Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Saygii Saaqidka Ahaa (Q. 11aad)

W.Q. Cabdicasiis Maxamed Shidane

Cabdicasiis M. Shidane

Kolkii aan ogaaday in aysan jirin cid isku jir naxeysa, oo isku tasho xaalku yahay, ayaan dareemay cidlada dhabta ah. Waxaa sidoo kale iyana aanan weli ka bogsan xanuunno fara badan oo iga soo gaaray jirdilkii iyo kufsigii aan la soo kulmay, tan iyo markii aan safarkaan silaca badan soo galay. Gabdhihii iyo dhallinyaradii aan isku barannay xerooyinka qaxootiga, waa iga wada tageen, oo dalal kale ayey u sii tahriibeen, iyaga oo raadinaya nolal ka fudud midda Itaaliya taalla, taas oo ah mid aan si sahlan loo la qabsan karin. Adkeysi ayaan maalay. Heer waxaan gaaray aan waayo meel aan kaga gabbado dhaxanta iyo barafka beer goyska ah, ilaa mararka qaar dantu igu kallifeysay in aan iska hoos seexdo dhismooyin dhaadheer, cuntadana u doonto xarumaha lagu quudiyo dadka saboolka ah ee aan cunto iyo hooy toona haysan. Taleefoon aan hooyo ku waco ma heysto. Say iga naxa oo i soo raadsanaana ma jiro, oo waa qofka nolashii aan ifka ku taamaayay cardaadiiqda ka dhigay. Walaal wehel ii noqdana ma haysto, oo Allaba iiguma deeqin.

Maalin maalmaha ka mid ah aniga oo meel barxad ah iska fadhiya, oo niyad jabsan, adduunkuna ila yahay meel mugdi ah, ayaa waxaa i soo ag istaagtay haweenay da’ ah oo u dhalatay dalka Talyaaniga oo ah halka aan martida ku ahay, sharcigana ka qaatay. Waxey ahayd Sooro caawisa dadka dhibban ee darbi-jiifka loo yaqaan iyo hablaha dilka iyo kufsiga la kulma. Daal iyo diif badan ayaa iga muuqatay. Dhibaato waxey iga haysatay afka ay igu la hadlayso oo aanan waxba ka aqoonnin. Waxaan ka fahmay uun “Soo bax”. Waan iska raacay, aniga oon garaneyn meel ay ii waddo iyo waxa ay ii qaban doonto midna. Qalbiga waxaan iska dhahayay; “Waa shinbir Alle kuu soo diray”. Jaakad nooca dhaxanta laga gashto oo ay wadatay ayey ii bixisay, ka dib, markii ay aragtay qarqaryada dhacaysa iyo sida aan u jaraynayay. Waxey isku dayeysay in ay i farxad galiso, balse, waxaan ahaa qof ku nool dunida quusta iyo baaseysiga ee farxaddu ka guurtay. Sidey ii wadday, ayey waxey i geysay guri dhawr qol ka kooban. Qol yar oo qalabeysan ayey ii furtay, waxeyna igu tiri; “Ku soo dhawaaw halkaan”. Waxey ii keentay dhar iyo agabka lagu qubeysto. Halkaas ayaan hurdo la dhacay, waliba saacado badan oo aan kala go’ laheyn.

Si ay u hubsato in aan ahay qof sharci iyo dalkujoogis heysta, waxey maalin ka dib i weydiisay sharcigayga. Farta ayaan ka saaray, waliba si aan labalabeyn ku jirin. Koobbi ayey ka qaadatay sharcigii, waxeyna wacday Laanta Socdaalka iyo Qaxootiga si ay u hubsato in uu yahay sharci sax ah ama mid been-abuur ah. Xaqiijin ka dib, waxay ii gu yeertay Tarjumaan Soomaali ah, si uu u sameeyo isku xir xagga afka ah. Halkaas ayaan dhibkayga iyo xaaladda cakiran ee aan ku suganahay u sheegay, ilaa ay illimaysay. Runtii, ma wada xusin dhammaan dhibaatadeyda, waayo kalsooni buuxda kuma qabin qofna. Seddex maalin ka dib, waxaa la ii ballamiyay baaritaan guud oo xagga caafimaadka ah. Waxaa la iga helay xanuunno fara badan, sida; caabuqa ku dhaca saxaaxa dumarka, waliba heer halis ah oo waxyeeleysay ilmagaleenka, qaaxada, killiyo xanuun iyo dhiig yari xooggan. La tacaalid dheer ka dib, waan soo kabtay, waxaana billaabay barashada afka Talyaaniga, maxaa yeelay, waa furaha isdhexgalka bulsho iyo la qabsashada nolashan cusub ee aan dhibta badan u soo maray.

Shaqaalaha hey’adda gargaarka ii fidisay, waxey had iyo jeer i weydiin jireen nolasheyda hoose, sida in aan xaas ahay iyo in kale. Xaqiiqdii, su’aalahaasi waxey i galin jireen jawi xanuun badan iyo gucasho aan soo gucanayo dhaqankii seygaygii iyo qofnimadiisii qallafsaneyd. Muddo ayaan qarinayay in aan shaaca ka qaado nolashii gaarka aheyd ee aan la wadaagay ninkayga iyo in aan ahay xilo la xumeeyay. Siddeed bilood ka gadaal, waxaan yara bartay luqaddii, oo bulshadii waan is fahannay, waxaana la ii raadiyay shaqo, balse, wax khibrad shaqo ah ma haysan. Waxaan ku qasbanaaday in aan barto sida loo hayo dadka waayeellada ah loona xannaaneeyo. Koorso lix bilood igu qaadatay ka dib, shaqo qandaraas ah ayaan helay. Farxad ayaan dareemay markan arkay aniga oo shaqeeya isku na filan. Waxaan xoogga saaray in aan lacag u adeegsado furriinkayga, maadaama aan waayay waddo kale oo aan u maro in aan helo madaxbannaanidayda.

Waxaan wacay hooyadey iyo abtigay oo ah ehelka qura ee aan howshaan u diri karo. Waxey xariir la sameeyeen eheladii saygayga, una sheegeen in lacagtii uu dhahayay waa la iga xaday loo gudayo, furriinkayga wuxuu ku xiro oo lacag ahna loo ogal yahay. Isjiidjiid dheer ka dib, saygaygu wuxuu aqbaly in uu lacag ku baddesho dalqad walba oo afkiisa ka soo baxaysa. Wuxuu codsaday in dalqad walba la siiyo kun Doollar, taas oo ka dhigan in saddex kun la siiyo. Abtigay wuu ka gaca-jiiday tallaabadas dhaqanka iyo anshaxa ka fog, balse, aniga ayaa ballanqaaday in aan wax walba ku bixin doona soo afjaridda arrintaan nolasheyda kharribtay oo nabarrada igu reebatay. Waxaan qabsaday muddo siddeed bilidd gudaheeda ah in aan ku soo dhiibi doono lacagtaas iyo middii been abuurka aheyd ee uu igu sheegtay. Shaqo ayaan dhexda u xirtay si aan nafsaddeyda uga xoreeyo mugdigaas ay gudaha ka dareemayso. Shaqada aan billaabay waa mid aad u adag, balse, waa mid leh xaqdhawr iyo tixgalin, waana midda aan ugu samrayo, waxaa ii wehlisay caawin fara badan oo dhinac walba ah, taas ayaa i dhiirrigalinaysay wax badanna nolashayda ka sii baddeshay, kuna soo biirisay.

Wax keydsi iyo tabaabushaysi dheer ka dib, waxaa la soo gaaray muddadii ballanta la wada dhigtay, waana shubay lacagtii lagu xiray dalaaqeyga. Runtii maalintii uu odayaasha uga hor dhawaaqay dalqaddeyda, waxey ii la mid aheyd maalin gobannimo iyo reynrayn. Waxaan dareemay xasillooni dhinac walba ah iyo in culeys isaarnaay in mudda ah uu iga haray. Farxadda igu soo korartay waa la iga dareemayay waji ahaan iyo naf ahaan. Waxaan helay kalsooni iyo in baal madaw oo nolashayda ka mid ahaa uu iga go’ay. Farxadda sidaas u baaxadda weyn waxaa ila qeybsaday hooyadey oo ahayd qofka qura ee ila silicday, kalana kulantay arrintaan ceeb iyo fadeexad uu ninkaygu suuqa u galiyay. Xanuunno badan oo i hayey ayaan waayay meel ay ka baxeen, ka dib markii aan nafiskaas dareemay. Marna Eebbe ayaan u mahadnaqayey, marna ciddii i caawisay, aniga oon u eegeyn midab iyo diin toona. Waxaa igu soo korartay kalsooni iyo in aan ku faraxsanaado shaqadeyda, halka markii hore aan wax walba dhibsan jiray oo shaki iyo wuswus i dillooday. Tillaabadaas aan qaaday ka dib, waxaan billaabay in aan helo tab aan ku sii hormarin karo naftayda, ugana soo kaban kara dhibaatooyinkii i soo maray. Way igu adkeyd in aan u dhaqmo sida gabadh madaxbannaan oo la sheekaysan karta nin walba, dookheedana raadsan karta, waayo wali waxbaa ii sii muuqda, balse, waxey ahayd xaalad aan ka gudbi karo, sababtoo ah waxaan ka soo tillaabay caqabado intaas ka adag kana fool xun.

La soco qeybta 12aad.

W/Q; Cabdicasiis Maxamad Shidane
Email: [email protected]
———————————————-
Akhri sidoo kale

Qaybtii 10aad


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.