Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Sanadka Madaxtooyada & Qiimeynta Qalinka

W/Q Mahdi Muuse

Yaa wax qiimeeeya. Maxaase lagu qiimeeyaa,  ma qoraal mise Tiraab? Middii ay noqotaba  maxaa qiimeynta xujjo u noqon kara?. Su’aalahan Jawaabtoodu waa albaabka u horeeya ee mudan in aan ka galno kolki aan rabno qiimeynta sanad jirka Dowladda Madaxweyne Farmaaajo. Waana macnaha guuud ee uu xambaarsan yahay qoraalka hoose.

Haddaad garowsatay in aad qoraalkan sii akhriso,  ogoow  billowga hore waxaa mudan in aad tuurto qanaacada hore ee aad ka aaminsan tahay Dowladda Farmaajo, Muacaarad ama Muaxaafad tii ay noqotaba. Si aan u wada gaarno qiimeeyn sax u dhaw  oo macno cilmiyeeysan ku taagan.

Dowladda Madaxweyne Farmaajo waxey aheyd Kacaan doorasho ku yimid. Xildhibaanadu si xor ah wax ha u doorteen, haddana natiijada la filayay & sida wax loo akhrinayay Farmaajo nasiib kuma laheyn. Doorka ay leeyihiin Dowladaha Shisheeye, oo ay ugu horeyso  Itoobiya ayaa malaha sax ka dhigayay, laakiin taageerada shacabka & Suuq geynta danta bulsho darteeed ayey ku timid Dowlaadda Farmaajo.

Kacaankan u taagan danta bulsho ma aheyn mid xubno & asxaab hore leh. Farmaajo Madaxtooyada waxaa la soo galay dhowrkii qof ee ku weheliyay ololaha doorasho, oo wada shaqeyntoodu ku bilaabatay isla hawshan.  Taas oo ah mid ka duwan hawsha Qaran ee Madaxtoooyada laga maamulo.

Asxaab yarida  Kacaanka Farmaajo iyo dareenka wadaninimo ee kaliga ah, labaduba waxay  hoos u dhigeen  qiimeeynta qof ee hawsha Qaran lagu muto. Taas oo keentay in xil gudashada & hufnaanta mas’uul  aasaas looga dhigo qof aqoon, ha ugu horeyso lataliyaasha & xubnaha Golaha wasiiradda ee Dowladda.

Waxaa la dhihi karaa Golaha Wasiirada Dowladda Farmaajo, waa kuwii ugu khibradda yaraa intiii Xukuumad ee Soomaaliya soo martay.

Macnaha Dowladnimo & kicinta dareenka wadaninimo ee shacabka waxaa laga sameeeyay horumar la taaban karo, waana fadli loo tiiirin karo Kacaanka Febraayo ee Farmaajo. Taa waxaan ka dheehan karnaa Baraha Bulsahda oo si xawli ah u diiida afkaaraha muacaradnimo ee xubnaha diidan Dowladda.  Sidoo kale waxaa hoos u dhac ku yimid faro galinta Dowladdaha deriska, si gaar ah Dowladda Itoobiya oo ayadu si toos ah ula shaqey jirtay Dowladihii ka horeeeyay.

Saaxiibkeen Gabra waxaa u dambeysay muuqiisa oo la arko ahbeeenkiii doorashada, waxay kaamaradu  qabatay asagoo dhinac fadhiya Keating.  Waa suuro gal in uu joogo qof kale oo hawsha Gabre haya, haddana waxaa guul ah in uusan u muuqan sidii Gabre uga muuqday goobaha  & waliba xafiisyada Dowladda sida kan wasiiradda qaar.

Dowladda Farmaajo waxay sheegtay in ay horumar ka sameysay canshuurta & nidaaminta dakhliga dalka. Waxaase muuqda in uu san jirin wax la taaban karo oo ay ka qabteeen Kaabayshaa Dhaqaale. Waxaa tilmaan mudan oo lagu amaani karaa in mushahaarka shaqalaha Dowladda uu noqday mid joogto loo helo, haddana isbadalka dakhliga la sheegay ee gaaray boqol laab ka badan waxey mudneyd in uu dhanka kale ee Kaabayaasha dhaqaale saameeyo, nasiib xumi wali ma muuqato hal isbitaaal ama Hooyo Tacliiin oo magaca Dowladda lagu sameeeyay.

Diblomaasiyadda Soomaaliya waxaa ka muuqda is badal. Doorka siyaasadda dibada waxaa la dhihi karaa wuu kobcay, waxaana ku yimid tix galin Dowladdaha aan saaxibka nahay, taa oo laga dheehan karo safaradii diblomaaasi ee Madaxweynuhu ku maray wadamada aan la leenahay xariirka diblomaasi. Waxaa tusaale noogu filan booqashadii koowaad ee Adiss & natiijada ka soo baxday wada hadalki labada Dowladdood. Natiijadaa oo la dhihi karo waa mid aan waligeed lagu arkin miiska wada- hadal ee labada Dowladdood intii ay Soomaaliya dhacday.

Khilaafka Khaliijka & mowqifka Dowladda Soomaaliya ayaduna waa waji cusub oo miisaan u yeelay diblomaasiyadda Soomaaliya mudada sanadki tagay. sida caadiga ah diblomaasiyada Sacuudiga ee ku wajahan Dowladdaha Faqiirka ah, waxey ku taagan tahay Riyaaal & gor-goro aan cod laheyn. Dowladda Soomaaliya taa waa Khilaaftay, waxeyna muujisay mowqif diblomaasi oo ka tarjamaya doonista hoggaanka dalka  & madaxbanaanida Soomaaliya.  Taa oo la dhihi karo wa mid ku cusub diblomaasiyada Soomaaliya oo muddo beec aheyd.

Qiimeynta Dowlad dhan & inta hawl oo laga rabo ma lagu soo koobi karo, bog ama wax la halmaala, waxaase  hubaal ah in hoggaan walba oo Soomaaliya soo maray –burburki kadib,  uu ku socdo xaalad ka fiican siduu ku yimd. Hase yeeshee ciladdu waa anaga Soomaali ahaan. Waxaan rabnaa in aan helno hoggaan hal mar na bootiya, oo naga sara mariya Dowladdaha Barwaaqo sooranka ah, Soomaaliyana ka dhiga Jano uu Soomaaligu ugu noolaado siduu  doono.  Taana suuro galkeeda waxaan u daaayay akhristaha sharafta leh ee ila wadaagay akhrinta qoraalkan.

Mahdi Muuse
Email:[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.