Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

SILSILADDII XAYDHA (Hormadii 6aad, uguna dambaysey)

W.Q. Shaafici Qaasim Nuur

Shaafici
Shaafici Q. Nuur

Sidii aan qormadii koowaad kusoo xusay, far Soomaalida iyo af Soomaaliga oo in badan kala da’ weyn aawadeed, waxa hallaabay ama marar badan madmadow isku gedaamaa suugaan badan oo haddii qoraal lagu sugi lahaa, afkeenna dhumuc iyo dhadhanba ku biirin lahayd. Yeelkeede, wax aynu dugsanno ama wax ku dul dhisi karno waynu soo gaadhney. Silsiladdan Xaydha lafteedu ma wada dhamma oo sidii wax u dhaceen looma wada xasuusto, balse inteedii mugga lahayd, ujeeddadana iftiiminaysey way ina soo gaadhey oo waynu haleelnay. Haddaba, tixaha soo socda oo ah kuwa aan kusoo af meeri doono taxanahan, ma wada dhamma, mana dhumuc yara ee sidaa ku guddooma akhristeyaal.

Waxa inoogu dambaysey iyadoo Aar Xandulle iyo Guuleed-Xawaash isu af celiyeen, kaddib markii Aar Xandulle ku yidhi GuuleedXawaash, “sheekada candhuuqada ha usoo gelin ee soo kulaal”. Guuleed-Xawaash na markii uu arrinkaa liqi waayey, waakii mariyey tix uu ku faahfaahinayo sababta keentay inuu gartan wax ka galo iyo weliba meeqaanka uu bulshada ku dhex leeyahay, iyadoo ay weheliso waxoogaa hanjabo-Ruush ah oo uu Aar ugu quus goynayo.

Waayahay… Teer iyo markii ay bilaabantayba waxa meertadan ku garramayey laba saf oo is quwad le’eg. Safka hore waxa uu xoojinayey dooddii Weerar Cali Geelle ee ahayd, “Allaylehe ninkii xididkiisa xaydha ka waraabshey inuu xishood darraa”, waxaana hormuud u ahaa Maxamed Nuur Abokor oo “Huube” loo yiqiin. Safka labaadna waxa uu difaacayey Xirsi Cali Buraale (Xirsi-Caamir) oo dulucda weedhiisu ahayd, “hadduu dhuunigu silloonaa, maxaa loo dharqanayey?” Safkaana waxa hor kacayey Diiriye Aw Guuleed Warsame.

Haddaba markii gabaygii xaydhu go’i waayey, gees walbana u duulay ayaa ragga qaarkii Diiriye Aw Guuleed ku yidhaahdeen: “Diiriyow gartii waxay u muuqataa in laydinka heley e, xaajada qarsada, xaalna bixiya, muranka xaydhana halkaa ku xabaala”.

Diiriye Aw Guuleed arrinkaasi uma qudhqudhsamin. Iska dhaaf inuu qarsado e, qaylo dhaan hor leh ayuu dirtay. Si uu medad ugu noqdo, raggana wax uga jebiyo, waxa uu u habarwacday nin la odhan jirey Xaaji Jaamac Abokor oo markaa Bari gacalkii kula ollog ahaa, watarracda dhacdayna moogganaa.

Bilowga tixdiisa (oo aan dhammayn) ayuu Diiriye ku gacan saydhayaa nimankii ula yimi dabuubtii ahayd “gaagaabso oo garowshiinyo bixi”, isagoo ku tilmaamay kuwo caddaaladdii can-gashi dhaafsaday oo dibnahooda la kiraystay. Wuxu yidhi Diiriye:

Qawdhan iyo malaa Jaamacow, waa i qaladeene
Qarshi iyo waxay dhaafsateen, quudki tuulada e
Qayrada Xirsi Cismaan intaan, qaylo marinaayo
Ee Xaajigii Qararre jirey, qabarku gaadhaaayo
Qarsiinada miyaan yeelayaa, Qaadir baa jira e

****** ****** ******

Xaaji Jaamac Abokor ayaa tixdii gaadhey. Warkii ayuu helay, wixii laga yidhina waa loo mariyey. Isla ninkii gabayga u keenay, ayuu isna usoo xambaariyey tix uu Diiriye iyo colkiisa ku garab siinayo, Weerar Cali iyo ciddiisana ku canaananayo.

Horraantaba, Xaaji Jaamac waxa uu tilmaamayaa, asluubtu waa sed e, arsaaqdii afka la gashaday ee la alamsaday, ku akeekamiddeedu inay wax laga istixyoodo tahay. Intaa wuxu raaciyey, subag iyo saaruq kay ahaydba, soortii lasoo sahayday, mar haddii aan la saydhin, asii lagu soo wada siqay, waxa uu Weerar la sara kacaaba inuu hadal sirgaxan yahay. Wuxu yidhi Xaaji Jaamac:

Axmedow ninkii qabanayaan, qoddob u sheegaaye
Qararre iyo waataan fadhiyey, gurigi Qoorwaaye
Qabaarkaba nin hayn baan ahoo, qoobka dhacay mooge
Qaylada dhankaa iiga timi, qoladi aan sheegtay
Qurux malaha dhuunigu haddii, laysku qoonsado e
Qasaarii Salaan waa wixii, jaray qudheenniiye
Jiilaal qawaarsaday abaar, qamacu duulaayo
Horta yaa bal qoonsaday ninkii, subagga soo qaaday
Haddii aa qubtaan Weerarow, quni ma yeedheene
Hadduu subaggu qudhun yahay maxaa, loo qudhqudhinaayey?!

****** ****** ******

Illeen hadal lama dhammeeyo!

Weerar Cali oo sedriga gashaday inuu dooddii isagu ku gacan sarreeyay, sow taar meel dheer ka yimi saq dhexe ma kicin! Sow nin qabar-maafish ahaa oo qisadii loo geeyay uma qiil deyin! Goor uu dibnaha furtayba intuu garan waayey, ayuu Weerar Cali Geelle qummaati ugu jawaabey ninkii Qararre joogay. Isagoo ka jawaabaya midhkii ahaa “maxaa u qubi weydeen?” ayuu Weerar iftiiminayaa wixii ku xanbaaray, in la qubo daaye, soortii xilka lahayd in lagu soo xoomo. Wuxuu sheegay in jidaashii lasoo maray iyo aydii lasoo jibaaxay ee aan jinaw iyo jaan wax jidiinkaa la mariyo lahayni ay ku jirrabtay, inkastuu jaahu diidaayey, inay kala jiitaan jicsinkii fara-kudhegga lahaa. Tixdii Weerar oo aan dhammayn waxa ka mid ahaa:

Qabaarkaba nimaan haynin oo, qaafilaa tahaye
Qararre iyo waxa aad fadhidey, gurigi Qoorwaaye
Subaggii qudhmuunaa waxaa, loo qudhqudhinaayey
Qarfadii la marayey naftii, qado u waayeene
Nin qudhiiba haysaa xarrago, qayb ka geli waaye.

Dhammaad

W.Q. Shaafici Qaasim Nuur
Email: [email protected]
————————–
Ereyga Qoraha: Allow yaanu qalinku nala silban, sursuurna na gelin…. Mahad Alla e, waxa halkaa inoogu soo xidhmay qoraalkii taxanaha ahaa ee intii muddo ah socdey, kuna saabsanaa gabayadii kaftanka iyo garnaqsiga isugu jirey ee ku caan baxay “Silsiladdii Xaydha”. Muddo ayay igu qaadatay, maxaa yeelay waxaan ahay arday barta Caafimaadka oo ah cilmi diyaarintiisu ay canaab badan tahay, welibana ay hawlo kale ii weheliyaan. Hayeeshee waxaan u arkayey inuu waajib iga saaran yahay kaydinta, kobcinta iyo kor u qaadista afkayga hooyo, iyadoo aanay ujeeddooyin kale gadaal iga dudduucaynin. Waxaan mahad gaar ah u celinayaa waalidkii igu soo barbaarshey af Soomaali badhax tiran, bareyaashii ii laqimay xeerarka qoraalka, ruugcaddaagii aan buugtooda ama qoraalladooda akhristay iyo kuwii casharradooda warbaahinta kala duwan ka baxa aan wax ka dheefay. Ugu danbayn waxaan mahad u celinayaa WardheerNews oo ii saamaxday in qoraalkani ifka usoo baxo oo indho badani arkaan.

Sidoo kale akhri Silsiladdii Xaydha:

Qaybtii 1aad
Qaybtii 2aad
Qaybtii 3aad
Qaybtii 4aad
Qaybtii 5aad


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.