Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • History
  • Maqaallo
  • Slideshow

Sahankii Richard Burton ee Bariga Afrika

Cutubka 6aad

Tarjumo & Tifaftir Boodhari Warsame

KURAHA SAYLAC ILAA BANCAWSEEDKA MARAR

Hadda ayaan gacaliye L[umsdenow] ka baxay aagga hore ee gubanta si aan ugu baxo oogadada, waa halka ay ku soo ekaadaan silsiladda burralayda Itoobiya ee marka ay ka kacaan Tajorre dabadeed qoolaab  u hareereeyaan marsada Saylac, markaana Hargeysa kaga soo dhaca xagga silsiladda buuraha ah ee dacalka ku haysa xeebta Soomaaliyeed. Silsiladdan waxaa deggennaa taariikhda la xasuusanyahay saddex dadyow oo kala duwan. Gaalla [Oromo], Muslimiintii hore ee Adal [Awdal] iyo Soomaalida hadda jirta. Si ay ahaataba se, sida caadada ka ah Bariga, ma leh magacyo guud[1]. Buurahani waa qurxoonyihiin. Ruuggooda hoose ee aan qaabka wacnayni wuxuu ka koobanyahay dhagaxdixeed ay ka fulaan xididdo dhagaxmacdaneed ah iyo mooseyaal dhagaxbaruur kan ugu saafisan ah. Waxaa ka korreeya dhaaracyo dhagaxciideed iyo malaas isa saaran ah oo  midabbadu dhankan casaan, xaggoona hurdi ama dameeri dahsoon yihiin. Aalaa, si la yaab leh ayay u marmaroora, ciiddii dhirtu ku bixi lahaydna dabaylo maansuun xooggan ah ayaa ka qaaday. Taagaggan oo badanaa fiiqyada kore muddullo figuhu goobo yihiin uga eg waxaa ku xiriirsan qarar iyo kooralay ay noocyo kala duwan oo guracyo ahi midabdaloolo iyo gacaar wiiqan ay sidii geedihii Saytuunka[2] ee buurihii Provence[3] ku yiil ugu hareeyeen. Xilliga qaboobaha waa abaar reerguuraaguna waxay uga guuraan oo u degtaan xagga gubanta. Marka roobka maansuunku naq cagaaran ka soo saaro ayay dadku ku soo laabtaan xeryahoodii ay hore uga guureen.  Qararku waa muuqaalka ugu ilqabadka badan ee meeshani leedahay. Meelaha qaarkood dhinacyadu qotton ayay u taaganyihiin, sidii derbiyo waawayn, ballacana waxay gaaraan 100 yaardi ilaa mayl barki. Meelo kale gebiyada dhagxaanta soo taagtaagan ee salka ka qodmay ayaa sagxadda hoose tuuran, sida looga bartayna daliig dheer oo ciid cad ah ayaa laba jaamood oo doogga hulmanka emarool u eg ayaa dhexdooda fidsan. Waa muuqaal u ku doogsado aragga isha soo martay dhagaxmadowgii qallaylka guban ahaa ee Carabiyada Koofureed.

Richard BurtenGeedka Gobka ayaa wuxuu kor ugu baxaa heer hoobaan Afrikaan jilaysa. Laamihiisa caleemaha leh dhexdooda ayaa shimbiro, sida nooca Salamadhlaha, midabbadooda baxsani casaan ifaya, hurdi iyo cagaar is labarogaya yihiin hadba dhan u duulayaan. Waxaan ka aqoonsaday nooc dib dheer oo Goobiyahan ama Fad la yiraahdo, nooc qoolley midab bunni rasan oo in yaroo hurdi casaan galay ahi ku daadsantahay leh, Shimbirmalabta dhexdhexaadka ah, Digiriiran, Yaryaro midabka Kaanneriga leh, Baalfalaadh sida kuwii Surinam u qurxoon, Xamarre baabul midab alxan u eg leh, iyo gaar ahaan, nooc indho cadcad leh oo Soomaalidu Shimbir Lo’aad ku magacaabaan. Geedsaaq Carmo caleemo waawayn oo dhacaan la dibbirsan  midakooduna isugu jiro doog dhadsan, guduud, ama casaan furan iyo rucubyo miro ah oo sidii canab basali ah u eg ayaa togga xaradh silloon ku dhigay. Noocyo badan oo tiin qaarkood dherarka 30 ila 35 cagood[4] kor u baxo ayaa iyaguna ka buuxa meesha. Midkood ayaa si gooni ah la iiga warramay. Soomaalida caamada ahi waxay ku magacaabaan Gawracato kuwa xoogaa wax bartayna Shajarat al-Zaquum[5]. Waa mandrake-ga carrigan, doobbooyinkiisa kuukuusan ee laamihiisa cacayilan dhakada sare kaga yaalna waxay u egyihiin madaxyo iyo wajiyo dad.

Maalin arbacaad, 15kii Diseembar, ka dib habeen inta uu dhedo ka qabo dharkeennii qoyay ayaannu 12 saac oo aroornimo kaakacnay bilownay in aannu Waadiga Dharkaynlay ee inta bari ka yimaada koofur qabta kor u raacno. Socod saacad ah dabadi ayaa waxaa soo muuqday qabri taallatiirriyaad yar leh oo dhagxaantiisu aanay sinnayn oo Siyaaro ama Mazaar la yiraahdo, kaa oo qof walbaa si uu u karaameeyo uu qori saaray. Abbaanku wuxuu fikraddiisii ku sheegay in Awliyo ama rag karaamaysani ay halkaa waa degeen, laakiin Yowmul Qiyaame ayaa si caqli kaashatay u sheegay in meeshu ay ahayd meel Gaalla hore sanam ku caabudi jirtay ama curraafaysi uun iska ah. Haddana waxaannu soo gaarnay dudumooyin Aboor cad dhisay, muuqaal Afrika dhankeedaan caan ka ah. Halkan dhulku wuxuu u egyahay sidii qabuuro Turki oo ciiddaa ka badan, waxaana la mooddaa magaalo burburtay. Meelaha qaarkood udbaha [dudumooyinku] waxay isugu dhoonmeen sidii wax gaaguur shinniyeed u eg, meelo kalena waxay isugu baxeen sidii daashkii[6]. Isla markaa, badankkooda waxaa deday dhir, geedsaaqa midabbada qayaxan leh ee ku dhafmayna waxaa la moodaa haraadiga fagaare dooggu simay. Guud ahaan dudumooyinku waxa ay leeyihiin qaab kor u dhuuban oo 4 ilaa 12 cagood dhererka u dhexeeya. Boqollaal ayaa laga tiriyaa carrigan, Soomaaliduna waxay tiradan badan u saareen iyada oo cayayaanku godadka ka guuro xilliga abaarta dabadeedna uu mid kale dhismaheed bilaabo.

Dudumooyinkii hore ee duqoobay dabayl iyo roob ay u dheeryihiin bawne iyo dabagaalle hoosta ka qoday ayaa xalleefyo sii xoodmaya ka soo reebay. Samayska oo dirri habaas hurdi ah oo celyada aboorku isku malaastay ah ayay adagtahay in la jebshaa. Waxaa sidii shabaq uga dulduleela shax dhuumo yaryar leh. Dudumooyinkaa Togga Dharkaynle ayaan markii iigu horreysay ku arkay. Xagga carriga gudaha ah way ka waawaynyihiin kana balballaranyihiin kuwa degaannada xeebta.

Dixdii ayaannu kor iyo jiho koofureed u sii raacnay ilaa labadii saac ee subaxnimo, markaa oo hageyaashii naga saareen godantii hoose. Waxay fisheen in ay muggaa Gadaabursi is haleelaan, baqdintii ay la dhadeenna waxaa u weheliyay iyaga oo qarqaryo iyo gaajo la gariirayey. Wadatashi xasaasi ah ayaa gorodda la is gashaday. Nin Cali la yiraahdo, naynaastiisuna ’Dhuuso’ ahayd oo maaddaama cunno, cabbid iyo in uu dabka kulaalo mooyee aan waxba kale qaban ayaa go’aansaday in uu naga goosto. Si ay ahaataba se, maadaama uu maro khidmo u qaatay bareerahaas si qayaxan ayaannu ugu diidnay. Markii aannu muddo laba saacadood ah ku jirnay dhul inta uu meermeer ka qabo wax saddex mayl ka badan aannaan jarin ayaa hageyaashayadii geed xero laga guuray u dhaw hoosti ku nasiyeen, meel lagu magacaabo Ceel Carmo ama xifaale ahaan Dabadhalaashay [?] Marka Damal laga qiyaas qaato waxay dhacdaa S.W. 190° [Koofur Galbeed 190 darajo]. Badwidayadii mid ka mid ah oo baqal fuushan ayaa hore ciribta ugu sii dhuftay, si uu xog u soo ururiyo sibraar biyo ahna noogu soo dhaansho. Yawmul Qiyaame ayaan wayddiiyay warka ay filayaan. Wuxuu iigu jawaabay maahmaahda ah ’War waa nolol!’ Bedwida Soomaalidu xiise badan ayay u hayaan waxa dunida ka socda. Degaannadan aadka cidlada u ah dadka oo dhammi socotada ayay daba dudaan. Qof socoto ahi degmo ma dhaafo isaga oo aan waranka dhulka ku mudan oo aan jawaab u helin su’aalo badan oo xogwaraysi ah. Intii xogi dhaafi lahayd badwigu xataa dumar waa uu waraysanayaa. Sidaa ayaa warku meel walba ku gaaraa. Gadaabursiga reer miyiga ah waxaa xiise u lahaa dagaalkii Ruushka[7], Hararna waxaan ka maqlay duufaan xooggan oo Marsada Bombey maraakiib ku burburisay, se warku waa dhawr todobaad dhacdada dabadeed.

Badawigii sibraar maran buu la soo laabtay, wuxuu se waday qorshe dhan. Waxaan wax kaaga sheegi doonaa, gacaliye L[umsdenoow], shir ay tahay i uu ka markhatikaco tiraabta ah in barbariyiinta oo dhammi ay wada aftahanno yihiin. Demosthenes[8] aayarki ayuu daabbaddii ka degayaa, hore ayuu u soo dhaqaayayaa, xoogaa ayuu inta lugaha is dhaafsado istaagayaa, waa habka istaag loogu jecelyahay dhulkan e, isaga oo labada gacmood laba waran oo dhulka mudan ku cuskan. Sidaa ayuu kadaloob ugu dhacayaa, dhinacyada dadammoonayaa, candhuuf tufanayaa, taqsiinta tubaakada ah dhagta dabadeeda gashanayaa, hubkiisa horta dhiganayaa, dhenged yar qaadanayaa, oo dhulka inta xarriiqo ka jeexjeexo haddana aayar u masaxayaa. Dhulka in xarriiqo laga jeexo nuqsi ayaandarro leh ayaa loo haystaa. Dhegaystayaashu qoolaab furan ayay dheg raaricis u fariistaan, iyadoo warmahoodii oo dhulka qoton u mudanina caaradahooda cadcad giraanno ilays cillan ahi ka walac leeyahiin. Dhulka ayay wada kadaloob u fariistaan oo indho u eg in ay shafafka kaga yaallaanna toos wajigiisa ugu eegayaan ninka warramaya, iyaga oo ka qooraansanaya gaashammadooda dushooda, sidii qoomkii Blemmyes[9]. Markii warka in la dhuuxo diyaar loo noqdo ayuu ninka hormuudka u ahi waraysanayaa.

’Maxaa aad war haysaa?’

Warramihii ayaa horta uga bilaabaya arrinta muhiimka ah ee in uu ceelkii isa sii taagay ah. Sidaan soo socotana waa ugu xijinayaa, isaga oo mararka qaarkood codka ilaa lix nudood kor ugu dheeraysanya, si joogto ahna dhulka hortiisa ah u jugaynaya.

’war wanaagsan, Ilaah idanki!’ ayuu kaga jawaabayaa  su’aashaa hore.

‘waa sidaa !’ayay dhegaysteyaashu kaga guraan, iyaga oo codadka kala beddelaya ama, aan iraahdee, giisaya.

‘Waa anigii saaka faraskaygii kooraystay.’

‘Waa sidaa!’

‘Waa anigii aniga oo ka dhakoola idin ka tegay.’

‘Waa sidaa!’

Halkaaa!’ (isaga oo cod dheer oo xooggan ku tilmaamaya, jihadana ul ku fiiqaya).

‘Waa sidaa!’

‘Halkaaa waa anigii qabtay.’

‘Waa sidaa!’

‘Kaynta ayaan sii dhex jibaaxay.’

‘Waa sidaa!’

‘Cammuudii ayaan sii dhex waarwaarriyay.’

‘Waa sidaa!’

‘Hadde innaba baqdini igu ma jirto e ogaada!’

‘Waa sidaa!’

‘War yaanan kugu daaline, raadad xoolaad baan ku soo baxay.’

‘Hoy! Hoy!! Hoy!!!’ (aammus yar ayaa ka dambeeya la yaabkan dhegataagga leh).

‘Waa ay qoyanaayeen [raadadku waa cusbaayeen].’

‘Waa sidaa!’

‘Digaduna sidoo kale.’

‘Waa sidaa!’

’Raad haween baan ka dhex aqoonsaday.’

’Waa sidaa!’

’ Geel se lagu ma arag.’

’Waa sidaa!’

’Ugu dambayn waxaan arkay qoryo.’

’Waa sidaa!’

‘Dhagaxyo haddana’

‘Waa Sidaa!’

“Haddana biyo”

“Waa sidaa”

‘Oo waa ceel meeshu!!!’

Halkan ka akhri-Sahankii Burton-cutubkii lixaad

Tarjumo & Tifaftir Boodhari Warsame
Email: [email protected]

_________

Boodhari waa qoraa tarjumay ama gacanta ku haya buuggaag badan oo qiimo taariikheed ku leh Soomaaliya. Waxa uuna si joogto ah qoraaladiisa ugu soo ban dhigaa degelka WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.