Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Sheeko Taxane ah: Khasaaro Qeyb, Q-3aad

W/Q Xirsi Jaamac Gaani

Shiikh Cabdulaahi iyo Khaalid oo willkiisii curad ah, oo ay bah weyntu dhashay, waxay taagan yihiin albaabka guriga, si ay dadka u soo dhaweeyaan.

Shiikh Cabdulaahi:  “odayaal soo dhawaada”.

Khaalid “Adeerayaal soo dhawaada”.

Oday Faarax oo Khaalid awowgiis ay saaxiibo yihiin, ayaa yiri “maandhow ma ina Shiikh Cabdulaahi baa tahay”?

Khaalid: Haa bu ugu jawaabay.

Khasaare Qeyb- WDN

Oday Faarax: “alla awoowgii u ekaa, walee wacal maaha, gacmaha garaaryaha leh iyo san qaroorkuba waa nabadoon Diiriye oo meesha taagan”.

Fadhigii ayaa la soo galay, Aw-Nuur oo sidaan hore idiinku soo sheegay oday weyna ah, haddana culimo la dhaqan ah, ayaa yiri: “Shiikh Mucaawiye kursiga ku fariiso”.

Kursi kaliya ayaa yaala qolka dhexdiisa. Waa kursi weyn oo maamuusan, waxaa kal hore loo soo iibshay Nabadoon Diiriye oo shiikh Cabdulaahi aabihiis ah, oo magaalo kale reerka ka soo booqday.

Shiikh Mucaawiye: ”Oday Faarax baa inoogu da’weyne ha fariisto”.

“Oday Faarax Fariiso adaa ugu weyn raga meesha marayee”, Buu yiri Aw-Nuur.

Mayee, adiga iyo mayee adiga haddii laysku celceliyey. Oday Faarax ayaa inta fariistay yiri: “Haddii da’ddii laga wada cararey anaa idiinku weyn, runse ha moodina”. Waa la qosqosley.

Oday Faarax baa sheekeeyey, horta Xaaji Cabdi Odawaa igaba weyn laakiin, magaalaa u ceeb qarisaye, Maadeey’se markaan magaalo soo galey intiisuu le’e kaa.

Waa kaftan oo waa laysku tuurtuurayaa.

Aw-Nuurbaa yiri “ma waagaas”. La qosal.

Maadeey oo meel Oday Faarax ka soo horjeedda fadhiya ayaa inta qosley yiri:”Waagii aan caqliyeystay Oday Faarax duqayda magaaladduu ka mid ahaa, Xaajigii aabahay buuna la saaxiib ahaa”. Waa la qosqoslay haddana.

Shiikh Cabdulaahi oo reerka xagiisa ku maqnaa ayaa soo galay, lana kulmay qosalka oo dibaddana ka maqlayey, oo yiri aniga ma cidbaa yaraan igu haysata, oo inta isu jawaabay yiri : “kursiga aabahay baa markhaati ah “.

Shiikh Mucaawiye baa yiri: “intaa hayna kala gaadho”.

Shiikh cabdulaahi: “odayaal aan qadayno waqtigu waa yar yahaye”.

Xeedho iyo Fandhaal

Qado aad loo diyaariyey ayaa la soo dhigay, in kastoo reerku, reer magaal yahay, haddana waxay isticmaalaan weelashii dhaqanka soomaalidda. Xeerooyin waaweyn oo Garbi iyo Yooco laga qoray si fiicanna loo xardhay, ayaa lagu wadaa raashinka, fandhaalo, qude iyo qarsin lagu ayimayo(walaaqayo) ayaa dhinacyadda ka saaran.

Hilibku waa noocyo: solay, karis iyo hogaysba waa leeyahay. Bariiska waxaa iidaan looga dhiga subag sixin ah. Caanuhu waa noocba nooc: karuur geele oo dhiilo, deebtii iyo culaygii ka soo carfayo ku jira, dhay lo’aad, dhay geel.

Guriga aad ayaa loo qurxiyey, waxaa darbiyadda ku sharaxan oo sursuran: xaarin (masaf), saqaf (shanlo), barkin iyo waxyaabo badan oo Soomaalidu dhaqan iyo hiddo u leedahay. Aad ayaa loona carfiye oo waxaa ka kankamaya uunsi iyo catar noocyo ah.

Maadeey oo in badan oo weelka ka mid ah ku cusub yihiin ayaa inta yaabay yiri: “intee la joogaana, soo idinka cidihii baadiyaha soo raray maaha”. Qosal baa lala daatay.

Naaleeye oo ragga ugu da’ yar ayaa inta soo booday yiri adeer “intee shay ayaad ka garanaysaa”.

Inta qoslay ayuu yiri: “kuli waa garanaa ee maxaa tooshka iigu ifinee”.

Maadey haba weynaadee afkii ciyaalka xaafadda ayuu ku hadlayaa, dhexduna waa dhuuqsan tahay.

Aw-Nuur ayaa yiri “war ka leexo odayga”.

Maadey: “Aw-Nuur reeb ninkaas, aan ku duufine fara dheertaan ma I kasaayaane”. Waa la qosqoslay.

Shiikh Cabdulaahi: ayaa yiri “saddexsaddex isugu jeesta”. Faraxalkiisna waa la sidaa, waa cuntaddii ayaa la bilaabay.

Maadey iyo Naaleeye isku saxan bay ku jiraan, Maadey waa beesaani ka riwaayadayso (shactirayso), Naaleeye is leh.

Inta Xagalo geel oo xeeradda qarkeeda saaran kor u qaaday ayuu waydiiyey: “Naaleeye kaneey maxaa waaye”.

Naaleeye oo qoslaya ayaa yiri “waa Xagalo geel”.

Maadeey: Inta qoslay buu yiri ar adinkaa “baruurlee ma iska tiraahdidoo maxaa isu dhibee”.

Naaleeye nabar baa ku maqan, waa inuu aar gutaa, inta kurus kor u qaaday ayuu yiri: “ adeer Maadey adigu kan ma taqaan, baruurna haysku dhihin”. Aadbaa loo qosqoslay.

“Anni maa ii jeedaa, waa kasaa”. Maadey oo qoslaya ayaa yiri.

Naaleeye: “iga har marka waa garan weysaye”.

Oday Faarax ayaa yiri: “waa kala joogtaan ee is daaya”.

Shiikh Mucaawiye oo qolka dhinaca bidix ka fadhiya, ayaa yiri: “war aniga waxaa lay raacshay niman aan waxba cuni karin”.

Waa la qadeeyey. Jawigu waa degan yahay waa la wada findhicilanayaa.

Shiikh Cabdulaahi iyo Khaalid oo adeegayey baa xeero laba dhinac ka galay. Intii kaftanka la waday ayey qadeeyeen oo inta faraxalkii dhamaysteen durba weelashii qaadeen.

Shiikh Cabdulaahi ayaa hadalkii furay: “Shiikh Mucaawiye warka inoo fur”.

Shiikh Mucaawiye, inta duco ayuu ku furfurtay, ayuu warkii ku soo celiyey oo yiri: “Shiikh Cabdulaahi gogosha adaa dhigay ee warka inoo bilow”.

Shiikh Cabdulaahi ayaa warkii bilaabay: Odayaal anaa idiin yeeray, waxaanan rabaa inaan idinkoo mahadsan idinla wadaago arin aniga aan la xanuunsaday, habeenana aan ka seexan waayey. Waxaa la yiri beribaa magaalo waxaa laga dhex maqlay qaylo, war masjidka aan beegsano, ayaa lagu tashaday, mid ordaayaa yiri masjidkayba ka jeertay.

Waxay kaloo Soomaalidu tiraahdaa: “dab hadduu dhaxamoodo maxaa lagu diiriyaa”. Arinku waxaa weeye dugsiga aad taqaanaan ee la magacbaxay “dugisa Wadaaga” ee magaaladdu ku diirsatay, barkiina aad xiriir toosa la leedihiin ayaan dhiilo ka wadaa, waa sii waday warkii oo yiri hana ila yaabina. Laakiin waxaa la yiri “waxaadan hurayn horaa loo falaa”.

La soco qaybta 4-aad.

Xirsi Jaamac Gaani
Email: [email protected]

———-

Md. Xirsi waa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee  Dowlad Goboleedka Jubbaland

—————

Qeybihii hore ee sheekada- Khasaaro Qeyb:

Sheeko Taxane ah: Khasaaro Qeyb, Q1-aad W/Q Xirsi Gaani
Sheeko Taxane ah: Khasaara Qeyb, Q-2aad W/Q Xirsi Gaani


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.