Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Sheekh Mukhtaar Roobow oo Muqdisho ku qabtay shir Jaraa’id

Muqdisho ( WDN)-  Waxaa maanta shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, oo maalmo ka hor isku dhiibay dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur

Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa hogaamiyayaasha sarsare ee ururka Al shabaab, ayaa shirkaasi Jaraa’id kaga hadlay arima dhowr ah oo ay ugu horeysay in uu ka baxay ururka Al Shabaab muddo ka badan  5 sanno ka hor. Mukhtaar Roobow ayaa sheegay, inkasta oo aanu faahfaahin in ka bixitaanaka Al Shabaab ay keentay kale gidisnaan dhinaca fikirka ku qotoma.

Waxa uu sidoo kale sheegay mar uu ka hadlayay ka soo laabashadiisii Al Shabaab in aysan ka shaqeyneyn danta shacabka iyo mida wadanka. Waxa uuna ku edeeyay Al Shabaab in ay hareer mareen nidaamkii lagu hishiiyay markii hore.

Waxa uu Abu Mansuur u mahad celiya Beesha Caalamka, Dowladda Federaalka iyo Taliska Sirdoonka Dowlada oo uu ammaan ballaaran u jeediyay.

Goobta uu Shirka Jaraa’id ku qabtay Mukhtaar Roobow ayaa lagu xardhay Calanka Buluugga ah ee Jumhuuriyada DF-ka iyadoona ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

Wixii ku soo kordha warar keena danbe kula socdo insha Alaah

Maxamed Nuur Amiin

Wardheernews Muqdisho.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.