Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • History
  • Maqaallo
  • Slideshow

Sahankii Richard Burton ee Bariga Afrika: Cutubkii 10-aad – Berbera iyo Agagaarkeeda

Tarjumo & Tifaftir Boodhari Warsame

Odhaahda Tifaftirka: Waa Cutubkii 10-naad ee tarjumaadda buugga Sahankii Richard Burton, oo ka kooban 10 cutub, oo markii ugu horeysay la daabacay 1858. Buugga waxa tarjumay Boodhari Warsame. WardheerNews waxa ay aad ugu mahadnaqeysaa Boodhari oo xil aad u weyn iska saaray sidii uu ugu soo bandhigi lahaa bulshoweynta Soomaaliyeed buuggan taariikhiga ah ee Sahankii Richard  Burton. Waxaan fileynaa in akhristayaashu ay ka haleen dhacdooyin badan oo taariikh ku leh dhulka Soomaaliyeed.

—————

Aad ayay xiise u leedahay in hadda sida ay tahay la barbar dhigo wixii hore looga qoray carwadii weynayd ee Bariga Afrika.[1]

Richard Burten
Richard Burton

Bartema wixii uu qarnigii 16aad ka qoray ’Berbera iyo Jasiiradda Itoobiya’ waxaa ku yiil qeexiddan kooban: “Markii dabaylihii degeen ayaannu shiraaca taagannay, wax yar ka dibna waxaannu nimi jasiirad lagu magacaabo Barbara, ninka meesha xukumaa waa Muslim.[2] Jasiiraddu aad uma wanaagsana, se waa barwaaqo aad loo deggenyahay, hilib badanna waa ay leedahay. Dadka deggeni waa dad midab madow u dhow leh. Hantidooda oo dhammina waa lo xoolo.”

Liutenant Cruttenden kii I.N. [Indian Navy] oo wax ka qoray 1848, sidan ayuu meesha ku sheegay: ‘Carwo-sannadeedku waa mid ka mid ah aragtida ugu xiisaha badan xeebta, marka qabiilooyinka badan ee dhulalka fog ka yimidi ay bilaabaan in ay dhan walba u yaacaan. Intii aan qalcadihii[3] Berbera la dhisin, meeshu ka Apriil ilaa bilowga Oktoobar gebigeedu waa cidla xataa kaluumayste qura aan laga helin, se durba marka xilligu is beddelo, qabiilooyinka dhulka shishe deggani waxay bilaabaan in ay dhanka xeebta u guuraan, aqalladoodana u diyaariyaan martida la filayo. Doomo yaryar oo ka yimid dekadaha Yaman aadna ugu han weyn fursad ganacsi inta ayan iman doomaha kale ee gacanku ayaa  degdeg u soo gudba, dabadeedna waxaa ka daba yimaada, laba ilaa saddex toddobaad ka dib, walaalohoodii ka balballaarnaa ee ka yimid Masqad [Cummaan], Suur, Ra’sal Khayma, iyo Bagalooyin xammuul sida oo ka yimi Baxrayn, Basra [Ciraaq], iyo  Graen. Ugu dambaynta, Baaniyaalkii buurbuurnaa ee ganacsatada maalqabeennada ah ahaa oo Porbandar[4], Mandavie iyo Bombay ka yimi ayaa Koti[5]-yadooda la soo gala. Iyaga oo tanagyo subag oo maran tiradana ka badan doontooda ku safanyihiin ayay jago rasmi ah ka cariirsadaan safka hore ee dekadda. Maalgashigooda sare, dhagartooda iyo galgalkooda xeesha dheerna isla markaba dadkii la tartamayay oo dhan ayay iska fogeeyaan.

‘Xilliga carwadu heerka sare marayso, Berbera waa Baabil sax ah, sii ba is dhexyaaca iyo afafka kala duwan. Wax odaydhaqameed ah la ma dhegaysto, xeerarkii waayo hore ayaana sharciga meesha ah. Murannada qabiilooyinka dhulka gudaha ah ka yimi maalin walba waa ay dhacaan. Dadka dagaallamayaa inta meel xeebta ah oo magaalada wax yar ka durugsan isla tagaan, si aysan ganacsiga carqalad u gelin, ayaa waran iyo toorrey wax lagu xalliyaa. Xiriirro dhaadheer oo awr ah, badanaana ay haween kaliya wadaan, ayaa soo gala oo baxa maalin iyo habeen. Waxay taxanyihiin ilaa meel fog in magaalada ka durugsan, carruur madmadow sadcaal ku daalay oo mararka qaarkood la socdana waxay calaamad u yihiin imaashihii Kaafiladii addoonta ee Harar iyo Cifaat ka timi.

‘Guraagada iyo Harariga addoonta ka ganacsadaa wuxuu Berbera kula kulmaa dhiggiisa ka yimi Basra, Baqdaad, iyo Bandar Cabbaas. Gadaabursiga cawaanta ah ee sida wacan halkii burukada madaxa ugu quruxsaday haragga idaad ee casna waxaa la arkaa iyaga oo baalal goroy iyo xabko si nabadgelyo ah wax uga dhaafsanaya Baaniyaanka hadal macaanaha ah ee Porbandar ka yimid ee xeel inta uu ka gaaray doontiisa ku dul nool. Duubkiisii oo haddiiba lagu arko shaki la’aan laga tuurayo inta xeraystay ayuu marba in yar badeecaddiisa soo dul saaraa darin duful ah oo xeebta ugu fidsan.

‘Bisha Maarso dhammaandkeeda carwadu waxa ay ku dhowdahay in ay xiranto, doomo nooc walba leh oo afkaa jooga oo sinjaarro saddex ilaa afar isu la shiraacanayaa ayaa bilaaba safarkoodii ay meeshii ay ka yimaadeen ugu noqon lahaayeen. Doomaha Suuriga ayaa ah kuwa marka ugu dambaysa baxa, todobaadka ugu horreeya ee Abril marka la gaarana Berbera cidla’ ayay mar kale noqotaa aanay muuqan wax tusaya in ay meel magaalo 20,000 oo qofi degganaayeen ahayd, marka laga reebo lafo geel iyo ido  la qashay iyo qalfoofka aqallo yar oo si taxaddar leh xeebta loo tubay, si ay diyaar ugu ahaadaan sanadka soo socda. Subaac ayaa hadda fursad ay badda ugu soo dhawaadaan hela. Libaaxyo ayaa magaalada si caadi ah loogu arkaa, ilaa waqtiga kulaylaha si fiican loo dhex galo. Bishii Abril sannadkii la soo dhaafayna, todobaad uun ka dib markii carwadu dhammaatay, waxaan arkay saddex goroyo oo aayar xeebta lugaynaya.’

Asalka Berbera wax badan laga ma oga. Al-Firuzabadi[6] wuxuu si male weyn leh u sheegaa in ay ku bilaabatay laba ugaas oo  Ximyar[7]-ta Koofur Caraabiya ka yimid. Abbaarihii 522 CD ayaa ciidammadii Anushirwan[8] Yaman ka soo cayriyeen Xabashadii oo dib u caleemasaareen amiir Ximyari ah oo hoos taga Boqorka Beershiya. Sheeko dhaqameedku waxay sheegtaa in dekeddaa Furus, Carab, Turki, Gaalla iyo Soomaali uu mid ba mar qabsaday. Mustaqbalkeeda aakhirkana waxay u egtahay in uu sidii waa hore isu rogrogi doono.

Waqtigan hadda la joogo, waxa Berbera dufowga ugu wacan is colaadin hoose. Garxajis, curadkii Isxaaq Al-Xadrami, waxay qabsadeen silsiladda buuraha Golis iyo Wagar ee ku dhacda meel afartan mayl xeebta u jirta, halka Awal oo ah yaraankii ay isaga iyo faraciisii degeen dhulka hoose ee Berbera ilaa Saylac ku siman. Lafahaa xooggaga badani waxay labaduba sheegtaan kastanka iyo faa’iidada dekadda, iyaga oo sabab uga dhigaya in ay si wadajir ah Gaalladii uga kacsheen. ha se yeeshee, Habar Awasha oo meesha haysata ayaa xaqaa isku keli yeeshay. Aano ayaa ka hurta halkaa, ganacsiga meeshuna wuxuu la wiiqmaa colaadda kuwii lahaa uun. Taa waxaa dheer, lafta Habar Awal colaad dhexdeeda ahi ka ma marna. Laba jilib oo walaalo ah, Reer Yoonis Nuux iyo Reer Axmad Nuux[9] ayaa asalkii Berbera degay. Kan hore, in kasta oo uu ka tiro badanyahay, wuxuu kan dambe sannado dhawr ah u oggolaaday qaybsiga faa’iidada. Se markii Cadan Ingiriisku qabsaday oo ganacsigii qiime sii yeeshay ayay laftii tirada yarayd ka jafeen kuwii kale oo kaligood sheegteen in ay yihiin ’Abbaannada’ martida ee xilliga carwada. Dabadeed, dagaal ayaa sidaa ku bilowday. Reer Yoonis waxay taageero ka heleen qabiilka Majeerteen[10], Reer Axmad na waxay u yeerteen Garxajis, gaar ahaan jilibka Muuse Carre oo uu Xaaji Sharma’arke ka dhasay, taageeradiisana ku jabsheen oo ku cayrsheen Reer Yooniskii. Kuwaa oo Berbera ka yaacaya ayaa degay hulka Bulaxaar oo xiriirkoodi hore ee Hindida iyo ganacsatada shisheeye ku soo jiitay macaammiil badan. Se jidku ma xassilloonayn oo doomo badan ayaa lumay, 1847diina Soomaalida Ciise ayaa dhegta dhiigga u daray maatidii koytada ahaa, taa oo ku khasabtay in ay Reer Axmad heshiis la galaan. In kasta oo colaaddii sidaa ku dhammaatay, dhabta ah in ay taasi dhacday ayaa hurgumo aano kicisa noqotay. Cawaantan heshiisku waxba la ma aha, shaqaaqada ugu yar ee labada dhinac midkood ka dhacdana waxay noqotaa baaq colaad soo cusboonaatay.   Sharraxaaddaa caajiska leh dabadeed, waxaan ku noqon doonnaa, gacaliye L[umsdenoow] hawlahaygii Berbera.

Halkan ka akhri: Sahankii Richard Burton: Berbera iyo Agagaarkeeda

Tarjumo & Tifaftir Boodhari Warsame
Email: [email protected]

_________

Boodhari waa qoraa tarjumay ama gacanta ku haya buuggaag badan oo qiimo taariikheed ku leh Soomaaliya. Waxa uuna si joogto ah qoraaladiisa ugu soo ban dhigaa degelka WardheerNews.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.