Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

R/Wasaare Ku xigeenka XFS oo xilka kala wareegay R/Wasaare ku-xigeenkii Hore

Muqdisho, —–Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Faderaalka ah ee Soomaaliya Mudane Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta xilkii kala wareegay Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore Mudane Maxamed Cumar Carteh Qaalib, kadib munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada.

Mudane Carteh ayaa u mahadceliyey dhammaan madaxdii dawladdii hore iyo Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, wuxuna sidoo kale tilmaamay in mudadii labada sano ahayd ee shaqada uu qaranka u hayay qabsoomeen howlo aad u badan isla markaana loo baahan yahay in horey loo sii ambaqaado.

Mahdi iyo Maxamed Carte

Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore ayaa Intaa Kadib ku wareejiyey Ra’iisal wasaare ku xigeenka cusub Xilkii isagoona u rajeeyey inuu ku guulaysan doono howlaha horyaala maadaama uu yahay nin khibrad iyo aqoon dheeraad ah u leh arimaha Soomaaliya ka Jira.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Cusub Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xil wareejinta kadib, u mahadceliyey masuulkii xilka uga horeeyey, wuxuna kula dar-daarmay shacabka Soomaaliya iyo guud ahaan hay’addaha dawladdu in gacan buuxda lagu siiyo sidii uu waajibaadkiisa shaqo u gudan lahaa.

” Anigoo kalsooni buuxda ku qaba Mudane Maxamed Cumar waan ku faraxsanahay in wixii la soo qabtay wax ka fiican uu Ilaahay ka rajaynayo inuu dalka ka qabto iyadoo taasna noo suurta galin doono waqtiga anagoo kaashanayna Dawladeena iyo shacabka Soomaaliyee” Abukate Mahdi”

—-DHAMMAAD—

Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia
[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.