Thursday, April 18, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Seygii Saaqidka ahaa (Qaybtii 8aad)

W/Q: Cabdicasiis Maxamad Shidane

Tiriboli waxaa igu qabsaday waxyaabo fara badan, sida in aan la qabsan waayay cimiladeeda isgedgeddiska badan, taas oo marna qabow daran ah, marna kuleyl xad dhaafa ah. La qabsi la’aantaasi waxey sababtay, in aan la soo dhaco xanuunno aan horay iskugu ogeyn, sida beer xanuun, kelliyo xanuun, iyo xanuunno u badan kuwa ku dhaca dumarka, sida caabuqa haleela saxaaxa dumarka. Mashaqo waxey ka taaggan tahay sida aan u tagi lahaa cisbitaalka iyo sidaan isku daweyn lahaa, maxaa yeelay, ma heysto sharciga dal-ku-joogista (Iqaamad). Sida caadadu tahay kuna soo barbaaray, waan ka xishoonayey in aan iraahdo xanuunnada qaar waan qabaa, waxaana iigu wacan jahliga aan ku soo dhex koray iyo xishoodka aan xikmadeysneyn ee bulsho ahaan aan ku barbaaray. Adkeysi dheer ka dib, waxaan la soo dhacay xanuun iga haleelay kelliyaha, waana midda sababtay in aan meel cidla ah ku dhaco dharaar cad, ka dib markii aan miir beelay.

LibyaWaxaa la I geeyay cisbitaal, mana aqaan cidda I geysay oo meeshii aan ku dhacay iga qaadday. Mar dambe oo aan soo yara miirsaday, ayaa waxaa la I weydiiyay sharciga aan dalka ku joogo, si loo diiwaangaliyo warbixinta caafimaad ee xaaladdeyda la xariirta. Waxaan u sheegay takhaatiirtii iyo kalkaaliyaashii in aan sharci rasmiya ku laheyn dalka Liibiya, kuna soo galay sifo aan qeynuunka waafaqsaneyn. Halkaas waxaa ka dhashay muran iyo dood la xariirta in aan xaq u leeyahay in la I daweeyo iyo in kale. Mid ka mid ah takhaatiirtii ayaa wuxuu amar ku bixiyey in la iga saaro cisbitaalka, ama loo yeero booliska, si la ii gu wareejiyo, sababtoo ah waxaan ahay qof sharci darro ku joogta dalka, ceymis caafimaadna laheyn. Tan iyo markii dooddu furantay ilaa iyo in ta booliska la igu wareejinayey, waxaa la igu duray dhawr cirbad, waxaana la igu muday Faleenbo nafaqo ah. Waa gurmadka qura ee la ii fidiyay, balse, xaq iyo xeer waan u yeelan waayay in la ii sameeyo baaritaan caafimaad oo dhammeystiran. Ciil la xariira dawladnimada ayaan dareemayay, walow aan waligayba arag waxa ey tahay dawladnimo, maxaayeelay, waxaan ku soo dhex koray bulsho kan itaalka lihi dilo kan ka liita, sharciga qura ee ka dhex shaqeeyana uu yahay shargiga howdka. Ugu danbeyntii, waxaa la ii gacan-galiyey booliska dalka, ka dib markii loo yeeray, loona sheegay in aan ahay soogalooti aan wax sharciya ku joogin dalka. Sidaas ayaan mar kale dib waxaan ugu laabtay xabsi. Waa hadda iyo ciqaab hor allaa!!

Waxaa la I geeyay xabsi ku yaalla deegaan la yiraahdo Khomus, oo aan saa’id uga fogeyn caasimadda Liibiya. Danbigaygu waa in aan sharci ku dhex laheyn Liibiya, halka aan dalkaygii uga soo cararay sabab la xariirta qofnimadeyda iyo qiimaha Insaannimo ee aan leeyahay dumar ahaan oo aan waayay. Xilliga uu ku soo beegmay xanuunkaygu waa xilliga qaboobaha. Waa xilli qof walka ku dhakan yahay aqalkiisa. La iska ma war hayo. Xabsigaan wuxuu uga geddisan yahay kii hore ee aan soo maray, in ay dadka ku xiran qoysas u badnaayeen, ilaalada xabsiguna tixgalin u hayeen wixii qoys ah. Aniga iyo saddex gabdhood oo u dhashay dalka Neyjeeriya, waxaan la kulannay jirdhil iyo canaad la xariira dumarnimadeenna. Aniga gaar ahaan waxaa ii saameynayey wiilasha iyo gabdhaha is qabay ee jaceylka iyo isku duubnaantu ka muuqatay. Mar walba oo aan dhaayaha saaro wiil iyo gabadh isku gu duuban sida ul iyo meeraxdeed, misana isdhunkanaya, ama isdhuuqaya, waxaan soo gocan jiray dhibkii aan ku qabay seygaygii I qabay ee nolasha qadhaadhka iiga dhigay. Inkaar iyo nacalad ayaan dusha kaga tuurayay, mar walba oo aan xasuusto shakhsiyaddiisa. Xabsigaba waxaa ii ga darnaa muuqaalka lammaanayaasha xabsiga ku dhex jira. Hal bil ka dib, waa nala soo daayay, annaga oo wax maxkamad ah na la saarin.

Halkan ka akhri Maqaalka: Seygii Saaqidka ahaa Qeybtii 8aad

La soco qeybta 9-aad.

W/Q; Cabdicasiis Maxamad Shidane
Email: [email protected]

———–
Sidoo kale akhri
Qeybtii 1aad
Qeybtii 2aad
Qeybtii 3xaad
Qeybii 4aad
Qeybtii 5 aad
Qeybtii 6 xaad
Qeybtii 7 aad

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.