Tuesday, March 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Shirkad Maraykan ah oo ka hawl gasha Muqdishu

W/Q Maxamed Cismaan iyo Cabdikariin C/raxmaan X. Xasan

Maalgashiga madaxa banaani waxa uu kaalin mug leh kaga jiraa horumarinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurista wadamadda ay saameeyeen dagaalada sokeeye (fragile states). Wadamaddan ayaa had iyo jeer ay la soo gudboonaataa xaalado adag iyo dhibaatooyin ku wajahan sidii ay u heli lahaayeen fursado maalgashi. Helis la’aanta fursadahaasi ayaa horseeda khalkhalka dhincyada amaanka, siyaasadda , musuq-maasuqa iyo kaabayaasha haykalada dawlada oo aan mug lahayn. Arimahan ayaa dhaliyay in wadamadani aysan helin maalgashi soo jiita shirkadaha iyo gancsatada madaxa banaan.

Bancroft location after
Huteelka Bancroft ee Caalamiga

Soomaaliya oo ka mid ah wadamaddaasi ay saameeyeen dagaaladda sokeeye iyo ammaan darro daba dheeraatay (fragile states), islamarkaana uu culays ka haysto dhinaca maalgashiga madaxa banaan, ayaa haddana leh fursado ganacsi oo wanaagsan. Kuwaasi oo ay ka mid yihiin deegaanka Soomaaliya ay ku taalo ee Marinka Cadan (Golf of Aden), islamarkaana daris la ah Itoobiya oo aan laheyn fursad ganacsi oo baddeed (land locked), ayaa ka dhigaysa Soomaaliya wadan ay si aad ah indhaha ugu hayaan gancsatada iyo shirkaddaha maalgashiga ee madaxa banaani.

Sanadkii 2007 waxa uu ahaa mid maleeshiyaadka xagjirka ah ee Al Shabaab ay ka taliyaan goobo badan oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya, waktigaasi oo ahaa ka hor intii aanu taabo gelin duulimaadka joogtada ah ee Shirkadda Diyaaradda ee Turkigu (Turkish Airlines) ku tagto Muqdishu. Waxa ay ahayd wakhti ammaanka Muqdishu aanu caga ku taagneyn, waxa ay ahayd wakhti aan ku haboonayn maalgashi lagu sameeyo Muqdishu. Waxa ay ahayd wakhti fikirka maalgashi ee Soomaaliya uu ahaa mid aad caqliga uga fog, iyada oo guud ahaan aasaaska maalagshigu uu ammaanku tiir dhexaad u yahay, hase yeeshee sidii uu sheegay Kofi Anan, maalgashiga Afrika ayaa wali ah mid dihin oo aan la daah furin.

Haddaba xaalada oo sidaas u cakiran ayaa shirkadda Bancroft ee Hurumarinta Adduunka ay maalgeshi ku samaysay Soomaaliya, Bancrfot “ oo ah shirkad dhidibadeeddu ay ka soo jeedaan qarniyo, oo soo jireen ah, shaqooyin ku aadan taakulayntii waxyeeladii dagaalkii koowaad ee adduunka (WWI) iyo maalgelin dhinaca kobcinta dhaqaalaha la xidhiidha gacan ku siisay waddamo badan ka gadaal dagaalka”

Bancroft Global Development, marka laga reebo maalgashiga Soomaaliya, waxa kale oo ay xooga saartaa sidii ay gacan uga geysan lahayd dhiirigalinta maalgashiga Soomaaliya ee ganacsatada gaarka ah iyo shirkaddaha madaxa banaan. Bankcroft waxa ay furtay bishii Abril 2013 Huteelka “International Campus’, kaasi oo u dhow madaarka Caalamiga ah ee Muqdishu, Hoteelkaasi oo ku fadhiya dhul dhan 11 acres, dhulkaasi oo horey u ahaa goob qashin gur ah, hase yeeshe uu badalay Huteel casri oo markaasi dhamaan hawl wadeenaddii Safaaradaha , Qaramada Midoobay iyo Midowga Yuurb ee horey u fadhiyay Nayroobi, Kenya, ay hadda qeyb ka yihiin dadka Hoteelka hoyga ka dhigtay. Huteelka ayaa horey uga koobna 212 qol, balse hadda ah 320 qol, iyada oo baahidu ay aad u xooggan tahay. Bancroft ayaa lacag dhan ilaa 25 Milyan oo doolar gelisay dhaqaalaha Soomaaliya, dhaqaalahaasi oo aan marna u dhigmin daddaalka ay Bancroft ugu jirto si markaasi Soomaaliya ay dib ugu soo noqon lahaayeen beesha caalamku.

Bancroft location
Goobta laga dhisay Huteelka, ka hor dhismaha Huteelka

Bancroft dhinaca kale tababaro siisa ciidamadda AMISOM ee nabad illaalinta Soomaaliya, ayaa si wacan dhawaan ugu soo baxday qeybaha kala duwan ee warbaahinta caalamka, ka gadaal markii Al Shabab weerar ku qaaday fadhiisinka AMISOM ee Muqdishu bishii Des 25, 2014. Maleeshiyada Al Shabaab oo ku labisnaa dharka ciidanka Soomaalida, ayaa weerarkaasi ku dilay 9 qof oo uu k amid ahaa nin u dhashay Maraykanka oo la odhan jiray Brett Fredricks, horeyna uga tirsanaa ciidamada Marakanka qaybta sida wacan u tababaran ee lo yaqaan Delta, islamarkaana tababere u ahaa AMISOM , isaga oo ahaa shaqaale ka tirsan Bancroft.

Haddaba WardheerNews waxay fursad u heshay in ay la fadhiisato madaxda ugu sarreysa ee Bancroft, kuwaas oo kala ah Michael Stock, oo ah aas aasihii shirkadda, Marc Frey iyo Gregory Joachim, si ay xog uga hesho hawlaha ay ka wadaan Soomaaliya. Mar la weydiiyay Mudane Stock, “Maxaa sababay in aad shaqooyin ka bilowdo Soomaaliya”? ayaa wuxuu ku jawaabay, “ Soomaaliya waxay aheyd mid u qalanta Bancroft ilaa iyo dhammaadkii sannadkii 2007 waayo xilligii aynu tagnay, shaqaaqada ka aloosnayd dalku waxay ahayd mid ba’an, hase yeeshee fursadaha ganacsi ee Soomaaliya yaallay ayaa weligii ahaa mid qiimi ku fadhiya. Faa’idooyinkii waddanka uu leeyahay ka sokow, haddana marka aad eegto goobta dalku kaga yaal badda Hindiya, waxaa kuu muuqanayaa wax badan oo raasamaal ah oo aanan laga sal gaadhin. Waanu ogeyn in ay jiraan dad badan oo wax bartay, ha ahaadaan Soomaali badan oo dunida dacalladeeda ku kala baahsanaa oo muujinayey xidhiidh adag oo ay la lahaayeen dhulkii hooyo.”

Su’aal ku saabsan dhinaca kala fogaansha beeshe caalamka ee joogta Soomaaliy iyo danyarta Soomaaliyeed iyada oo laba duni oo is barbar yaalla ay ka jiraan Muqdisho, kuwaas oo ah kuwa Gidaarkii ama derbiga cagaaran ku gaddaamanaa iyo Soomaali inteeda kale, ayaa Md Frey wuxuu yidhi, “sideedaba Gidaar muuqda oo loo isticmaalo amni waa mid nasiib darro ah. Bancroft waxay u taagantahay sidii ay uga shaqeyn laheyd labada dhinac ee gidaarka, waayo waxaan rajeyneynaa in xidhiidhkeenna ku saleysnaado xidhiidh wanaagsan iyo is aamminaad dhex marta dadyowga deegaanka iyo hay’adaha samafalka ah ee u yimi in ay mucaawino fidiyaan. Hase yeeshee, waxaa habboon in la fahmo sababta dhabta ah ee keenaya gidaarka a iyo is aammaan la’aanta Muqdisho in ay ka immaaneyso Al-Shaaab. Ujeeddada ugu weyn ee kooxdani ayaa ah isdii ay isaga horkeeni laheyd ummadda Soomaaliyeed iyo ummadda caaalamka.”

Markasta oo ammaanku isa soo  taro, Bancroft waxay u kuur geleysaa sidii ay mashaariic kale ugu soo kordhin laheyd Soomaaliya, kuwaaso  oo ay kamid yihiin dhinaca Beeraha. Howard Buffet, oo ah wiil uu dhalay maalqabeenka caanka ah ee Warren Buffet, kadib markuu ka helay martiqaad Bancroft, ayaa hadda kahor booqasho  ku tegey Soomaaliya isagoo doonaayey in uu mashaariic ka hirgeliyo Soomaaliya.

Md. Stock wuxuu qeexay in guusha Bancroft ay ku xidhantahay guusha Soomaaliya taaso la micna ah “wixii Soomaalida anfaca, annagana waa na anfacayaa”.

Hab maamuuska ganacsiga gaarka ah ee Bancroft, ee ku saleysan faa’idada baaxad mug leh ee Soomaaliya, waa mid yiddidiilo leh oo la hawl gelin kara.

Wareysigii oo dhammeystiran waxaan soo bandhigeynaa goor dhow.

Maxamed Cismaan iyo Cabdikariin C/raxmaan X. Xasan

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.