Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Seygii Saaqidka Ahaa! (Qeybtii 5-aad)

W/Q Cabdicasiis Maxamad Shidane 

Shidane
Cabdicasiis Shidane

Markii la soo gaaray xilligii aan safarka ugu ambabixi lahaa dalka Suudaan, waxaa ila soo daristay baqdin iyo walbahaar horleh. Baabuurka na qaadayaa wuxuu baxayaa saq dhaxe. Waxaa nalagu aruuriyay guri mugdi ah, waana meesha aan ka soo dhaqaajinnay. Waxaan ka koobneyn toddobo iyo tobban qof. Shan dumara iyo tobban iyo labo rag ah, oo ay ku jiraan seddax nin oo ah kuwii na tahriibinayay. Baabuurka aan raacnay ma ahayn mid ku filan in uu dadkaas oo dhan wada qaado haseyeeshee qasab iyo jajuub ayaa nalagu saaray. Ciriiriga, kulka iyo shiirka ka soo burqanaya dadka baabuurka saaran wuxuu i xasuusiyay rafaadka iyo dhibka tirada badan ee nagu soo fool leh.

sheekogaaban1Markii ay nala wareegeen kooxaha wax tahriibiya, ayaa noogu danbaysay qubeys iyo nolal nafis leh. Xawaaraha uu ku socdo baabuurkuna waxay caddeyn u tahay halista aan dhex dabbaalanayno iyo Malakul-mawdka aan la fara ka ciyaareyno. Haa, waa halis weyn oo noo wada muuqatay, haddana in aan wajahno halistaas waan ku qasbannahay. Qof walba daruuf hooy iyo harsad u diidday ayaa luqunta ugu jirta. Waana midda nagu riixaysa in aan galno safar saxariir iyo surmi badan oo aannaan hubin waxa uu xaalkayagu ku dambayn doono.

Mar aan sii soconno ku dhawaaw habeen iyo maalin, ayaa baabuurkii cillad yar oo xagga matoorka ah haleeshay. Waxay dantu nagu kalliftay in aan ka degno baabuurka, si loo sameeyo. Hurdo ayaan la wada dhacnay, daalka iyo rafaadka na haya awgiis. Qof walba adkaysiga iyo tabarta Eebbe ugu deeqay ayuu maalayay. Waxaa dhacay wixi aan ka cabsi qabay, tan iyo markii uu safarkani igu dhashay. Waxaan ku soo baraarugay qaylada qof dumar ah. Mid ka mid ah kuwii tahriibinta u xilsaarnaay, ayaa wuxuu qasab ku kaxeystay mid ka mid ah gabdhihii aan wada soconnay, si uu u kufsado. Gabadhii qayladhaan ayay ku dhufatay, balse, waxaa loogu baddelay dharbaaxsho iyo in bistoolad madaxa looga garaacay. Afarteennii kale waxaan isku darnay baroor iyo booyin. Gabadha meel dhawr mitir noo jirta ayuu ku kufsanayay ninku, halkaas ayey ba’ayeyda iyo hoogayga is ku dartay. Gabadh i ag fadhisay waaba ay suuxday, argagax ay ka qaadday sida wax u dhacayaan awgiis. Wiilashii nala socdayna waa wada aamusan yihiin, oo mid far nuuxin kara kuma jiro. Qof kasta naftiisa iyo lafihiisa ayuu u baqanayay. Dhawr iyo labaatan daqiiqo ka dib, waxaa igu soo ag dhacday gabadhii oo anfariir iyo argagax ka muuqdo, oo aan miyirba lahayn. Qaarka danbe ee jidhkeeda ma qaadi karin, dhiig fara badanna uu ka da’ayo cajidhadeeda.Taaheeda uun ayaan maqlayay.

Waxaa jidhkayga dhammaan saaqday cabsi iyo jidhidhico. Garaaca wadnahayga waxaad moodaysay in durbaan laga dhex tumayo, taas oo aan islahaa dadkoo dhan ayaaba maqlaya. Waxaan isweydiinayay  “taloow gabadhee ku xigi doonta?!”. Aniga mise…? Waxaan toos u maqlayay wada hadalka dhex marayay midka wax kufsaday iyo labadii kale ee saaxiibbadiis ahaa. Wuu ku faraxsanaa falka bahalnimada ah ee uu ku kacay. Af Carabi ayey ku wada hadlayeen. Waxaan qiyaasayay in ay Suudaan yihiin, balse, ma hubo haybtooda dhabta. Hurdo waan kala caagnay, waxaanan galay fikir. Fikir aan kala go’o lahayn. Waxaan dib u mar kale u xasuustay Seygaygii Saaqidka ahaa iyo dhaqan xumidii uu igula kici jiray. Kufsigii sharciyaysnaa iyo dhibkii aan garawshiiyaha lahayn! Waa muuqaallo aan maskadayda marnaba ka go’i karin. Sidaas ayuu waagii noogu baryay, waxayna noo sheegeen in berri la baxayo, qofkii hadal laga maqlana la dilayo. Inta ay hadalkaas noo sheegayeen, ulayn iyo harraati ayay ku wadeen dhallinyaradii nala saarneyd baabuurka. Cuntadu waa gabaabsi, biyuhuna waa sii yaraanayaan.Waxaan se niyadda ku dhisaneynay in aan gali rabno Suudaan, gaar ahaan meesha hadda loo yaqaan “Suudaanta Koonfureed”.

Waa waddan dagaallo sokeeye halakeeyeen oo dadka oo dhammi hubaysan yihiin, wax walbana laga filan karo. Markii aan u soo dhawaannay magaalada Juba, oo ah caasimadda Suudaanta Koonfureed, ayay nagu amreen in aan ka wada degno baabuurka. Qaarkeen qoorqabad ayaaba loo ga soo dajiyey baabuurka.Waxay nagu wargaliyeen in aan ku lugayno waddo yar oo noo muuqatay, taas oo na geynaysa magaalo markaas aan sheedda ka arkaynay. Iyagu ma doonayaan in la arko, maxaa yeelay, waa shabakad ka shaqeysata tahriibinta dadka iyo ka ganacsiga daroogada.

Halkan ka akhri: Saygii Saaqidka Ahaa!

La soco qaybta 6aad

W.Q. Cabdicasiis Maxamad Shidane
Email: [email protected]

Sidoo kale akhri

Qaybtii 1aad
Qaybtii 2aad
Qaybtii 3xaad
Qaybii 4aad

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.