Tuesday, April 16, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Slideshow
  • Warar

Shirkii Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ee Muqdisho oo burbur qarka u saaran

Muqdisho (WDN)- Warar xogogaal ah oo soo gaadhaya WardheerNews, ayaa sheegaya in shirkii Maamul Goboleedyada iyo Dowladd Federaalka ee lagu waday in uu ka dhaco Muqdisho bishan Oktoober 20-da uu burbur ku dhaw yahay.

Shirkii Kismaayo ee wada tashiga nabadda

Shirkaasi oo lagaga arin san lahaa sidii loo maareyn lahaa loona damin lahaa xurgufta siyaasadeed ee soo kala dhex gashay Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka.

Is maandhaafka shirka Muqdisho ayaa yimid, ka gadaal markii Dowladda Federaalku ay sheegtay in M/weynaha Galmudug Md.Axmed Ducaale Xaaf, aanu shirka Muqdisho imaan karin, oo aan lagu marti qaadi doonin.

Fahad Yaasiin

Arinkan ayaa ka cadhaysiiyay dhamaan hoggaamiyayaasha Maamul Goboleedyada oo sheegay in aanay ka qeyb geli doonin shirkaas haddii aan lagu marti gelin dhamaan madaxda Maamul Goboleedyada xubinta ka ah Dowladda Federaalka.

Dowladda Federaalka ayaa dhawaanahan lagu eedaynayaa in ay wado qorshayaal ka dhan ah Maamul Goboleedyada, oo wax u dhimi kara xasiloonida dalka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qorshayaashaasi laga soo abaabualayo Madaxtooyada Soomaaliya (Villa Somalia), uu horseed ka yahay Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin, isaga oo adeegsanaya awooda Madaxweyanaha Soomaaliya.

Dhawaan ayay beesha caalamku gaadhsiisay Dowladda Federaalka Soomaaliya farriin ku aadan in ay faraha kala baxdo qalalaasaha Maamul Goboleedyada xubinta ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana u guntato sidii ay ula shaqeyn laheyd, loona xalin lahaa wixii isafgaranwaa ah ee jira ama soo foodsaara.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.