Tuesday, March 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Soomaalidu Maanta Isu ma Dhiidhido oo Isu ma Ciirsato

W/Q Rashiid Sheekh Cabdillaahi (Rashiid Gadhweyne)

Waxaan qoraalkan kaga hadlayaa qodob laba oo isku xidhan ah. Ka hore waa hilowga dadku u yeesho dalka iyo qaranka uu ku abtirsado iyo heerka ay Soomaalidu maanta ka taagan tahay qaayo-siintiisa. Ka labaadna waa maxaa sababay heerkaas iyo yaa horseeday? Haddii hilowga (loyalty ama alwilaa’) dalka iyo qaranka loo hayaa baxo, waxaa raaca oo asagu na meesha ka baxa hiiladii iyo istaageeridii la isu hayey. Afartannadii iyo kotonnadii qarnigii labaatanaad halgankii gobannimodaanka waxaa lagu galay isu hilowgii magaca Soomaaliyeed lahaa. Qiiradii taas ka dhalatay ayaa keentay midnimaddii dhicisowday sagaashannadii isla qarnigaas. Maanta na, marka laga tago Soomaaliland oo ayadu aan qarsan go’aanka gooni-isu-taagga, inta kale waxay ku kala go’doon tahay qabaa’il magac dawlad goboleed leh. Qolo waliba shakiga ay ka qabto qolada kale, ayey dawlad “goboleed” ka samaysanaysaa. Soomaaliland na, wax kasta kale oo ay ku faanto, cudurkaas laftiisa way qabtaa. Giddi ba hilowga iyo hiilada ayaa laga ambaday.  Dhacdooyinka la soo maray baa ka marag ah.

Shir  Dhaqan Soomali
Shir Dhaqameed

Marar badan baynu aragnaa ama maqalnaa falal dhagareedyo la galay. Dil qodhgooyo, dhaawac iyo dhac iyo tuugo, iyo kufsi, intu ba way dhacaan. Ta se aan u dan leeyahay ee aan halkan kaga hadlayaa waa falcelinteennu waxa ay tahay iyo sida ay tahay. Haddii aynu qof walba weydiinno waxa uu ku sheegi karo falalkan, hubaal waa la isku wada raacayaa xumaantooda. Xataa dhagarqabahu, been ba asaga ha ka ahaat’ee, wax ka duwan ma odhanayo. Ka dhig in xumaha dembiga laga dhiidhiyayo ama ugu yaraan la necbaysanayo; waxaa se meesha taalla tu kale oo ah maxaa loo dhiidhiyayaa iyo sidee looga falcelinayaa? Ma cidda waxyeelladu gaadhay baa loo danqanayaa? Waxaa la mid ah ma dembiilaha ayaa laga hiilinaya? Damaca hungurigu caqliga wuu tiraa; runi se waxa weeye: qofkii walaalkii xaq dadnimo ugu hiilin waayey naftiisa ayuu ka hiishay.

Marka hore aynu isla eegno ifafaalaha kala qalowga iyo isu damqasho la’aanta ka muuqatay Soomaalida. Waxa aan ka hadlayaa laga bilaabo xilligii kelitalintii Siyaad Barre- in kasta oo ay hortii na jirtay- aad buu u badan yahay gaboodfallada iyo tacaddiyada meelo kala duwan ka dhacay. Qofaf keli keli ah iyo kooxo iyo beelo dhan ba waa lagu falay, la isu ma se damqannin, oo cidi na maxaa lagu galay ma odhanin. Mushkiladdu waxay daarran tahay maqnaanshaha qiyamta iskaashiga iyo isu hiilinta bulsheed oo meesha ka baxday. Waa na astaan ina tusay wax kasta oo bulshada xidhiidhin lahaa oo go’ay, midnimadeediina meesha ka saaray.

Dhawr siyaalood ba waa loo dhiidhiyaa oo loo hiiliyaa mid uun baa se mar walba xaq ah.   Qeexiddeeda, aynu tusaale hore u qaadanno sheekadan yar oo run ahaan dhacday. Waxay ahayd maalin ka mid ahayd sannadkii 1996dii. Wax weyn ma ahayn ee tusaalaheeda ayaa qaayo inoogu fadhiya. Ma aha male-awaal iyo war la igu yidhi midna ee goobjoog baan u ahaa, bal dhinacyadeeda ayaan ka mid ahaa oo taas owgeed baan uga warrmayaa. Nin labada lugood ba ka curyaan ah oo gurguurta, ayaa maxkamadda Gobolka ee Hargeysa horteeda, la fadhiisan jiray teeb uu arjiyada ugu qoro dadka maxkamadda dani ka gasho, shilimaad yarna kaga qaadan jiray. Maalin aan si Alle ku imid halkaas, ayuu nin dhallinyaro ah oo lixdiisa laxaad ba qabaa, si kulul u haddaday ninkii lugaha ka fadhiyey ugu na dhaartay in uu dhulka la dhici doono. Hadallo kulul iyo aflagaaddooyin buu isu raaciyey. Dadkii meesha joogay baa ku waaniyey in uu iska daayo oo uu Alle ka yaabo, ku ma se qabsoomin. Markan baan arrinka si kale u soo galay oo inta aan kor u dhawaaqay, baan si kulul u idhi: ‘waar ma ninkan lugaha ka yuurura ayaa laga hayaa wiilkan xoogga weyn’! Isla markii ba dadkii baa ninkii dhallinta ahaa indho kale ku eegay; asagii na hadal dambe ma soo celin ee wuu ba iska tegay.

Dhacdada sheekadu waa intaas. Waxa aan idiinku darayaa ninkan lugaha la’aa waa aan garanayey oo abtirsiinta reeraha Soomaalida waxa aanu ahayn isku jilib, in kasta oo aannaan ahayn inta magwadaagta la yidhaa, taas oo aan anigu sidayda uga xidhiidh-furtay, wax na aanan ku darsanin. Hadda, waxa aad isweydiin kartaan sababta uu qoraaga warkani u dhiidhiyey ee hiilka ugu wacnaa? Jawaabo badan baad odhan kartaan. Qof walib na waa u xor malahiisa. Aniga se la ima weydiiyo waxa ay iga ahayd. Waayo, haddii aan idhaa: ‘qof kasta oo kale na sidaas ayaan ka yeeli lahaa’, Soomaalida maanta tiro aad u yar baa iga rumaysanaysa(Isrumaysigu ba, Soomaalida maanta, meel kasta oo ay joogto, aad buu ugu yar yahay; iyana na waa tusaale kale oo ina tusaya burburka bulsheed; waayo isrumaysigu waxa uu ka mid yahay qiyamta dhismaha bulsheed isku taago. “Muslinow run sheeg, muslinow na uga qaado”, waa murti ku baaqaysa midnimada bulshada). Ujeeddadeennu waa dhiidhiga iyo hiilada iyo raadka ay ku yeeshaan nolosha bulshada, degganaanshaheeda iyo qalalaasaheeda ba. Taas darteed aynu hadda u nimaadno malaymaha suurtgalka ah ee sheekada inooga dhambalmaya:

Ta koowaad, waxay noqon kartaa dan qof ahaaneed baa ninkan la guulguulayo kaga xidhnayd qoraha warka; haddii la weeraro na ka lumi lahayd; ama uu ka cabsaday in uu ku waayo. Ta labaad ee suurogalka ahi waa ciriqii hiilada tolliimo oo ku riixaya in uu ina-tokii la safto; ama se waa nin reer tolkii ku xidhan oo xeerinaya ceebta ka raaci karta, haddii uu hiilin waayo. Tu saddexaadna waxay noqon kartaa ma aha nin dan qofnimo iyo tolliimo jiidanayaan ee waxa uu u dhiidhiyey waa qiyamta dhaqanka anshax wacan, sida xaqa iyo caddaaladda iyo nabadgelinta dadka tamarta yar oo la isgarabtaago. Aragtidani dambe, haddii ay doonto, waxay daliisahan kartaa ereyadan ahaa: “waar ma ninkan lugaha ka yuurura, ayaa ninkan xoogga weyn laga hayyaa”!

Halkan ka akhri maqaalka: Soomaalidu Maanta

Rashiid Sheekh Cabdillaahi (Rashiid Gadhweyne)
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.