Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Seygii Saaqidka ahaa (Qaybtii 9aad)

W/Q: Cabdicasiis Maxamad Shidane

Waxaan sugnaba, waxaa la soo gaaray habeenkii aan badda gali laheyn.Waa habeen aan in badan naawilayay. In aan dhibtii iyo rafaadkii igu haysay Libya aan ka baxo oo iskaga dhoofaa waxay ii ahyd farxad, haseyeeshee khatarta badda ee waxaan la kulmi doono aanan ogeyn inaan u bareeraa waxay dhanka kale igu haysay warwar iyo degennaansho la’aan maskaxeed. Dadka aan israaci rabno waxay wacayeen ehelladoodii iyo ciddii ay rabaan. Taleefoonka ninka Soomaaliga ah ee la shaqaynayay kooxda dadka tahriibisa, ayaa fayl loogu jiray, aniguse waxaan doorbiday in aanan wicin qofna. Hooyaday uma sheegi karo, oo waxaan ka cabsanayay in ey naxdin u dhimato, ninkii i qabayna isaga hadalba nagama dhexeeyo, waxaan filayaa inuu ku farxi lahaa haddaan u sheego dhibta aan ku suganahay iyo safarka halista badan ee aan caawa gelay, sidaas darteed, waxaan go’aansaday in aanan cidna wicin, oo wixii dhib iyo dheef ah ay aniga igu koobnaadaan. Ma aaminsanayn in hadal ama duco ay celin karaan waxa igu dhici doona.

african-migrants_europeJawiga aan ku suganahay waa mid baqdin leh, qof walbaana waa khushuucsan yahay, oo wuxuu baryaa Eebbaha uu aaminsan yahay. Runtii, anigu isku ma hawlin in aan tabar iyo karti weydiisto Eebbe, sababta ay naftaydu uga biya-diidsaneyd ducadaas ma garan karo, mana jacleyn in aan kallifo oo wax aysan dareemeyn ku dirqiyo. Dadku waxay isku gu jireen qeyb masiixiyiin ah oo Ciise baryeysa, iyo qeyb muslimiin ah oo Alle tuugaysa. Qof walba wuxuu gurmad weydiisanayey abuuraha uu markaas rumaysan yahay.

Mar ay ka dhimman tahay saacado kooban in aan badda galno, oo naaquudihii kaxeyn lahaa doonta la soo diyaariyay, ayaa hal mar waxaa noo soo dhacay askar hubaysan. Sawaxan iyo qaylo ayaa isqabsaday, qof walbana wuxuu raadinayay siduu ku baxsan lahaa. Askartu waxay kor iyo hoos u ridayeen xabbado, si ay u qabqabtaan dadka, balse, qof walba wuxuu u cararay meeshii wajigiisa ku aadanayd. Anigu waxaan ka booday darbi dheer, waxaana ka murgacaday lugta midig. Aniga oo dhutinaya oo lugta qaadi la’, ayaa haddana baxsad ahaa. Illin iyo neeftuur ayaan isku darayay, ilaa aan meel cidla ah iskaga dhacay, ka dib markii aan tiira dhigay, oo tabartii iga dhammaatay. Sidaas ayuu ku dhicisoobay safarkii aan muddada dheer sugayanay ee aan badda ku gali lahayn. Si aan u helo gargaar, waxaan kaalmo weydiistay qoys Liibiyaan ah oo meesha aan ku dhacay ka ag dhawaa. Waa mar aan nafta u yaabay, oo aan dareemay saxariirta safarka iyo tiiraanyada Tarhriibka.

Run ahaantii, way i saacideen, waxeyna i siiyeen dheef iyo dhar aan xirto, lugtii an ka murgacadana waa iga xirxireen,  Hal maalin ayaan la joogay, ka bacdina waxey ii soo qaadeen caasimadda, taas oo ah halkii aan ka anba-qaaday markii hore. Isma laheyn waxaa jira dad Liibiyaan ah oo sidaas u naxariis iyo naruuro badan, balse, malahaygu waa khaldanaa. Waxaan soo caga-dhigtay Tiriboli, aniga oo aan shilin isku furan karin. Magaalada raaf ballaaran ayaa ka jira, oo waxaa lagu jiray xilliga bad-furanka la yiraahdo oo tahriibku billaawdo.

Waan yara hitinayey, markaan Daraabulis imaaday, balse, fadhi meel ii ma yaallo, oo waa in aan nolashii legdan la galo, maxaayeelay, nolashu soo ma dhaweyso dadka guuldarrada isku dhiiba. Waxaan dib u billaabay shaqadii aan qaban jiray, oo ahayd in aan ka adeego guryaha qoysaska Carabtu leeyihiin, si aan u helo qarash aan mar kale ku baxo oo aan badda ku galo, haddii kale, waa bartaada taagnaaw iyo Liibiya oo ah dal aan libin iyo liibaan laga keeni karin. Qorshaha waxaa ii gu jirta in bilaha soo socda aan baxo, hase ahaatee, qaddarta Eebbe waa qaddiyad qaadashadeeda mudan. Mar laga joogo in mudda ah oo aan wax xariir ah aanan la sameyn hooyadey, ayaan wacay mar danbe, si aan codkeeda uun u maqlo.

Halkan ka akhri: Seygi Saaqidka ahaa Q 9aad

Cabdicasiis Maxamad Shidane
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.