Tuesday, April 16, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Si Aanay u Gaboobin (Sheeko Gaaban)

W.Q.  Ayaanle Hoori

Dhan walba ayuu indhaha u jeedaaliyay. Kursi bannaan ma arko. Si bay, maanta, makhaayaddu u dad badan tahay. Waa Khamiis. Waa maalinteedii. Haaye, xataa Khamiisaha, awal sidan umay buuq badnayn. Maxaa si ah? Isaga oo wali taagan, isla hadlaya, oon dhanna u dhaqaaqin bay laba nin oo dhanka waddada ugu xigaa kuraastoodii ka kaceen. Tollow may soo noqonayaa mise sidaas bay ku tageen, ayuu is weydiiyay. Hadday soo noqdaana. Way kaa kicinayaan. Oo ma hooyadood baa leh!

Aayar buu soo tallaabsaday. Kii dhanka biddix xigay buu salka dhigay. Ma jecla in uu meelahan iyo meel u dhawna toona fadhiisto. Siiba kuraastan xigta dhanka waddada. Marka laga yimaad in uu neceb yahay buuqa iyo biibiibta baabuurta waddada maraysa, ma jecla in uu fadhiisto meel sheedda laga soo bildhaansan karo.

Golaha kacaanka
Golahii Sare ee Kacaanka

Inta badan makhaayaddan, galabtii, laba ujeeddo ayuu u yimaadaa: in uu wargeysyada qalaad ku akhriyo ama in uu saaxiibkii kula sheekaysto. In laga dhexgalo labadaasna ma jecla. Waa sababta aannu halkan u jecleyn fadhiisigeeda. Mid baase soo korodhay waayadan dambe. Sidii shaqada looga eryayba saxiibbadiisii ay wada fadhiisan jireen wuu ka dhuuntaa. Gaar ahaan kuwa shaxaadka badan.

Maanta wargeysna ma wato, balanna kuma laha halkan. Dhawaanba sidan buu ahaa. Kaliya waxa uu rabaa in uu isku dhaafiyo dhawrka saac ee ka dhiman ballanta uu caawa la leeyahay iyada. Habeenka Jimcuhu soo galayo bay, badanaa, isku raacaan shaneemada. Qolkiisa oo uu galabtii wax ku akhriyi jiray diiqad buu ku dareemaa ayaamahanba. Waxa uu iska dhaadhiciyay in ranjiga cusub ee toddobaadkan la mariyay guriga, uu madaxu ku xanuuno. Sidii abtigiiba uga shikiyay waa laga soo raray qolkiisii hore ee daba-ka-galaha lahaa. Qolkan uu imika deggan yahay waa mid yar. Afar mitir. Cidhiidh ku ah isaga iyo buugtiis ba. Hawadu way ku yar tahay. Horayna ugama baxdo. Ranjigii baa wali haysta qolka.

“ Kii Ilko-dahable miyaanu wali kuu iman?” Waa laga dhabqiyay. “ Maanta oo dhan baad kali fadhidaye”. Kor buu u eegay. Waa Dacay. Mooge, Ina-Baxnaan. Kabayeeriga makhaayadda. Lama uu hadlin, kumana uu qoslin sidii caadada u ahaan jirtay. “ Afloo isagaaba kaa soo horayn jiraye, waayadan mooyi wax ku dhacay”. “ Maba aragno- fanto dishayguye- tollow halkuu ka dhacay?”. Ayuu Dacay sii su’aalay. Imikuu qoslay, waliba si daacad ah. Afloo!

“ Waa midhkii kabashiinihii uun saw maahin?” ayuu Dacay si hubsasho ku jirto u weydiiyay. “ Haa waa isagii uune…” cabbaar buu hadalka hakiyay, sidii uu ku badh go’ay. “ Laakiin u sheeg yuuna sidiisii sonkorta igaga badine” ayuu Dacay oo sii socda ka daba yidhi. Isagu ma leh, balse sidii xaafadda macaan looga helayba, sonkorta ayuu iska ilaaliyaa.

Afloo. Ku ye ‘ Afloo’. Waar muxuu Dacay talaateeyay. Wuxuu xasuustay maalintii u horreysay ee Xaaji Muruudi, mulkiilaha makhaayaddu, uu shaqada keenay.

Waxaa ku soo dhacday su’aashii uu weydiiyay, maalintaas. Markasta oo uu xasuusto wuu qoslaa. Haddana wuu ka xumaadaa. Waa ayaantii Dacay oo miyi guntii ka yimiday, dhago xidhan, shaqadana ku cusub uu weydiiyay cidda ay yihiin shanta nin ee ku sawiran boodhka ka soo horjeeda meheradda. Sawir-gacmeedka ku dheggen xarunta xisbiga ee degmada. Waa shanta garbuhu u cas yihiin.

Shanta Golaha Sare ee kacaanka ee Duqu dhexda ugu jiro. “ Waa niman beerka geela iyo kuwa dadkaba ku naaxa ee iska ilaali haddaad suuqa ku aragto”. Mooyi wax ka yeedhsiiyay intan. Wuxuu is arkay uun iyada oo ay afkiisa ka soo dhacday. Wuu se og yahay ta ay isku hayaan isaga iyo tawraddu. “ Walaahi…oo maxay beerka dadkana ku falaan?”

“Si aanay u gaboobin”, ayuu ugu jawaabay. “ Beerka dadku ma gabowga ayuu celiyaa?”, ayuu Dacay ku ceshay.

“ Haaye, nimankan meel lagu sheegay ba ha ka ag dhawaan”.

Dacay oo yara wareersan, si na u rumeysan la warkan, wax uu ku diidana garan la’, ayuu Xaaji Muruudi sheedda kaga soo qeylyay.

“ Igaarkeey, maad shaqaysatidoo”. “ Kii Iikaraa madbakha kaa dhex wacayee”.

Boodhkii sundhnaa xarunta xisbiga ayuu eegay. Wuu caddaadey. Wuu basaasay. Midabbada qaar baan si fiican ugu muuqan. Wuu ka shikiyay. Indhihiisa ayuu mooday. Okiyaalka akhriska oo jeebka sare ugu jiray ayuu la soo baxay. Wuu gashaday. Eegay. Waa dhab oo indhihiisii waa caadi. Waa sawir duugoobay. Dayac baa ka muuqda.

Sidiii Duqu waddanka dagaalka u galiyay ba, inta badan, aad looma baddalo siduu waayo ahaan jirtay. Maxaa laga baddali. Duqa iyo xertiisuba ma iyagaa yimaadba xarunta sidii uu shilka u galay ba. Goormaa ugu dembaysay. Salaasadii ba sawta la buneysto. Sawta laga nastay ee guryaha lagu dhakhleeyo. Goormaa ooriyanteyshan uu dambeysay dhulka. Xasuustiisuu dib u fiiriyay. Waagii uu waday shaqada qaranka.

Wali sawirkii ayuu ku foogan yahay.“ Kani, tollow, imisa ayuu sudhnaa halkan”, ayuu is weydiiyay. Laba sanno. Malaha saddex. Yaa huba in ay shan tahay ba. Mooyi.

Wuxuu xasuustay sheekadii beerka iyo weedhii uu ku yidhi Dacay, “ si aanay u gaboobin”.

Ayaanle Hoori
Email:[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.