Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Sheeko Taxane ah: Khasaaro Qeyb, Q1-aad

W/Q Xirsi Jaamac Gaani

Waa magaalo fac weyn, waa saban jiilaal adag jiro, magaaladda waxaa isugu yimid dad soomaaliyeed oo kasoo kala jeeda deegaano kala duwan. Maxaa xoolaley soo cayrtowday ah, maxaa beeraleey roob la’aan inta heshay aan dalag beeranin, haddana bukaarihii suus ka galay oo fara maran ah iyo waliba qaar kale oo dhinacyadda magaaladda uga soo kala aroora.

Waxaa laga dareemay magaaladda inay jiraan dacdarooyin badan oo nolashooda saamayn ku yeeshay, tayo la’aan dhinaca waxbarashadda ah, dhanka Qur’aanka haba u badnaatee, wax garadkii ayaa isla tilmaamay, gorfeeyeyna baahidda loo qabo waxbarasho lagu soo hiran karo. Goor lays wargashaday, loona balamay in arinkaas guurti loo saaro ayaa mar qura waxaa laga war helay laba wadaad oo furtay dugsi(malcaamad). Labada wadaad waa kala gu’ weyn yihiin, waxayna kasoo kala jeedaan laba degaan oo kala duwan, kan weyn waa nin qoys xoolaley ah kasoo jeeda oo geelooddii ay beel ay ood wadaag yihiin, dhalashana isugu xigaan, kal hore qaadeen(dhacaan), lagana fara madoobeeyey dhaxal wuxuu ab iyo isir kasoo gaaray, wuxuu guradambays u ahaa reer magac iyo maamuus ku leh deegaanka uu ku dhashay.

Qoyskiisu waxay soo galeen magaaladda asagoo yar laakiin marna kama lumin dhaqankii degaankooda, wuxuu mar walba la sheekaysan jiray socotada ka timaadda deegaankoodii, magaciisu waa Samatar.

Macalinka yar waa nin qoys beeraley ah kasoo jeeda, waan nin weynaan kusoo galay magaaladda la joogo; hase yeeshee ilbaxnimadda beelaydu ku dheehantahay dad dhaqankiisa, ninkaan Aweys baa lagu magacaabaa. Labadda macalin waxaa wax soo baray isku macalin waqti bayse is moogaayeen, oo midba dhinac magaaladda ka galay.

Macalimiintu waa niman dugsiyo badan soo kiciyey oo inay Qur’aanka yaqaanaan ku darsaday khibrad wax barineed iyo aflixinta ardayda. Markiiba waxaa laga dareemay magaaladdii oo waxaa isu sheegay waalidiintii ilmahooda la doonayey inay Qur’aanka bartaan.

Waxaa aad isu waydiiyey macalimiintii dugsiyada kale hayey oo tolow maxay nimankaan sameeyeen oo waxaan oo indho ah u soo jiiteen. Waxaa soo buux dhaafay dugsigoodii ay wax ku dhigi jireen. Ardadii cusbayd waxay geliyeen liiska sugidda, waalidiintii waxay kusoo noqnoqdaanba waxay mid mid u qoreen ardaydii liiska sugidda ku jirtay.

Walise fari kama qodna oo waa la sugayaa, oo arday cusub baaba timid. Waxaa aflaxay arday badan, qaar kabiiro ayey noqdeen, kuwana dugsiyo ayeyba furteen. Samatar durba waa guursaday, guri dugsiga daris la’ ah ayuu ijaartay.

Aweys laftiisu dayrtaan waa guurdoon oo wadaddii saaxiibkiis ayuu hayaa, oo la tashiyo ayuu samaynayaa.

Mar xaaladda sidaas tahay, ayaa nicmo lama hayn karee waxaa la gaaray xiligii, tolow waa xiligee?

Waxaa is qoonsaday labadii macalin oo is indho buuxin waayey, hore uma timaadid iyo horaad adba u baxdaa baa dhex martay.

Jeesadii (tabaashiir) iyo kutubtii maalin dhaweyd mucaawinada ay inoo keentay daladda dugsiyaddu, qaybtaydii adigaa qaatey. Waad iga gar daraanaysaa iyo adaa iga gardaraysanaya baa laysla gaarey.

Maalmo hadii la kala aamusnaa Samatar ayaa hadalkii bilaabay oo yiri:

Wallee sidaan laguma wada joogo.

Aweys: aniga laftayda ilama ahan in lagu wada joogayo.

Mar kale iyo maalin dambe ayaa hadana laysa soo hor fariistay, Samatar ayaa maantana warka bilaabay oo yiri:

Maalintii dhawayd waad i daan daansatay ee maanta iga war gur saaxiib,

Aweys: Haye soo daa saaxiib, warkaaga waa la filayaye

Samatar: Ardaygii Cali ee aan shalay u duubay maxaad nacnaca u siisay markuu ooyey, waananba ogaa dagaal kaa gee maad sidii ragga u dagaalantid.

Ma’aniga ayaan sidii raga u dagaalamin waad arki doontaa waxaan kugu dhigo, walee cunug badan nacnac waan kaasiiyaa, ayuu ku jawaab celiyey, asagoo wajigiisa ay caro iyo dhoola cadays isku dheehan ka muuqdaan.

Arintii way sii karaar qaadatay, dugsigii waa laga dareemay, ardaydii hoostay iska qandhuufteen, oo isu sheegeen in labada macalin arintoodu xiira xiira tahay oo aanay sidii hore ahayn.

Ardadu kala fariidsane midba si ayey ula muuqatay inuu uga faa’iidaysto xurgufta laba macalin dhex taal, mid googoys noqda, mid dhican isu dadba, mid khadda kuwa kale ka baada, mid casharo kale ka soo baxa iyo kuwa kale oo badan.

Hadana la kala dhiiran Muuse oo ah arday ardayda ka mid ah ayey la fool xumaatay utunta dhextaal labadiisa macalin wuxuu goostay inuu isu soo jiido oo dhex galo,

Hayeeshee intuusan, afka u kala furin ayuu Caamir oo saaxiibkiis ah oo uu ku kalsoonaa, sheeko wadaagna ay ahaayeen u sheegay wuxuu damacsan yahay oo yiri Caamirow waxaan ku moodayey inaad iga wax garadsan tahay, laakiin waan ku ogaaday inaadan waxba la joogin, Caamir: oo maxaa dhacay, Muuse: soo ma ogid in macalimiintu aysan isku fiicnayn, Caamir anigu waa ogahay waanan ka faa’iidaystay oo khamiista ayaan horay u baxaa si aan kubad ku ciyaaro, mar marna maba imaado dugsiga, sidaa si le’egna ulaha waxaan u dirsadaa mid yar oo aan sahansaday.

Muuse saaxiibow sidaas waa taloxumo ee aan dhex galo macaliinta, Caamir waan kula qaataye, ee side u gala howsha. Muuse: aan Shiikh Cabdulahiga khamiista muxaadaradda jeediya u warano marka hore.

Caamir: howraarsan, Khamiistii ayaa la gaaray, waa maalin jawigu dagan yahay, waa goor galab ah, cirka wax caad ah kama muuqdo, waase la dhowrayaa. Har galbeedka ayaa la fadhiyaa, Shiikhii waa yimid oo casharkii jeediyey, maanta cinwaanka waa “Iscafinta iyo fadligeeda”.

Labadii macalin midba gidaar(darbi), ayuu madaxa saaray, waa rag yaqaan waxa laga hadlayo, hadana og waxay ku jiraan.

Hadii muxaadaraddii soo gabagabowday, labadii wiil way sii baxeen, intii shiikhu salaamaha ku mashquulsanaa, waxay iska dhigeen, inay guryahoodii aadayaan, laakiin waxay shiikhii ku sugeen waddada, waa uu soo gaaray, salaan ka dib, Muuse oo ahaa ardaygii fikradda lahaa ayaa soo jeediyey arinkii oo yiri Shiikh arin baan rabnay inaan kuu sheegno.

Haye, wiilashaydii khayr sheega, waxay uga warameen dareenka iyo kalsooni xumida baahsan ee dhex taal labada macalin iyo sida ay waliba u saamaysay jawiga dugsiga iyo waliba mugdiga hareeyey ee ku xeeran. Shiikhii wiilashii wuu ku farxay wuuna kaxaystay oo cabitaan siiyey kana war guray, hadii ay warkii siiyeen wuxuu go’aansaday inuu odayaal u doonto oo uusan ku fududaan muhiimaddeedana siiyo.

La soco qaybaha kale.

Xirsi Jaamac Gaani
Email: h[email protected]

———-

Md. Xirsi waa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee  Dowlad Goboleedka Jubbaland


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.