Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

RW Kheyre oo garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Arimaha Dibadda Eriteriya

Muqdisho (WDN): Ra’iisal Wasaaraha DFS Md. Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta Garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Eriteriya Md. Osman Saleh.

RW Xasan Kheyre iyo Wasiirka Arimaha Dibadda ee Eriteriya Md. Osman Saleh .

Dad badan ayaa is weydiinaya sababta ku kaliftay in uu Ra’iisal Wasaare Kheyre kaga hortago Wasiirka Eriteriya Garoonka Muqdisho, ee uu shaqadaas ugu dhaafi waayay dhigiisa Md. Axmed Cawad.

Arintan oo ku tusaysa isbarbar yaaca, nidaam darada, kala dambeyn iyo khibrad la’aanta dadka maanta hoggaanka u haya Soomaaliya.

Waxa xusid muddan in madaxda Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo, marka uu booqdo dalalka dibadda, khaasatan kuwa dariska
(Kenya iyo Itoobiya),uu heer wasiir uu ku qaabilo garoonka, oo aanu ka hor imaan dhigiisu!

Arimahan ay caadeysteen madaxda Soomaaliyeed, ayaa  meel ku dhac weyn ku ah sharafta iyo karaamada (prestege) xafiiska Madaxweynaha, ka Ra’iisal wasaaraha iyo guud ahaan dadkak iyo dalka Soomaaliyeed.

War Saxafadeed ka soo baxay soo dhawenyta wafdiga Eriteriya oo soo gaadhay WardheerNews, ayaa u qornaa sida hoos ku xusan:
———-

Muqdisho, August 13, 2018 Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali khayre ayaa la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Osman Saleh iyo la taliyaha madaxweynaha Yemane Gebreab oo Muqdisho u yimid wadahadallo heerkoodu sareeyo kadib booqashadii bishii July uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ku tegay magaalada Asmara.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Osman Saleh ayaa ka wada hadlay adkaynta xariirka labada dawladood, hir-gelinta heshiisyadii madaxweynayaasha labada dal ay wada saxiixdeen, Iskaashiga xasiloonida iyo horumarinta dhaqaalaha Gobalka geeska Afrika.

Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Osman Saleh ayaa uga mahad-celiyay madaxda dawladda Soomaaliya sida wanaagsan ee Muqdisho loogu soo dhaweeyay wafdiga uu hoggaaminayo, waxa uuna sidoo kale ku bogaadiyay madaxda Qaranka horumarka ballaaran ee dalku ku tilaabsay.

Dhammaadkii Bishii Julay ee sannadkaan ayaa madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eretea waxa ay Asmara ku kala saxiixdeen heshiis dhigaya in labada dal ay ku dadaalaan sidii ay u samaysan lahaayeen iskaashi taabanaya dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka, difaaca iyo amniga, in la yagleelo xiriir diblomaasiyadeed la is dhaafsado danjireyaal, in sare loo qaado ganacsiga iyo maalgashiga dhexdooda ah, in la iswaydaarsado fursadaha la xiriira waxbarashada iyo dhaqanka iyo in si wadajir ah uga hawlgalaan sidii loo horumarin lahaa nabadgelyada, xasilloonida iyo isdhexgalka dhaqaale ee gobolka.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.