Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Seygii Saaqidka Ahaa! (Qeybtii 6-aad)

W.Q. Cabdicasiis Maxamad Shidane

Shidane
Cabdicasiis Shidane

Markii ay I daashatay shaqo la’aantu, Kharduumna ay irridaha shaqada iga laabatay, ayaa waxaan soo gucday hilowgii hooyo Ceynabo iyo saaxiibtey Xulbado. Tan iyo in muddo ah xasuustooda waan is moogeysiinayay, maxaa yeelay, waxaan ogahay in xaaladdeyda murugsan aysan waxba ka qaban karin, walbahaar iyo kurbo hor leh in ay ku soo kordhiso mooyaane. Haseyeeshee intaa in ka badan way igu adagtahay in aan is moogaysiiyo hooyo macaan oo aan marwalba dareemayo codkeedii naxariista lahaa oo dhagahayga ku soo dhacaya.

hooyo_wdnKarti iyo tabar aan igu jirin ayaan iska raadiyay, si aan u waco hooyo, oo ah qof dhib ka soo martay korriimadeyda, una ahay ubadka qura ee ifka u jooga. Waxaan wacay goor aroor ah hooyo Ceynabo, kolkii ay codkeyga maqashay ayay ooyin la dhacday, waayo nolal iyo geeri midna iguma ogeyn, tan iyo markii aan ka soo cararay Muqdisho. Ka dib, markii aan isweydaarsannay dareenka illinta iyo hilowga xambaarsan, hooyo waxey ii sheegtay in seygaygii uu adduunyo isku qasay, oo wali uu dacwad iyo eed la daba taaggan yahay. Waxa uu gar qaab daran u dhigtay abtiyaal, taas oo uu igu eedeeyay in aan dahab ka xaday, oo aan hanti badan ka lunsaday, dahab kaasna uu ahaa ra’samaalkiisii dhammaa. Waxaa intaas u dheer fadeexadda iyo sumcad dilka  uu suuqa u galiyay hooyaday, oo ah qof aan iyadu waligeed soo faragashan qoyskayga marwalbana igu waanin jirtay in aan reerkayga dhaqdo oo aan raaliya u noqdo saygayga.

Waxaa naxdin iyo qarracan igu sii abuuray markii ay hooyo ii sheegtay in gartii      uu ku guuleystay seygayga, laguna soo gunaanaday in laba arrin midkood reerkayaga laga helo, kuwaas oo kala ahaa in reerkaygu gabadhii soo xero galiyaan, oo reerkeeda ay dhaqato, sida dhaqanka iyo caadadu tahay, ama in ay gudaan dahabkii ay xadday, maadaama xoolo rageed ahaa dahabku. Labada arrin midkoodna uma fududo qoyskayga. Waa midda koobaade, aniga waa wax aan marnaba iga suuroobeyn in aan dib ugu laabto aqalkii quursiga, bahdilka, iyo addoonsigu hareeyay si aan afo ugu noqdo mar kale seygii bahalka ahaa. Waa midda labaade, hooyadey iyo abtiyaashey ma ahan dad haysta hanti iyo dhaqaale u suurta galin kara bixinta dahabka been abuurka ah ee gabadhooda lagu sheeganayo. Fiicnaan lahaydaa in aan xado dahabkaas uu sheeganayo seygaygu, maxaa yeelay, waxaan heli lahaa lacag aan meeshii aan rabo ku tagi karo kagana raysan lahaa booyaysanimada iyo rafaadka aan ku jiro, waxaas oo war-xumo iyo fadeexad ahna ima dhibteen illeen waa wax aan u bareeraye.

Saaxiibtey Xulbado ayaan iyana wacay, maalin kale, si aan ugu yaraan u guto xiriirka saaxiibtinimo, una muujiyo abaalka taageeradii ay ii fidisay oo ah waxaan qalbigayga ka go’ayn. Qudheedu waxay ii sheegtay arrin kale oo naxdinteeda leh, kuna saabsan wiilkii Guray ee Kenya igu caawiyey iyo dhibkii uu kala kulmay ahelladii seygayga oo u dhigtay gar aan garasho iyo xikmad ku dhisneyn, laguna eedeeyay in uu yahay nin guursaday naag la qabo, in muddo ahna guri ku haystay, taasoo ah wax aan qaban oo uusan lug ku lahayn habayaraatee. Xulbado waxaa kaloo ay ii sheegtay in Gurey ay is ku gacan-qaadeen seygayga, mar uu si xun u aflagaadeeyay, ilaa xabsi la dhigay, ka dib, markii qaab musuqmaasuqa loogu adeegsaday booliska Kenyaatiga.

Dhawr habeen il iskuma geynin, ka dib markii aan wacay hooyo iyo saaxiibtay. Waxaa ii daarmayay oo aan dib u xasuusanayay muuqaalladii iyo qaabkii naxariista darraa ee uu seygaygu iila dhaqmi jiray, iyo sida ay hooyaday oo ah qof is ka afgaaban u saamaysay dhibaatadaydu.  Si kastoo murugo iyo werwer badani u saaqday naftayda, haddana waxaan xoogga saaray in aanan is ku arkin qof fashilmay oo hamigeedii hog madaw ku dhacay, walow magaalada Kharduum iyo nolosheedu igu adkaatay. Shaqo la’aan iyo dad war iyo qabiil uun u heellan ayaan kala kulmay. Way ii cuntami weysay in aan ku sii jiro xaaladahaas isdiiddan. Xalka qura ee i horyaal waa in aan iskaga huleelo Suudaan, una dhaqaaqo dhinaca tubta tahriibka lamadagaanka (Saxaaraha) u dhaxeeya Suudaan iyo Liibiya.

Halkan ka akhri: Seygii-saaqidka ahaa

W.Q. Cabdicasiis Maxamad Shidane
Email: [email protected]

—–

Sidoo kale akhri
Qeybtii 1aad
Qeybtii 2aad
Qeybtii 3xaad
Qeybii 4aad
Qeybtii 5 aad


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.