Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Sheeko Taxane ah: Khasaaro Qeyb, Q-2aad

W/Q Xirsi Jaamac Gaani

Axmadoow gar waa loo islaam, goor iyo ayaane.
Gar cadaa haddii loo xushiyo, odayo gowriira.
Intaan geedka weyn loola kicin, yaa gibin la xaartaaye
Waa laga gun gaaraa mar uun, garay u liicdaaba.
mid uun bayna gabi kala dhacdaa, laba geesoode
Mana gorfeeyo xaajadda, nimaan geli aqoonayne

                                    Saaxiibkay Wasiir Axmed  (Sitiin) ayaan ku hal qabsaday

Fajac iyo amakaag baa alle u keenay Shiikh Cabdulaahi, wuxuuse isku qanciyey inay arintaani mudatay, aysana ku haboonayn waxa caruurta ardayda ah garteen inuu garan waayo ama ka idha qarsaddo.

Maasha Soomaali tiri Geel ninkii la joogaa lagu dhex dilaa” ayuu si ku qanciyey. Wuxuu bilaabay inuu u kuurgalo inta uu khilaafka labadda wadaad gaarsiisan yahay. Khamiistii uu casharka bixin jiray lama sugine wuxuu dugsigii soo abaaray maalin Sabti ah. Wuxuu soo lixaadsadaba, markuu soo galay wuxuu albaabka kula kulmay macalin Samatar, nabad iyo nabad baa la is yiri.

Waxaa hadalkii bilaabay Samatar oo aan markaa garan sababta shiikh Cabdulaahi maanta, oo aan ahayn maalintii uu imaan jiray u soo bariidiyey, oo waliba u soo jarmaaday. Wuxuu waydiiyey shiikh Cabdulaahi “kheyr sheeg, maanta waad soo dheeraataye”. Shiikh Cabdulaahi waa nabad iyo warsan. Shiikhu ma rabo in la ogaado sababta uu maanta halkaan u joogo, wuxuu dhowr isleeyahay qalbiyadda labada macalin, oo inay ka naxaan ma uu doonayo. Alla maxay kala fog yihiin!!, siduu u fakarayo iyo meesha xaal marayo. Wuu xeeladaystay, oo ugu jawaabay mayee meel aan duruus ka bixin jiray baa xirayd, markaas ayaan is iri maanta bal saaxiibadaa lugta soo mari, oo xoogaa lasoo joog. Macalin Samatar malaa’igi haku soo booqato. Shiikhii inta hoosta ka qoslay ayuu iskula sheekaystay booqashadee!!.

Macalin Samatar, shiikh ina keen aan xafiiska ku geeyee, shaahna waan inoo dalbaye.

Shiikh Cabdulaahi: howraarsan macalin.

Xafiiskii ayaa la tagay, shiikh Cabdulaahi: oo mee macalin Aweysna?.
Macalin Samatar: Ma aqaan oo siduu doonuu u dhaqmaa.

Shiikhii ur baa u baxday, dabadeedna wuxuu ku bilaabay su’aalo.

Shiikh Cabdulaahi: oo miyeydaan isla socon, midba midka kale.

Macalin Samatar: Shiikhow Soomaali baa awal horey u tiri “Abeesana dhul u ekaan bay kugu dishaa, wadaadna dad u eki“.

Shiikhii wuu dhoola cadeeyey, walise ma rabo inuu muujiyo inuu wax ogyahay. Haye macalin maxaad ka wadaa maahmaah daas waa igu cusub tahaye.

Macalin Samatar: ninkaan saaxiibkay ah waan heshiin kari la’nahay, arin tayadu waxaan u malaynayaa in aysan abdo(rajo) lahayn. Ayadoo warkii uu macalin Samatar hayo ayaa waxaa albaabka kasoo galay Aweys, waa la aamusay, Aweys waa nin feejigan ama dareen badan oo markiiba wuu dareemay dhowr erayna waa kusoo duul-duuleen markuu soo galayey.

Asagoo wajiga kuduudaya, hadana shiikha ixtiraamaya ayuu salaamay, oo yiri “Asalaamu caleykum”.

“Wacaleykum asalaam” shiikh Cabdulaahi baa ku jawaabay, warama macalin Aweys. Aweys waan nabad iyo warsan.

Sheekaddii waa is xirtay ilaa daqiiqad. Intaan cidi hadlin, shiikhuna si uu yeelo garan la’yahay, ayaa mar qura. Masjidka oo aan sidaa uga fogeyn laga adimay, “ayaan wanaageyga” ayuu ku hadaaqay Shiikh Cabdulaahi asagoon is ogayn, oo hadana is gartay oo yiri “labadiinoon isla kiin waayey, ayaan maanta isla kiin helay”. Weli wuxuu rabaa inuu war dheeri ah raadiyo. Shiikhu waa rug cadaa, khibrad iyo waaya aragnimo u leh sida garta, geedka hortiis loo soo dhaweeyo. wuuna arkaa meesha wax marayaan. Weysuu miciin biday, intuu weysey sanayey wuxuu maskaxdiisa ku rog-rogaya siduu yeeli lahaa, nasiib wanaagse waxaa yeeray aqimaaddii salaadii duhur. Inakacsha iyo inakacsha.

Intii salaada loo sii socday ayaa la kaftamay: shiikh Cabdulaahi oo yool baar ah baa yiri “oo dugsiga maxaad u balaarin weydeen, oo waa lagu diirsadaye kuwo kale u furi weydeen”.  Asaga waa ka moolin iyo in la neefsaddo.

Aweys ayaa soo booday oo yiri balaarin ha jootee armaaba lagu kala tagaa”.

Samatar baa yiri yaa nasiibkaas leh”. Oo uu ula jeedo in lagu kala tago. Shiikh Cabdulaahi waa u cadaatay meesha wax marayaan, wuxuuse ku soo gaabsaday kolay tol loo waayi maayo”. Masjidkii baa la galay ayadoo nin walba xaalku ku adag yahay.

Haddii la tukaday, labaddii macalin midba ilin ayuu ka booday, laba suryana waa ka sii baxay, waxaa laga kala dhuumanayaa weji gabaxa meesha yaal, mana aysan xiise gelin in sheekaddii la sii wado. Shiikh wuxuu arinkii ka qaatay qiyaas fiican, wuxuu yimid xafiiskii oo xiran lagana kala qado doontay, nimankii waa xasuusan waayeen ninkii la socday inay sugaan. “War armaad uga sii dartay”. ayuu si kula sheekaystay shiikhii.

Shiikh Cabdulaahi arinkii wuu la guryo noqday, waana ku saamaleylay, bal in wado ama uri u baxdo wuxuuse ka badib waayey inuu bareero oo nimanka isugu yeero, odayaalna la kaashaddo.

Shiikh waa nin xaasas badan, wuxuu go’aansaday inuu min-yaradda gurigeeda qado ku sameeyo. Arinkii ayuu u sheegay, Ruqiyo waa marwo dhaqanku ku weyn yahay, waa mar curad, sanad qura xaas ah, dangalooyin kale oo ay il qooreedka isaga dhowraysana lala qabo. Lafteedu waa ina shiikh, oo guri culimay kasoo jeedaa. Waxaana xigsiisin shiikh cabdulaahi u siiyey Aabaheed, ka dib markay walaasheed oo ka weynayd ka dhimatay.

sida caadada dumarka Soomaaliyeed tahay amaba ahaan jirtay, haweentu, ma ogola in gurigeed habac iyo maamul xumi ka muuqato. Shiikhana aad bay u qadarisaa. Waxay dalbatay in waqti laba maalmood ahna la siiyo, wixii dhaqaale ah, ee howsha lagu maamuli lahaana la soo raacsho.

Shiikh ma laba-labayne wuu la qaatay. Jimce ayaa la balamay, in qadada la sameeyo. Shiikh Cabdulaahi odayaal ayuu u yeeray, si uu arinta ula wadaago, iskuma badine ragii uu is lahaa waa gali karaan ayuu casumay. Waa wada rug cadaa, waa rag uu wada yaqaan, oo ay soo wada shaqeeyeen.

Aan kuu tiriyee: waa Oday Faarax Yare, waa gar cadaa wax badan u soo joogay, qaraaba dhowna la ah macalin Samatar.

Ninka kale waa Xaaji Cabdi Odawaa, faltiisu waa reer magaal ku caan baxay kala guridda arimaha murga, magaaladduna waa soo tilmaansataa.

Ninka sadexaad waa Maadey oo waa warasadii odaygii magaaladda la joogo aasaasayaasheeda ka mid ahaa, oo waa ninka ay wadaadadu guriga ay dugsiga ku dhigaan ka kiraysteen.

Waxay shiikh Cabdulaahi howl badani ka raacday inuu ogolaysiiyo ka qayb galka garta, Aw Nuur oo ah duq culima la daaq ah, wax badana uga soo joogay wadaado garamaya, ogna in gar wadaado ka dhexaysa adkaan karto, maadaama wixii daliil ahaa ee lagu wacdin lahaa ay yaqaanaan.

Ninka ugu dambeeya waa macalin Naaleeye, oo mudo sanad ah dugsiga wax ka dhigayey, waxna ka og sida wax yihiin.

Waa maalintii la balamay, waa Jimcihii, Ruqiyo martidda loo ahaa. Salaaddii Jimce haddii la soo tukaday, waxaa laysku sugay masjidkii lagu balamay oo dhanka galbeed guriga shiikha kaga aadan. Waa la is helay, waxaase meeshii lagula kulmay oday ay safar ku ogaayeen, oo haddii uu joogo geedka aan laga hadal, waa shiikh Mucaawiye, waa lays af gashadey, war shiikh inoola hadla, laysku waafaq laakiin maadaama waqtigu gaabnaa waa laga xishooday in qadada lagu casumo, laakiin waa laga maarmi waayey in lala hadlo, waxaa loo diray Aw Nuur oo ay ooryo walaal yihiin.

Waxoogaa haddii ay wada showreen waa lays waafaq.

Xagaas iyo xaafaddii ayaa loo jihaystay. Shiikh Cabdulaahi maadaama uu gogosha dhigay wuu sii hor maray, oo gurigii sii aaday.

Abaabul badan ayaa xaafadda laga dareemayaa; maxaa sharaxaad ah, maxaa gashaanti adeegaysa ah, maxaa maacuun sharqamaysa ah, maxaa uunsi iyo bukhuur ah.

Waa la soo wada galay ragga qaar beri hore ayaa isugu dambaysay, oo waa lays xiisaynayaa.

La soco Q-3aad

Xirsi Jaamac Gaani
Email: h[email protected]

———-

Md. Xirsi waa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee  Dowlad Goboleedka Jubbaland

—————

Qeybtii hore ee sheekada

Sheeko Taxane ah: Khasaaro Qeyb, Q1-aad W/Q Xirsi Gaani


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.