Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • History
  • Maqaallo
  • Slideshow

Sahankii Richard Burton ee Bariga Afrika: Tobankii Maalmood ee Harar

Tarjumo & Tifaftir Boodhari Warsame

Cutubka 8 aad
Tobankii Maalmood ee Harar

Saacad barkeed markii aannu iridda ku sugaynnay ayuu waardiyihii soo laabtay oo noo sheegay in aan soo dhaafo albaabka. Markaa ayaannu inta dib u kooraysannay baqalaheennii ku soo hagay waddada wayn, dhabbe dhuuban oo taag sare kor ugu baxa, dhagaxyada ka soo taagtaaganina ay ka badanyihiin rastadii Perote[1]. Guuleed Dheere wuxuu daabbaddiisii u dhiibay laba badawi. Ilaa nala qaabbilay se ma ayan iman, markaa oo ay noo sheegeen in dadka iridda joogaa ay kula taliyeen in ay  bal neefafka la cararaan, illeen kuwii lahaa balo ayaa sugaysa e.

Haddii 100 yaardi loo soo jirsaday albaab bal haruur laga sameeyay oo dhanka fadhiga Amiirka St. James[2] tan Africa u furma ayuu horwadahayagii, nin indho gudguduudan oo waji macbuus hadal kulul ah, noo tilmaamay in aannu deganno, maadaamaa aanu midkayana af Hararigiisa fahmayn. Sidii ayaannu yeelnay. Dabadeed wuxuu bilaabay orod rucle ah, isaga oo ku gurxamay, sida ka muuqatay, in aan annaguna sidaa yeelno. Waa is fiirinnay, Xammaalina wuxuu ku dh

amir-of-harar
Axmed Bin Abibakar, Amiirka Harar

aartay in uu si xun u dhimanayo intii uu kan ka amarqaadan lahaa, aniguna sidaa ayaan ku raacay. Gacaliye L[umsdenow], bal suurayso xaaji khamiis gashan oo gar iyo cimaamad ku karaamaysanoo “laba!” dhaadheer u kala jaban. Annaga oo gammaankayagii aayar u hoggaansanaynna, si kasta oo uu horwaduhu isu xammeeyaba, ayaannu iriddii galnay, oo daaraddii waynayd xarrago u sii taltallaabsannay geed geeska bidix ku yaal kuna dhow dhisme gaaban oo dhagax adag ka dhisan. Qalawqalowda joogtada ah ee seetooyinka silsiladaha ah ka yeerayay ayaa calaamad u ahayd in xabsi dawladeed hoosti nala geeyay.

 

Daaradda qaybteedaan waxaa ka buuxay Oromo qaar dangiigaan qaarna kadaloobaan hooska gidaarka qasriga. Garaadyada waxaa lagu garanayay sindiyahooda maarta ah ee qoolaabyo dhuudhuuban oo isku dheggan cumaacunta laga soo bilaabo ilaa suxulka ku dhowaadkiisa taxan. Dhammaantood waxay u bogsanayayeen madaxnimadooda. Waxay iyaga oo sita warmahoodii dhaadheeraa faygamuuroodiina illan saaxadda Amiirka hadba dhinac u taxaashayeen. Dib u dhac nus saac ah, intii hawlaha dawladeed la kala agaasimayay, ayaa wuxuu i siiyay waqti aan ku indha’indheeyo qasri sheekooyin badan oo kala duwan laga wariyo. Qasrigu, sida Clapperton[3] uu u qeexo qasriga Suldaanka Fellataha, waa balbalo xun, hal fooq (sar) oo dheer, mooro aan dariishado lahayn oo dhagax qallafsan iyo dhoobo guduud ka samaysan. Wax kale oo calaamad garaaddo muujisanaysa ahna aan lagu arag, marka laga reebo nuurad yar oo albaabka dushiisa lagu xardhay.

Tani waa calaamadda wasiirnimada dawladeed ee Harar, meel nin aan madax ahayni aanu guriga nuuradaysan karin. Daaradda xukunku waxay le’egtahay qiyaastii 8 yaardi oo dherer ah iyo 30 ballac ah oo si aan is la’ekayn loo dhigay, guryo gaagaabanina ku hareeraysanyihiin. Bartamuha, halka iridda hore ka soo horjeeda, waxaa ku yiil dhisme wareegsan oo ay albaabbo badan oo kala jaad ahi  ku tiirtiirsanyihiin[4]. Haatan horwadihii indhaha gudguduudnaa  ee hadalka kululaa ayaa dib u soo noqday, dhallinyaro nagu soo qamaamtayna dhibkooda na dhaafiyay oo naga fujiyay. Dabadeed waxa uu noo ishaaray in aan kabahayaga ku bixinno xatabad dhagax ah, ama aan iraahdee, xariiq 12 cagood gidaarka qasriga u jirta. Waxaan ku ganuunacnay in aannaan masjid gelayn, nala ka ma se siisan taa. Dabadeed, dood dheer oo afaf aan is fahmayn dhex taal kuna saabsan in aan hubkayaga dhiibno ayaa xigtay. Madax’adayg ayaan kula harnay toorriyahayagii iyo baastooladdaydii wareegalayda ahayad. Horwadihii daah albaabhalkan ah  ayuu fayday oo hore u yara foorarsaday, aniguna sidaa ayaan ku horistaagay amiirkii lagu dhici waaway.

Amiirku, ama sida uu isu yaqaanno, Suldaan Axmad ina Suldaan Abii Bakar, wuxuu fadhiyay qol mugdi ah, darbiyo cadcad, oo ay sursuranaayeen waxyaabo qurxin yaab leh ah. Waa qoryo kabriidleyaal[1] maaraystay ah iyo seetooyin silsilado ah oo la dhalaaliyay. Muuqaalkiisu wuxuu u ekaa Raaj yar oo Hindi ah, dhallinyaro 24 ilaa 25 jir hagaas ku ah, sulub gar khafiif ah leh, midabka hurdi, sunniyo duuduuban iyo indho buurbuuranna leh. Wuxuu ku labbisnaa kurdad dheer oo maro cas oo xorta dhogor xay cad  ah ku leh iyo duub cad oo dhuuban oo dhinacyada koofiyad cas oo yuuban madaxa si adag lagu la duubay, sida koofiyad Turkishkii hore ee ee rinjiilayaashayadu xirtaan. Kursigiisu wuxuu ahaa kan caadiga ah ee hindiga, ama jiimbaar kor loo qaaday oo ilaa shan cagood dherer jeedda, gadaal iyo dhinacyadana ay ka hayaan udbo cilinno ah. Maadaama uu jirroole yahay; barkin ayaa xusulku ugu mudnaa ay hoosteeda ka muuqatay seef Hindi. Waxaa laba saf oo Amiirka dhinac yaal taagan ‘maqaawiirtii’ saldanada, ina’adeerradi iyo eheladiisii ugu dhawayd oo sida qaabka Xabashida gacmaha midigi ugu qaawananyihiin.  Qolkii ayaa waxaan la galay, anigoo ku dheeraysanaya, ‘Assalaamu calaykum!’, taasoo uu H. H.[2] uu si wanaagsan uga jawaabay,  oo inta qacan qalfoof hurdi ah oo aad mooddo addin galayr soo taagay suulka iyo fardhexada ka dhaabaaleeyay. Laba adeege ayaa markaa inta hore u soo tallaabsaday oo labada gacmood xaggooda hore i qabtay, si ay hoos iigu dugaan, iyaga oo igu hagaya in aan gacanta ka dhunkado. Hase yeeshee ma aanan dhunkan, maxaa yeelay iga ma daadegayso in aan sidaa gacan aan mid haweeneey ahayn u yeelo. Labadaydii adeege ayaa markooda ku kaltamay, oo iyagu markii ay jirjirka gacanta ka dhunkadeen ayaa calaacashana loo rogay, si iyadana u dhunkadaan[3].

Markii hordhacyadaasi dhammaadeen ayaa nala fariisiyay derin Amiirkii oo markan waji suuroonaya iyo indho fagiigan na soo aaddiyay hortiisa taal. Amiirka caafimaadkiisa ayaa la warsaday, isaguna inta madaxa si ka-biyadiid ah u ruxay ayuu warsaday waxa muraadkeennu ahaa. Warqaddaydi ayaan jeebka ka soo dhuftay, dabadeedna adeege ayaa inta go’a la hullaabtay Amiirka u sii qaaday. Inta wax yar dammooday oo kursiga saaray ayuu faahfaahin dheeraad ah dalbaday. Dabadeed, af Carabi ayaan ugu sheegay in aannu Cadan ka nimi annaga oo salaan ka sidna Dawladdayadii, Hararna u nimi in aan Sarreeyaha jaahiisa aragno. Warkaa waxaa lagu dhammeeyay khudbad yar oo isbeddelka Wakiillada Siyaasadeed ee Carabiya iyo dulmar ku saabsan xiriirkii hore Ingiriiska iyo Amiir Abii Bakarkii xijaabtay uga dhexayn jiray. Amiirkii si wanaagsan ayuu u dhoollacaddeeyay. Dhoollacaddayntan waan in aan iraahdaa, gacaliye L[umsdenow], waxay ahayd mid aan laabta qaboojin.

Halkan ka akhri: Sahankii Richard Burton ee Bariga Afrika: Tobankii Maalmood ee Harar

Tarjumo & Tifaftir Boodhari Warsame
Email: [email protected]
_________

Boodhari waa qoraa tarjumay ama gacanta ku haya buuggaag badan oo qiimo taariikheed ku leh Soomaaliya. Waxa uuna si joogto ah qoraaladiisa ugu soo ban dhigaa degelka WardheerNews.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.