Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • History
  • Maqaallo
  • Slideshow

Sahankii Richard Burton ee Bariga Afrika

Cutubka 5aad

Tarjumo & Tifaftir Boodhari Warsame

Zaylac iyo Buuralayda

Laba waddo ayaa Zaylac ku xira Harar. Midda koofur-galbeed aadda ee halowda toosan ah waa toban geeddisocod oo dhaadheer ama 20 gaagaaban[1]. Siddeedda hore carro Ciise ayaa la sii dhaxaa, labada dambana waxaa dhulkooda la sii maraa Oromada reer Noole ee xeerka ”Waday” leh iyo Makad[2] ama ugaas dhanka Masiixiyada u janjeera. Xaajigu waddadaa waa diiday, dakano cusbayd oo Reer Guullane kala dhaxaysay darteed. Wuxuu ii dooray waddada kale ee koofurta iyo xeebta marta ee qalqalloocan, xoolalayda Ciise ee Saylac magaalada u tahayna sii dhex marta, dabadeed buuraha ku dhaw ka dusta, oo haddana dhanka koofur-galbeed Soomaalida Gadaabursi iyo Geriga ilaa meel Harar u muuqata gaadha. Waxaan ka shakisanahay in dooridda Sharma’arke nabadgelyadayda ma aha ee uu dan kale ka lahaa. Xinifo hoose oo ugaasyada degaannadan ka dhexeeyay ayaa muddo dheer”waddada gooyay”, malaha Soomaaliduna ma nacsanayn in hadiyado tubaako iyo maryo Ingiriis ay dib ugu furaan waddadaa.

Richard Burten
Sir Richard Burton

Jiirtii hore ee Nofeembar 27,  1854, gammaankii iyo dhammaan rarkii safarku iridda ayay diyaar ku ahaayeen. Shantii rati ayaa la soo arrumay, iyaga oo cabaadaya oo hoggaanka lagu jagaynayo. Qarqarsi ayaa jeenyaha loo xiray oo lagu joogsaday ilaa ay si wanaagsan u arrunteen, iyaga oo dadkii ag joogayna ay haddii loo baahdo qafuurka qabanayaan marka ay sida ayaxii hinqasho kor u bood ah isku dayayaan. Marka la heeryaynayo haweenkeenkii ayaa si xallad leh”Heestii Safarka [salsal][3] ugu luuqaynaya, si ay awrta u illowsiiyaan xanuunka kuruska hoolmay iyo dhinacyada haaraha yeeshay:

Safarow idin ma hagranoo
Hayinkii waynnagaa rarraye
Habro safar raacay illeen hurdadaa hoddee
Miyaanay baddii iyo huurigii durba idiin carfayn
Allow Makaahiil iyo Midgohoodii idin ka hay.[4]

Marka ay arrunka ka kacaan waxaa lagamarmaarmaan ah in la dheellitiro rarka kuraha yaryar la mooddo, iyada oo si xooggan hadba dhinac “kor loo hinjinayo.” Waa hawl aan awrta caabaad daran, luqunlaab iyo iskuday qaniinyo laga waayin. Mid awrta ka mid ahi sidiisaba bahal ayuu ahaa. Waxaa la sheegay in markii Saylac uu ku soo noqday uu gabar reer miyi ah luqunta ka jabshay.  Mid kale oo geel Dankaali arxan darane bar yar ah ase geed’adayg u dhasay wuxuu la baxay Al-xaraami, qaabdarrada uu ku dhiiqsaday darteed.

Abbaarihii sagaal saac oo galabnimo marka ay ahayd ayaannu iyada oo ay na weheliyaan Xaajiga, willkiisii wanaagsanaa ee Maxamad ahaa iyo Carab hubaysan oo si xushmadi ku dheehantahay noo sakootiday ka baxnay iridda Ashurbaara, daawatadii caadada ahaan jirtayna waa nagu soo xoomeen. Waxaan afka saarnay waddadii cidla’da ahayd. Mayl baarki markii aan soconnay ayaa nabadayn kal iyo laab is dhaafsannay, dardaaran qiimo badan oo ku saabsan feejignaan iyo habeenkii oo aannu ilaalo qabannana naloo guntay. Faataxada ayaannu marannay, annaga oo duco gacmaha fidinanyna, ballanqaad badan oo ku saabsan in aan iska war haynno dhakhsana isu arki doonno guntannay. Dabadeed, inta is gacanqaadnay ayaannu dhabarka isu jeediannay. Askartii ayaa waxay ii rideen riddadii sagoontiska ugu dambaysay, aniguna ”Abu Sitahaygii”[5] ayaan kaga jawaabay. Ma u jeeddaa gacaliye L[umsdenoow] sida dalmariddu ragga hebed uga dhigto. Waa lamahuraanka dabiiciga ah in meeshii bil qaddari ka tuurtaba uu ka helo ”saaxiib nafta la wadaaga” iyo ”fool dayaxlay qurxoon.” Marka carriga  Oryentaalka la joogo waa ay ka sii darantahay tii marka Hibernia [6] la joogo, Waa sida malagga hillaaca ahow, ama taa haddaad weydo, waa inaadan wiilhoog ka dhicin. Bariga Afrika, gaar ahaan dhoohanaanta Ingiriiska, xishood ama islawayni dadka oo dhan way ku nacsiiyaan, qof walbana waa kugu soo hambaasayaa.[7] Waa meesha M. Rochet uu ugu yeeray ”oogta ka caddee” ayaa ugu habboon in aad saaxiibtinimo kasbato. Ninka aad danta ka leedahay waa in aad qaabbishaa, cumaacunnta qabataa, dhabarka ka dharbaaxdaa oo erayo jacbur ah isu daba dhigtaa. Sida qorshaha caqliyaysani dhigayana, haddii aadan afkiisa garanayn waa in aad qosol dheer dhag ka siisaa. Dhinaciisa soo fariiso, dabadeedna beebka tubaako bul ka siiya, qaxwahana qabta ku haya. Dabadeed wuxuu u muhunayaa in uu dheef kaa helo. Meelaha qaarkood ulajeeddadu waa inuu  danahiisa kugu fushado, meelo kalena in uu tubaakada gacanta kaaga dhigo. Dabadeed si aayar ah ayaad galgalkiisa isaga moosaysaa, adiga oo u bayraya waxa adiga dantaadu tahay. Sida laga fisho, mararka qaarkood danihiisa uun buu ku tuuntuunsanayaa. Madax’adayggaaga oo kiisa ka sarreeya uun ayaa se gaashaanka u daruuraya iskudayadiisa oo dhan. Marba marka ka dambaysa himmadiisu waa soo yaraanaysaa, ugu dambaynna waa kaa joogsanayaa gebi ahaan. Ninkii hadda waad hanatay oo gacanta ayuu ku jiraa e ogow.

Xusuusnow, adigoo raalli ah, waxaan ahay ganacsade Muslin ah, qof aan lagu khaldin qofafka ka dhex muuqda ”Sayladda.” Waa ganacsade marka xagga reer Bari la joogo isugu jiraa beecmushtare, wali iyo T.G[1]. Badanaa waa gob, meel walbana waa laga ciseeyaa oo lagu soo dhaweeyaa. Niyada wuxuu ku hayaa anshaxiisana ka muuqata in haddii Eebbe idmo uu noqon karo ra’iisulwasaare bil ka dib marka uu yaardi maro ah kaa iibshay. Ganacsigu waa uun danikubadday ee dhab ka ma aha, sidaa oo ay tahay diricnimadeed ka ma marna. Waa sayid jilibculus ah oo la xurmeeyo, tusbax gacanta ku sita, Qur’aankana bushimaha ku haya. Guud ahaan waa xaaji, sheekooyin dhaadheer ayuu ka mariyaa Goobo Barakaysan, far qurxoon buu qoraa, waxa uu akhristay oo marin karaa gabayo faro badan, diintiisa aad ayuu u yaqaannaa, hoos buu isu dhigaa si xushmad leh, xagga anshaxa iyo edebta dhan walba aad ayuu uga wanaagsanyahay, suldaan ama addoon kuu hor fariistana way u simanyihiin, tabtii isaga oo gurigiisii jooga oo kale. Carrigiisii xaas iyo carruur ayaa u jira, halkaa oo uu damacsanyahay in cimrigiisa inta ka hadhay ku qaato. Laakiin,”adduunyo la ma hubo” – ”qaddar ayaa imanaysa, Aadane aragtidina ma haleesho” – ” adduunyadu waa uun guri qabri ah.” Muddo gaaban ayay oraahyadiisaa waawayn ee xikmadda lehi geyisiiyaan ra’yi ku soo ururaya in lafihiisu ay meel aan dhulkiisii aabbe ahayn ku baaliyoobi karaan.[2]

Safarkayga yarka ah haddii aan wax ka sheego; waxa geesinnimadii Abbaannimo lahayd oo dhan ku horboodaya Raage, waa hagahayaga Ciise e. Waa madax qaawanyahay, wuxuuna xiranyahay Go’ iyo kabo saandal ah, toorrey dheer oo culus oo daab gees ka samaysan lehna dhinaca ayay dharka dushiisa ugu xirantahay. Gacanta midig wuxuu ku haystaa waran qara wayn oo silig ku maranyahay oo cuskasho u uu sito, cududda bidixna waxaa u suran gaashaan goobaaban oo harag la jukeeyay ka samaysan. Maadaama uu nin cilmi yahay, garab ayaa waxaa u suran Masalle harag la magday ka samaysan oo ah shay carriga Soomaaliyeed oo dhan laga adeegsado. Garabka kale waxaa uga ridan Weeso ama ubbo qabo ah oo biyo weeso cibaado loogu talo galay ay ku jiraan. Waxaa weheliya rag xooga alaab magaalo ah sita oo qaalin isla intii aan habeennimadii la gaarin ka lumay hogaaminaya.

Halkan ka akhri: Sahankii Burton-Buuraleyda Saylac

Tarjumo & Tifaftir Boodhari Warsame
Email: [email protected]

_________

Boodhari waa qoraa tarjumay ama gacanta ku haya buuggaag badan oo qiimo taariikheedku leh Soomaaliya. Waxa uuna si joogto ah qoraaladiisa ugu soo ban dhigaa degelkaWardheerNews.

 

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.