Thursday, April 18, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Warar

Shaacinta jagooyinka bannaan ee Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka

Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka

Gudigga oo fulinaya waajibaadka loo igmaday sida uu qeexayo sharciga Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka ee la meel mariyey 2016kii. Gudiggu wuxuu dabagal baaritaanno, cilmi baaris iyo talo bixin ku samaynayaa arrimaha Xuquuqul Insaanka, waxaanu soo saarayaa oo uu xukumayaa shaqsiyaadka loo geysta gaboodfallada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha. Hay’adani waxay soo bandhigaysaa, horumarinaysaa, dabogalaysaa isla markaana difaacaysaa tix gelinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya. Hadafku waa in qaaraan lagu darsado bulshada Soomaaliyeed sidii loogu dammaanad qaadi lahaa qof kasta oo ka mid ah xuquuqdiisa aadaminimo xuduudka Soomaaliya gudaheeda, iyo sidii loo hubin lahaa in dadka Soomaaliyeed aan la liiddin, takoor lagu sameyn naceybna aan la tusin haddii ay u baahdaan inay nafohooga horumariyaan. Xubnaha guddiga masuuliyaddooda waa inay hubiyaan oo ay dabogalaan inay si habsami leh u socoto shaqadii loo igmaday ee uu u diray gudoomiyaha guddigu. Shaqada guddigu waxay ku dhisan tahay iskaashi, waana masuuliyadooda qaabka ay u tayeynayaan ama ay u horumarinayaan hirgelinta waajibaadka sharci ee loo igmaday.

Warbixinta oo kooban

Dhismaha Hay’adda Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka (GMBXI) ee Soomaaliya waxay ka mid tahay waxyaabaha mudnaanta uu siiyay Dastuurka KMG ka ah waxayna ku qeexan tahay Qodobka 135 (2) (c). Sidoo kale, dastuurku wuxuu ku caddeynayaa Qodobka 41(1) in; “Baarlamaanka Federaalka ah uu dhiso Guddi Xuquuqda Aadanaha u qaybsan oo ka madax bannaan maamulka Dawladda, lehna ilo dhaqaale oo uu si habsami leh ugu fuliyo hawlihiisa”. Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanku waxay noqonayaan kuwo si dastuuri ah u haysta waajibaad sharci oo ay ku difaacaan korna ugu qaadaan xuquuqul insaanka. Waxay guddigani noqonaysaa xeer beegti si loo difaaco xuquuqul insaanka Soomaaliya. Talooyinkii ku qornaa Dib u eegidda Caalamiga ah ee 2012kii iyo 2016kii, oo ay Soomaaliya ku soo bandhigtay ballanqaadyo, ayaa sidoo kale dhowr jeer hoosta ka xarriiqday baahida loo qabo in la dhiso GMBXI1. Laga soo billaabo Bishii September 2012ka, waxaa si joogto ah loo ballan qaadayay dhismaha GMBXI si waafaqsan sharciga.

Guddiga Ku Meel Gaarka ah ee Soo Xulidda

Hawsha ugu weyn ee Guddiga KMG ee soo xulidda, oo ay soo magacaabeen hay’ado kala duwan sida ku cad Qodobka 15 (i) ilaa (vii), iyadoo lala kaashanayo Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, ayaa waxay xuli doonaan xubnaha gudiddan sida ku xusan Qodobka 8aad ee Hindise Sharciyeedka Dhisidda Guddiga Xuuqul Insaanka. Wasaaradda oo la tashanaysa maamul goboleedyada ayaa waxay magacaabaysaa 19ka xubnood oo sumcad sare leh isla markaana ballan adag ku qaada inay ka qeyb qaataan hababka guddiga.

Halkan ka akhri shaacinta oo dhameystiran

WardheerNews

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.