Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Seygii Saaqidka ahaa (Qaybtii 7aad)

W.Q. Cabdcasiis Maxamed Shidane

Markii laga reebo in meeshu nalagu hayaa aysan ahayn xabsi rasmiya oo qalabeysan, looguna talagalay in dadka faldanbiyeedka geysta lagu xiro, haddana waa hool weyn oo u sameysan sida bakhaar ballaaran oo is ku dhex furan. Rag, dumar, ilmo iyo waayeel, intaba waa la is dhex jiifaa. Hal musqul ayay meeshu leedahay, taas oo feyl dheer loo galo. Nadaafad xumada, sheeko-taxne-ahxanuunnada halista ah, cudurrada saf-marka ah ee ka dhex dillaacay goobta, iyo dhuskugu waa wax aan iska la qabsaday. War uma hayo anigu halka uu ku danbeyn doono aayatiinkaygu, sababtoo ah ma jirto dacwad na loo heysto oo nagu wargaliyey, iyo waxa aan galabsannay. Waa run in aan dalka Liibiya ku soo galay sharci-darro, oo aan ahay soogalooti u soo tallaabay soohdin dal kale isaga oon wadan ogalaansho iyo dalkugal toona, balse, taas beddelkeeda, ma jirto gal-dacwo oo na loo keenay, qareen na loo qabtay, iyo dhawris xuquuqeed midna. Waxba kama duwanin sida xoolo la soo xeraystay.

Askarta na gu dhex ilaalineysa hoolka aan ku dhex xirannahay, waa rag iyo dumar, midba midka kale ka arxan iyo naxariis darran yahay. Intii aan ku jiray xabsigaas waxaan indhaheyga saaray wax walba oo foolxumo iyo caddaab adduun ah. Dumar habeen kasta lala baxayey, si loo kufsado, kaaga darane, habeenba mid ayey la baxayeen askartu. Siiba kuwa da’da yar ee aan wali qaangaarin. Afar iyo tobban jirka iyo shan iyo tobban jirku haba u badnaadaane. Waxey u xulanayeen dumarka sida neef xoola ah oo saylad la keenay. Ragga qaar xitaa kufsigaas kama badbaadin, oo askarta waxaa ku jiray kuwo sida qowmu luudkii u dhaqma, oo siiba wiilasha yaryarka ahi aanay ka nabadgalayn. Intaas waxaa garab socday jir-dil iyo ciqaab joogta ah, ilaa qaar ka mid ah maxaabiistu u dhinteen jir-dil iyo jugta ka soo gaartay garaacista joogtada ah.Waxaa naga luntay micnaha bini’aadnimada iyo qiimaha nolasha. Xabsiga dhexdiisa waxaa ku dhimataay gabadh xaamila ahayd oo wadnuhu istaagay, kulaylka iyo huurka aan ku jirno awgiis. Qofkii dhinta maalmo ka bacdi waa nalaga qaadi jiray meydkiisa, ma na garaneyno in la duugay iyo in xubnaha jidhkiisa lagu intifaacay.

Silic iyo saxariir waxaan ku jirnaba ka dib, askartii waxey billaabeen in ay sii daayaan qofkii lacag la baxa, dhibkuse wuxuu ka taaggan yahay sida lagu heli karo lacagtaas, mar haddii aysan jirin xorriyad aan shaqo iyo xoogsi ku raadsanno. Qofkii bixin kara lacagta ay rabaan wuu baxayay, haba u badnaadaan ragguye. Annaga oo gabdho badan ah ayaa isku soo harnay, meel aan wax ka keenno ma naqaan, ma haysanno taleefoonno aan dadkeennii ugu qeyladhaansanno. Sidaas ayaan afar bilood iskaga jirnay xabsigii. Gaaraca iyo kufsigu waxey ka mid noqdeen nolashayada caadiga ah, kaaga darane, ma ogin xanuunnada aan ka dhaxli doonno galmadaas aan difaaca wadan. Halista caynkaas ah sameeyaha iyo lagu sameeyuhuba waa ay u siman yihiin. Mar xaal halkaas marayo, ayaa waxaa noo furmatay waddo kale, taas oo ah in gabdhaha ku jira xabsiga loo qeybiyo qoysas Liibiyaan ah, si ay ugu shaqeystaan. Warkaas markii aan maqalnay, wuxuu noo la mid ahaa sida in nagu yiri; “maanta wixii ka danbeeya xabsiga bannaanka ayaad ka tihiin”, maxaayeelay, waxaa na soo gashay neecaaw xorriyad iyo xoogaa rejo ah.

 Fadlan halkan ka akhri: Seygii Saaqidka ahaa

W.Q: Cabdicasiis Maxamad Shidane
Email: [email protected]


Sidoo kale akhri
Qeybtii 1aad
Qeybtii 2aad
Qeybtii 3xaad
Qeybii 4aad
Qeybtii 5 aad
Qeybtii 6 xaad


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.