Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Sanad kadib: Maxay ku dhaqaaqday, maxa ka dhimman, maxayse dhammaysay Dawladdu

W/Q: Axmed Bashiir

Mar haddii sanad laga so wareegay doorashadii iyo dhisiddii Dawladda Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Khayre, waxa dad badani isku dayeen inay ku sameeyaan qiimayn ka tarjumaysa wax qabadkeedii: waxay ku dhaqaaqday, wixii ay dhammays tirtay oo u hagaagay, wixii ay ka gaabisay ama ka dhimman iyo wixii ay ku fashilantay.

M/weyne Farmaajo ( midig) iyo R/W Khayre

Qoraallada badankoodu waxay xambaarsan yihiin dhaliillo diiradda saaraya arrimo la xiriira horumar la’aanta dhaqaalaha, amniga, horumarka guud, loollanka dawlad gobaleedyadu kula jiraan dawladda dhexe, iyo loollan ka dhexeeya Dawladda iyo dad ama qaba’il dano gaar ah leh. Kuwaas oo ku salaysan danaha shakhsiyaadkaas ama qabaa’ilkaas loollanka kula jira dawladda oo u arka in danta qabiilkoodu ama gancsigoodu ku jirto inay dawladdu fashilanto.

Dhaliilo tilmaamaya Jileec, la taliyeyaal khibrad yar iyo xiriirin la’anta Shacabka

Waxay qoraalladu muujinayeen in Madaxwaynuhu uu:

  • Aad u qabow yahay uuna leeyahay jileec ilaa xad ay ku tilmaameen daciifnimo (chronic weakness),
  • In uusan lahayn khubaro waddaniyiin ah oo ruug caddaa ah oo siiya talooyin la soo lafa guray oo daraasado iyo baaritaanno xeel dheeri ku salaysan,
  • In uusan shacabkii sida qiirada lahayd u taageeray doorashadiisii oo waddoonyinka magaalooyinka waddanka oo idil buuxiyay uu qolof qumbe ka hoos galay oo uusan la socodsiin sida wax u jiraan, gaar ahaan caqabadaha hor taagan dawladdiisa, amaba xataa wixii horumar ah oo la gaaray.

Dhaliil qorayaashu (critical analysts) waxay yiraahdeen cillada ugu wayn ee Madaxweyne Farmaajo haysataa waxa weeye maamul goboleedyada isku bahaystay fashilinta iyo mucaaradnimada Dawladda dhexe iyo dadka uu isku xeeray oo la taliya oo ah dad khibraddoodu nooc ay tahayba ay yartahay, isla markaasna in badan oo ka mid ah aan lagu aqoon waddaninimo, qaranimada iyo midnimada Soomaaliyana aysan macno wayn ugu fadhiyin, dantoodana ka horumariya danta guud, jacaylka Somaliya ku yar yahay, iyadoo waliba qaarkood lagu eedeeyo inay la shaqeeyaan waddamo shisheeye ah oo cadow u ah Somaliya.

La taliyayaashiisa qaar ka mid ah markay waddanka dibaddiisa marayaan waxay ku sheekeyaan in Madaxwaynuhu jilicsan yahay, iyaguna ay meesha u joogaan jeebkooda iyo danahooda gaarka ah oo kelia, iyo inay ka faa’idaystaan fursadda soo martay. Run ahaantii qaar ka mid ah la taliyayaashiisa weeye kuwa suuqa galiya in Madaxwaynuhu jilicsan yahay oo ay ku adag tahay inuu si deg-deg ah u qaato go’aamo adag oo xasaasi ah, isagoo ka gabbanaya cadaaddis kaga yimaada dawladdo shisheeye, maamul goboleedyada, ama qaba’ilka qaarkood.

Haddaba iyadoo eedaymaha kulligood ay leeyihiin mudnaan, haddana marka la dib loo eego dawladdihii tan ka horreeyay iyo caqabaddihii, culaysyadii, kala daadsanantii, isqab-qabsigii dhex yiil masuuliyintii, kala dambayn la’antii, maamul xumadii, liidashadii madaxdii hore, ixtiraam la’aantii qaran, musuq-maasuqii, boobkii hantida qaran, dhaqaaala xumadii, abaarihii, gaar danaysigii, curyaamintii danaha guud, karaama darradii qaran, iyo nabad galya xumadii ay dawladdani dhaxashay, waxan shaki ku jirin inay dadaal iyo wax qabad la mahadin karo soo hoyday sanadka ay jirtay.

Qaar ka mid ah guulihii ay gaartay dawladdu?

Anigoo soo koobaya, wax qabadkeeda waxa ka mid ah: meelmarinta sharciyada Isgaarsiinta (halkan waxa mahad mudan Wasiirka Isgaarsiinta), dib u soo celinta maamulka hawada Soomaaliya (ammaan waxa leh Wasiiirka Hawada), isu soo dhowaynta Dawladda Dhexe iyo maamul goboleedyada, qaybsiga kharaadka, dhisidda ciidamo qaran oo tayo leh, horumarinta uruurinta canshuuraha, kor u qaadista dakhliga dawladda (waxa mudnaan gaar ah halkaan mudan Wasiir Bayle), bixinta mushaaraadka shaqaalaha dawladda, bilaabidda mashaariic (waddada Xamar-Afgooye, iyo tan Xamar-Jowhar) horumarineed, heshiisyo lala galay Qatar, iyo Turkey-ga oo lagu horumarinayo beeraha, iyo kalluumaysiga, dar-dar gelinta dhamaystrirka Dastuurka qaranka (mahadsanid Wasiir Xoosh), dhab ula dagaallanka Al-shabaab, dejinta heshiika ammaanka qaranka, soo daynta maxaabiis ku xirnayd, kuna rafaadsanaa India iyo Ethiopia, soo furashada tahriibayaal ku silicsanaa Liibiya, Socodkii Madaxwaynuhu ku tagay qaar ka mid ah gobollada, iyo la dagaallanka musuq-maasuqa (inkastoo warbixintii ugu dambaysay ee Transparency International ay leedahay Soomaaliya waa waddanka addunka ugu musuq-maasuq badan sannadka 2018), iwm. Waxa la yaab ah dawladdihii tan ka horreeyay oo ka musuq-maasuq badnaa heerkee bay ka gali jireen musuq-maasuqa. Waxaan u malaynayaa meel ka sii hoosaysa hoos (lower than lowest point ) inay ka gali jireen.

Dhaliilaha Dawladda loo soo Jeediyay maxaa Looga qiyaas qaatay?

Waxa is waydiin leh dadka wax dhaliilaa yay u bar-bar dhigayaan dawladda markay dhaliilaha u soo jeediyeen? Ma wax qabadkii dawladihii iyada ka horreeyay mise dawladdo kale oo shisheeye ah oo aan soo marin dhibaatooyinkii iyo musiibooyinkii ku habsaday Soomaaliya bay uga cabbir qaateen?

Guul Iyo horumar ma dawladda keliyaa soo hoyn karta?

Waxa kale oo is waydiin leh, dadka wax dhaliilayaa ma is waydiiyeen sidee bay dawladdu u soo hoyn kartaa guulo wax ku ool ah oo la taaban karo, haddii ganacsatada waddanku aysan rabin inay canshuurta bixiyaan? Haddii dhowrka milyan oo guri oo Muqdisho ku yaal aysan rabin inay bixiyaan canshuur (property tax), haddii maamul goboleedyada iyo qaar ka mid ah masuuliyiintii dawladdihii hore iyo kuwa dawladdanba ay ku tartamayaan sidii ay u fashilin lahaayeen dawladda. Haddii maamul goboleedyada qaarkood ay dekadaha iyo khayraadka waddanka gacanta u geliyaan Imaaradka Carabta iyo calooshood u shaqaystayaal waddanka cadaw u ah. Haddii waalidka carruurtoodu ku jiraan Al-shabaab aysan u soo sheegayn hay’addaha ammaanka iyo nabad sugidda. Dawladdu wax laf dhabar u ah shacabka, keligeedna wax walba ma qaban karto, guusheeduna waxay ku xiran tahay sida shacabku u garab galo uguna hoggaansamo sharciyada waddanka u yaal. Guul, horumar, iyo awood dawladimo markaas ka dib baa la heli karaa.

Soomaaliya waxay nabad ka noqon la’dahay, bur-burka iyo dhibaatada looga bixi la’ yahay oo dawladnimo loo la’ yahay, waa dhibaatada ay dawladda ku hayaan dad sheeganaya Soomaali oo aan doonayn nabad iyo dawladnimo toona. Wax kasta oo dhib iyo faragelin ah oo ay nagu hayaan dawladdo shisheeye, waxa ka daran kan ay nagu hayaan kuwa Soomaalida sheeganaya oo dawladaha shisheeye soo adeegsadaan.

Wax badan oo wanaag ah oo ay isku dayeen dawladdan iyo kuwii ka horreeyayba, waxa hor istaagayay dad, kooxo, ama qabiillo Soomaali ah oo danno gaar ah leh, meel dhowna wax ka eegaya. Dadka ka hor yimaadda horumarka Soomaaliya, markay degaan ama ka shaqaysanayaan waddamo shisheeye way u hoggaansamaan shuruucda iyo nadaamyada ka jira waddamadaas. Taa macnaheedu waxa weeye anagu inaan is maamulno oo waddankeena horumarino ma oggolin, laakin in shisheeye na maamulo oo dhaqaalaha waddankooda horumarino waa oggol nahahy. Xusuuso beriigii warlords-ka aan is arki karin oo isu imaan karin ay waddanka haysteen, dawladda Ethiopia markay rabto mid-mid iyo wada jir bay ugu yeeri jirtay oo khasab u wada fariisin jirtay, waxay rabtana ka saxiixan jirtay.

Xakamaynta maamul goboleedyada

Dhibaatada ugu wayn waxa dawladda ku haya maamul goboleedyada, gaar ahaan Puntland, iyo Jubbaland oo labaduba u shaqeeya dawlado shisheeye. Haddii aan la xakamaynna sababi kara in bur-burkii dib loogu laabto.

Arrinta xakamaynta maamul goboleedyada, inaan meel fog ka fiirino ma aha. Waxa inagu filan inaan eegno sida madaxda waddamada derika ah (Kenya, iyo Ethiopia) ula dhaqmaan maamullada hoos yimaada dawladdahoooda dhexe. Maamul goboleedyada ka dhisan Kenya, iyo Ethiopia waxay si dhab ah u hoos tagaan kana amar qaataan dawladda dhexe, inkasta oo ay jiraan waxayaabo gaar ah oo ay u madax banaan yihiin.

Suuro gal ma aha in madaxda maamul goboleedyadu isla simaan Madaxwaynaha Dawladda Dhexe. Wa inu jiraa xad iyo xeer u dhexeeya Dawladda Dhexe iyo maamul gobaleedyada oo mid waliba og yahay xuquuqdiisa iyo xuduuddiisa. Tusaalle ahaan, waa inaysan dhicin in maamul goboleed la gelo dawlado ama shirkado shisheeye heshiis khatar ku ah jirtaanka, nabadda, midnimada, dhaqaalaha, iyo awoodda Dawladda Dhexe.

Madaxwaynayaal badan oo wada maqaawiir ah hal waddan uma wada talin karaan. Wa inuu jiro hal madaxwayne iyo guddoomiyayaal xukuma maamul goboleedyada uu ka kooban yahay waddanku.

Markii la gaaro nidaamka ah hal qof iyo hal codna wa in wax laga baddalo qaabka maamul goboleedyadu hadda u shaqeeyan ama u dhisan yihiin, iyo wax qaybsiga ku salaysan formulada 4.5-ka.

Maamul Goboleedyada yaa iyaga wax qabadkooda kula xisaabtama?

Maamul goboleedyadu waa iyaga nafta u keenay Dawladda Dhexe ee yaa iyaga kula xisaabtama wax qabadkooda?

Ma la is waydiinay siday u dhacday in dekedda Berbera ay boqolkiiba 70 qaataan Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya iyadoo aan Dawladda Soomaaliya wax lug ah ku lahayn heshiiskaas. Sidee baa maamul goboleed heshiis ula geli dalaal ama shirkado shisheeya iyadoo aan laga talo gelin Dawladda dhexe? Masu’uliyadda dekedaha, garoomada diyaaradah, xuduuddaha, iwm waxa iska leh Dawladda Dhexe. In Imaaradka dekeddii la wareegeen waxa kaaga sii daran inay iyaguna boqolkiiba 19 sii siiyeen Itoobiya. Maareeyaha DP World waxa laga soo xigtay inuu yiri anaga waxba nagama khuseeyaan Dawladda Dhexe, heshiiska waxan la galnay Somaliland oo ah dawlad 28 sano madax banaanayd.

Arrintaas wa arrin la yaab leh oo midnimada Soomaaliya iyo sharciyada caalamiga ah oo dhan ku tumanaysa, caqliga fayowna aad uga fog!

Maamullada ka jira Hobyo, Marka, iyo Kismaayo markay arkeen in Berbera iyo Boosaaso si fudud gacanta loogu galiyay shirkado shisheeye ah, ayay iyana waxay ku talo jiraan inay maraan waddadii Somaliland iyo Puntland ay mareen, oo ay ku helaan dhaqaale gaar u ah madaxda maamulladaasi.

Maxay qabanaysay Dawladde Dhexe intii heshiiska Berbera Iyo Boosaaso laga shaqaynayay

Dawladda Dhexe aad bay ugu fashilantay heshiiska saddex geesoodka ah ee ay kala saxiideen Imaardka, Itoobiya, iyo Somaliland ee Dekedda Berbera lagula wareegay. Wax macne ahna ma samaynayso in ka dib markii heshiiskaas la kala saxiixday, dekeddiina lala wareegay ay Dawladda Soomaaliya soo saarto war saxaafadeed cambaarayna oo looga soo horjeedo heshiiskaas.

Heshiisku qarsoodi ma ahayn, intii muddo ahna wuu socday, marka sidee bay u dhacday in Dawladda Dhexe aysan marna ka hor tagin dhaqan galkiisa.

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa falaari gil-gilasho kaagama harto. Waxa la rabay inay Dawladda Dhexe markii arrintaan soo if baxdayba ay ka hor imaato oo dacwado ka furto Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Ururka Carabta, Ururka Islaamka, iyo maxkamadaha caalamiga ah.

War iyo dhammaanti, iyadoo dawladdu eedaymo badan leedahay ayaa haddana xilku dawladda keliya saarnayn ee shacabka, ganacsatada, siyaasiyiinta, aqoonyahannada, culimada ay iyaguna qaybtooda ka yihiin wixii eed ah oo jira iyo wixii horumar ah oo la gaaro. Sidaa awgeed qayb walba oo bulshada ka mid wa inay garowsato haddii ay qayb ka tahay caqabadaha dawaladda hor taagnaa, isla markaana qaadaan tallaabooyin lagu saxayo qaladaadkooda.

Ugu dambayn, shaki kuma jiro in dawladdu qaban kartay wax ka badan wixii wanaag ahaa oo ay qabatay sannadkii ay jirtay, haddana waxaad la moodaa in dadka badankoodu ku deg-degeen dhaliilidda dawladda iyagoo waliba marar badan gaaray go’aanno ah inayba dawladdu fashilantay. Dawladdu waxay dhaxashay caqabado iyo culaysyo ka baxsan awooddeeda dhaqaale, ama ciidan. Waxaana loo baahan yahay in la isu sabir oo si wada jir loo abbaaro wixii dhib ah oo jira.

Far keliya fool ma dhaqdo. Horumar dhab ahna waxa lagu gaari karaa wada shaqayn dhex marta shacabka, ganacsatada, iyo dawladda.

Midnimo, ammaan, guul, iyo horumar baan u rajaynayaa dalka iyo Dawladda Soomaaliya.

Axmed Bashiir
Email:[email protected]

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.