Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Saygii Saaqidka Ahaa (Qaybtii 4aad)

W.Q. Cabdicasiis Maxamed Shidane

Shidane
Cabdicasiis Shidane

Waxaan si qumman ula qabsaday shaqadii booyaasnimada ahayd ee aan ka billaabay Kenya. Dhaga-hadal iyo quursi kama marnayn shaqada aan qabto, waliba marka aan u sheego dadka qaar shaqadayda. Iyadoo ay taasi jirto ayaa haddana wax badan aan ka dheefay shaqadaan. Waxaan ka nafisay oo iga yaraaday cadaadiskii naftayda saarnaa, waxaanan aaminay in aan wax tabcan karo, wax soosaarna yeelan karo, aniga oon ku tiirsaneyn nin i qaba iyo qoyskayga midna. Mid ka mid ah xafiisyadii aan nadiifin jiray ayaa wuxuu igu billaabay daandaansi iyo in ay igu harawsadaan bixinta lacagta aan ugu shaqeeyo. Cilladdu wax kale ma ahayn, ee waxay aheyd in aan ahaa gabadh ay kari waayeen, oo sirteeda iyo qaab nolaleedkeeda kashifi waayeen, kuna kooban shaqadeeda.

MaidAniguse waxaan liibaan iyo libin u arkayay sidaas xirdhxidhnaanta ah ee ay ragga Soomaaliyeed ee aan u shaqeeyaa igu gariifeen. Saddax bil ka dib, waxaan si kadis ah ugu kulannay bartamaha Nayroobi wiil ay xigaalo dhaw yihiin saygayga. Wuuna i bar aqoonsaday. Runtii kuma farxin araggiisa, waayo ma dooneyn in qofna ogaado halka aan ku suganahay iyo waxa aan falkiyo. Wiilku dhibka i haystay war uma haynin, wuxuuna ii muujiyay soodhaweyn iyo marxabbeyn ballaaran. “Maxaad qabataa? Yaad la nooshahay? Maxaad halkaan u timid?” waxay ahaayeen su’aalaha uu igu billaabay. Balse, waxba kama qarin, oo waan u sheegay xaalkaygu sida uu yahay iyo shaqada aan qabto. Wuu ka dhifray shaqada, wuxuuna muujiyay cadho iyo waji-baddel aanan garaneyn waxa ugu wacan iyo nuxurka uu leeyahay.

Anigu talobixin iyo hogatusaalayn kama dhawreyn nin oo dhan. Halkii ayaan wiilkii ku macsalaameeyay. Wuxuu ii sheegay in uu yaqaan qolada Soomaalida ah ee aan u shaqeeyo, waana arrin i dareen galiyay, waayo, waxaan hubaa in aanan mar labaad nabadgaleyn. Wiilkii wuxuu wacay saygeygii, wuxuuna ku dhuray xumaan iyo xan oo idil, wuxuuna iga bixiyay suurad iyo sooyaal aanan lahayn, taas oo ku riixday markii danbe in uu igu xanto xafiiskii aan u shaqeynayay. Basar-xumada wiilkaas waxey sababtay in shaqadii la iga eryo, oo waliba si toos ah la ii aflagaadeeyo, iyada oo la ii adeegsanyo in aan ahay naag mukhaalifa ah oo ninkeeda soo xadday, Rabbi iyo Rasuulna aqoonnin.

Intaas iigu ma uusan ekeyn shartiisa, wuxuu kaloo ka shaqeeyay sidii uu saygaygu u imaan lahaa Kenya, si uu dhaayaha u saaro dhaqan xumadayda! Dhaqanxumadee?! In aan shaqaysto. In aan ka xoroobo gacan qof kale iyo dulleyntiisa. Waa taas dhaqanka ragga qaar lafdhuun gashay ku noqday. Run ahaan, raggaas iga soo eryay shaqadii aan xafiiskooda ka qaban jiray waxaan la ahay qof habawday, oo tubtii toosneyd seegtay, balse, waxaa la yiri “Habow waa lagu dhul bartaa”. Qeyb ka mid ah shaqadii sidaas ayaan ku waayay, mushaarkii i soo gali jirayna wuu is dhimay, balse, kama tiiradhigin in aan raadiyo shaqo kale, waana helay ugu danbeyntii, waliba mid ka fudud kana faa’iido badan tii la iga soo cayrshay, dhakhso ayaanan u billaabay shaqada cusub, waliba aniga oo tamar iyo karti kaashanaya.

Waxay ahayd shaqo aan nadiifinayo Hotel. Waa hoteel aad u cammiran, dadka ajaanibta ah ayaa inta badan ku soo dega. Sidaas ayaan ku sii watay wax keydsigaysii iyo in aan horay u sii socdo, oo aanan marnaba gadaal fiirin. Wiilkii ay qaraabada ahaayeen saygayga wuxuu iga baafinayaa magaaladii, si uu u ogaado halka aan degganahay iyo cidda aan la noolahay. Ibtilo qoorta ii gashay ayuu igu noqday. Bal waxa i dabadhigay kaalay adba sheeg! Gurey oo ah wiilka igu soo dhaweeyay Kenya, ayaan u sheegay sheekada wiilkaan igu raadka-jira. Wuxuu ii ballanqaaday in aanu il saari doonin meel aan ku noolahay, warkiisana uu maqlay, balse, uusan dhagjalaq u siinin.

Anigu waan ka taxaddaray in aan yeesho meel la iigu soo hagaago, sida in aan Taleefoon qaato, in aan xisaab ka furto baraha bulshadu ku kulanto, iyo wixii la hal maala. Gurey iyo waxaa is aqoonsaday wiilkii ay qaraabada ahaayeen saygayga, wuxuuna ogaaday ugu danbayntii in aan guriga Gurey ku noolahay, balse, Gurey wuxuu wacad Alle ku maray in aysan jirin qof uu gaynayo aqalkiisa. Anigu hawsheyda ayaan is ka wataa, oo wax kurba ah iguma hayso wiilkaas iyo dabinka uu maleegayo. Ugu dambayntii wuxuu ka shaqeeyay in saygaygii saaqidka ahaa uu soo cagadhigo Kenya, si uu u calwiyo jawigeyga deggan, una qaso nolashaan yar ee aan billaabay. Ibtilo ayaa farqaha iigu jirta! Waa hadda iyo buuq hor leh. Hubaashii, markii aan maqlay in uu yimid Kenya waan qarracmay, dhulgariir ayaan dareemay. Waxaa i horyimid dhammaan ficilladii foosha xumaa ee uu igu samey jiray tan iyo markii aan nolashayda ku aaminay. Maalmihii murugada iyo xanuunka badnaa ayaan dib u soo xasuustay. Waxaan ismooday in aan weli hoygii haddimada ku sugnahay. Hoygii weynaa ee haddana diiqadda badnaa!

Seygayga iyo niman ganacsata ah oo ay qaraabo yihiin ayaa Gurey oo ah wiilka aan la degganahay gar u dhigtay, kuna eedeeyay in qof dumara oo la qabo uu gurigiisa ku heysto. Waa faddeexad iyo foolxumo kale oo la igula kacay. Taasi waxey si xun u caro galisay walaalkey Gurey, wuuna ka jiifan waayay. Anigana waxaa ila soo darsay dareen xun oo ku aaddan mawjaddaan cusub ee igu soo furantay. Kenya ayaa waxey mar kale ii la mid noqon rabtaa Soomaaliyadii aan ka soo cararay. Gurey wuu diiday in uu ka garbaxo raggaan ku andacoonaya sheekadaan rakhiiska ah. Wuxuu ku wargaliyay in ay faraha kala baxaan cidda ku nool gurigiisa iyo qofka uu martigaliyo. Hasa yeeshee, qaraabadii saygaygu waxay u dacwoodeen ehelada Gurey, iyaga oo xitaa hadalka u dhigaya in uu aniga igu haysto qol gaara, oo ay naga dhexayso nolal wadaag iyo gogal-dhaaf. Taasi waxay fajiciso ku noqotay wiilkii aan martida u ahaa iyo saaxiibbadiisa, oo aan is la wada degganayn.

Fadlan halkan ka kahri sheekada: Seygii Saaqidka  ahaa

W.Q. Cabdicasiis Maxamad Shidane
Emai: [email protected]

Sidoo kale akhri

Qaybtii 1aad
Qaybtii 2aad
Qaybtii 3xaad


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.