay siiyeen xukuumadda, iyadoo uu balan qaaday in mar-walba dareenkooda iyo shucuurtooda la tixgalinayo.

DHAMMAAD—–

Ahmed-Nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W
Mogadishu-Somalia

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.