Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Seygii Saaqidka Ahaa! (Qeybta 1aad)

W/Q: Cabdicasiis Maxamed Shidane

Shidane
Cabdicasiis  Shidane

Aniga oo dhex muquuraya badweynta salalka iyo saadaasha xun, ayuu iga soo wacay teleefoonka. Waa seq dhexe xilligu, dad iyo duunyaba wax dhaqdhaqaaqaya ma jiraan. Sariirtii baldhaca weyneyd ee aan hadba doc ugu galgalanayey ayaan iska dul saaranahay. Hurdo kuma indhakuusho, mana dhadhansado, hilowga iyo harraadka aan u qabo muuqaalkiis awgiis. Teleefoonkii oo dhacaya ayaan meel ii dhaw ka eegayay, aniga oo ka walwalqaba warka xilligaan ka soo yeeri doona. Xibnaha jidhkeyga oo idil wey jaraynayeen, sida qof qabow ba’an dhex fadhiya.

Gacantayda oo gariireysa ayaa waxaan qabtay teleefoonkii. Waxaan taabtay badhankii jawaabta. “Hellow, hellow, naayaa maxaadan iiga qabaneyn Teleefoonka?! Maxaad intaas oo dhan ku maqneyd?! Yaad la jiiftay caawa?! Diin iyo iimaan aad leedahay ma jirto wasakhadyahay” ayuu hadal iyo wacdaal iiga billaabay.

Erayadaas markii ey ku dhaceen maqalkeyga, waxaan dareemay qabow saaqay waaxyaha jidhkeyga oo idil. Sida baraf cadceed la dhigay ayaan u dhalaalay. Ooyin ayaan ku dhuftay. Haa, waan is ka ooyay, waayo waa tabarta qura ee aan kaashan karo, inkastoo ragga intooda badani aaminsan yihiin in ooyinta dumarku ey astaan u tahay beenta iyo dhagarta lagu sheegay.

Meeshii aan ka filanayay in uu naxariis iyo naruuro ii muujiyo, wuxuu sii labajibbaaray canaantiisii, isaga oo igu tilmaamaya in aan Sheydaanka ka dhagar badanahay, illinta iga burqaneysana ey tahay iska yeelyeel iyo dabool aan ku qarinayo falalka gurracan ee uu iiga shakisanyahay.

Wuu iga fog yahay, misana waa qof aad umalaxun. Haa, gogaldhaaf iyo falal xun ayuu igu tilmaami jiray. Waa dhaqan aan waligey maskaxdeyda ku soo dhicin, balse, Eebbe ku ibtileeyay qofkan aan nolasha la wadaago. Kama tagi karo, oo waan jecelahay, isagu sa wuxuu iigu gooddiyaa in uu iga tashan doono, haddii aanan cagaha dhulka dhigin. Waa gartiis, oo wuxuu la liitaa xanuunka shakiga, aniguna aniguna waxaan la liitaa Jacaykiisa, waxaanan goor walba is ku dayaa in aan nabarkaas ku yaalla saygeyga ka dhayo, oo hadalladiisa waxba kama soo qaado, hasa yeeshee ma dareensana dulqaadkeyga.

Erayada iigu foosha xun ee uu ii adeegsado waxaa ka mid ah in aan ahay uun qof ka hagardaamo badan Sheydaanka, hadda waa Sheydaanka dhan ee la sheegay in uu malaayiin qof duufsado daqiiqaddii. Mararka qaar waxaan ku shallaayaa in aanan heysan awoodda sheydaankaas uu i garab dhigo had iyo jeer. Haddaan heysan lahaa, waxaan ku duufsan lahaa qalbigiisa iga sii jeeda, masa awoodo hadda. Waa sidaas oo ey tahay, waxaan agtiisa ka ahay xuddunta sharta iyo fidno ku soo biirtay nolashiisa.

Mar walba oo uu ka soo laabto safarka uu dhawrka bilood ku maqan yahay, wuxuu soo laabtaa isaga oo caradu foolka ka saaran tahay, oo xiiqsan, halka aan aniguna ka sugayay in uu haddiyad, wajifurnaan, iyo wax iga farxiya uu igu qaabilo, hadda waa wax aan qarash iyo qiimo badan ku kaceyn, markii doc kasta laga eego. Argagixii uu igu sameyn jiray markii uu iga maqnaa, ayaa wuxuu isu rogaa ficil iyo cabburin joogto ah. Wuxuu iga reebay waxbarashadii, mana ii ogaleyn in aan bulshada iyo dadka asaagayga ah aan dhex galo.

Jaamacaddii iyo riyadii ii qaadaadhigneyd halkaas ayey ku burburtay. Kolkaan ka caban maagayna waalidkii iyo xigtadeydii waxey igu canaanteen in aan seygeyga adeeco, reerkaygana dhaqdo. Reerkee?! Ma waxaan nolasheyda u huraa nin markii uu iga maqan yahay iga shakinaya, markii uu ila joogana cabsi iyo caro ii muujinaya?! Nolashii ayaan karaaheystay, meel aan u baxo iyo cid aan u xogsheegtana ma aqaan, oo bulshadu waa ku xukminaysaa, waxeyna kaa soo qaadayaan afo af-dheer, oo ey ugu yeeraan erayga loo yaqaan “makhaalifo” iyo erayo badan oo ka tarjumaya dhaqan bulsheedka ku dhisan fahanka ninka iyo quursiga dumarka.

Seygaygu ma daneeyo koolkoolinta iyo gacaltooyada, waxa ugu muhiimsan waa in uu igu guto baahidiisa galmo, xilli kasta oo uu u baahdo sidii addoon guriga u joogta, iyo hawlihiisa ganacsi ee sii bullaalaya. Wax in ey iga maqanyihiin ma dareensano, waayo, wuxuu i dhex geeyay aqal weyn oo cammiran, balse, ma heysto qalbi sidaa u ballaaran oo naxariis ku cammiran. Waxaan isku dayay oo aan xooggeyga is kugu geeyay, in uu ii ogalaado sii wadidda waxbarashadeyda, iyo in aan ka miradhaliyo yoolkayga, hasayeeshee, mar alla iyo markii aan ku soo hadalqaado arrinkaas, gurigu waa isla shanqari jiray, wuxuuna gar ka dhigan jiray hadallada ay ka midka yihiin “waxa aad wax u baraneyso waa ninkaaga iyo gurigaaga, ma ahan in aad xafiis ka shaqayso, oo aad niman iyo naago fadara ah dhex booddo. Maxaa kaa maqan, soo lacag iyo guri qurxoon kuma dhex keenin?!”. Waad kibirsatahay, nimcaad ku jirtaaye nimcada ha iska kala tuurin iyo wax la mid ah.

Aqoonta aan rabo ma ahan in aan kaliya ka shaqeeyo xafiis, ee waa in aan naftayda dhiso, oo aan ruuxdeydu waxa ay dooneyso u sameeyo, waxaanan rabaa in aan halabuurkayga tabco, in aan buuggaagta akhristo, in aan wax soosaar maskaxeed yeesho, intaas oo dhan wuxuu u arkay caqabad iyo cadaadis aan la doonayo isaga, iyo amardiiddo u saamaxeysa in uu ii adeegsado erayo qallafsan iyo gacanqaad, ilaa aan ka noqdo xaas rabbaayad ah.

Dhawr bilood markii uu ila joogo, wuxuu ku laabtaa Imaaraatka, si uu u kala dabbaro ganacsigiisa baaxadda ballaaran, anigana waxaa ii billaabanta taleefoon joogta ah, erayo xanaf leh, shaki xaqiiq ku fadhiyin, iyo aflagaaddo. Si uu dhaqdhaqaaqeyga ula socdo, wuxuu ila soo dajiyey walaashiis oo ah gabar igu da’ ah, waxna ka barata jaamacad ka mid ah kuwa dalka ugu qaalisan, uguna tayada roon.

Walaashiis waa qof Alle xaalkeeda og yahay. Basaasnimo iyo raadraac ayey igu heysay, ilaa ay gaartay heer ay ka beensheegto nolasheyda khaaska ah. Si aan uga baxo diiqadda, ciriiriga iyo gudcurkan aan dhex fadhiyo, waxaan is ku dayay in aan hooyadey wax ka dhaadhiciyo, balse, nasiib xumo, hooyo waxey mar walba ii gu warcelin jirtay, “ma doonaayo in la i dhaho gabadhii hadda laga guursaday ayaa la soo furay, iyo gabadh makhaalifa ah ayaa guriga u dhex joogta, ee gabadhyahay reerkaaga dhaqo.”

Dhaqanka aan ku dhisneyn garashada iyo hinnaasaha waalida ee ninkayga asiibay ayaa nolasheyda waxey u rogtay Jaxiimo iyo god-naareed oo aan ku dhex suganahay. Waxaa iga dhumay dhadhankii nolosha iyo farxaddii guurka. Mararka qaar waxaan gaaraa heer aan nolosha noocan ah ka doorbido dhimashada oo ma is dishaa ayaan is iraahdaa.

La soco qaybta 2aad.

W/Q: Cabdicasiis Maxamed Shidane
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.